Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Duumada (Malaariyada) – Abriil 25, 2012

 - CUDURKA DUUMADA OO AAD KOR UGU KACAY DALKA JAMHUURIYADDA DIMUQRAADIGA EE KONGO WAXAA UU U BAAHAN YAHAY IN DEGDEG WAX LOOGA QABTO

Xaaladaha cudurka oo saddex-laab noqdey tan iyo sanadkii 2009

 

Abriil 25, 2012 – Xaaladaha cudurka duumada (malaariyada) oo aad kor ugu kacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo/the Democratic Republic of Congo (DRC) ayaa ka tan badiyey awoodda wax looga qabanayo ee hadda jirta, taas oo waajibineysa in waxqabadka la kordhiyo, sidaa waxaa maanta yiri ururka caafimaadka ee bani’aadamnimada ee caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Xarumaha caafimaadka iyo cusbitaallada MSF waxaa ay arkeen in si muuqata ay kor ugu kaceen xaaladaha cudurka duumada, oo ay ka mid tahay nooceeda ba’an. Lix gobol (oo ah kalabar dalkaa aadka u weyn), ayaa tirada dadka duumo looga daweeyey mashaariicda MSF ay kor u kacay 250 boqolkiiba tan iyo sanadkii 2009kii, iyada oo kororkan uu weliba sii sarreeyo bilihii u dambeeyey. Kor u kacan ayaa welwel weyn dad ku haya sababta oo ah tirada badan ee bukaannada qaba duumo ba’an kuwaas oo u baahan in la dhigo cusbitaal iyo in degdeg dhiig loogu shubo maaddaama ay duumadu dhiig-yaraan ku keentey. Iyada oo ay soo wajahdey culeyska weyn ee cudurkan, ayaa MSF ay ku dhawaaqdey in ururku aanu awood u lahayn in uu wax ka qabto dhammaan goobaha uu cudurku saameeyey.

“Daaweynta lagu helo meelaha ka baxsan magaalooyinka ayaa weli aad u liidata, sababtuna waa in aan la iska bixin karin kharashka daawada iyo in aan la soo gaari karin,” ayaa uu yiri Dr. Jorgen Stassijns, oo ah khabiir MSF oo ku takhasusey duumada. “Degaamada qaar, gebi ahaanba daryeel caafimaad kama jiro. Xataa marka daaweyn la heli karo, mararka qaar daawooyinku dad kuma filna ama waa kuwo waqtigooda laga soo gudbey” ayaa uu yiri.

Iyada oo ka jawaabeysa kororkan weyn, ayaa MSF waxaa ay kooxo kale oo caafimaad oo degdegga ah ay geysey afar gobol oo ka tirsan dalka DRC. Sanadkii 2009kii, kooxaha caafimaadku waxaa ay daweeyeen 45,000 qof oo qabey duumo. Sanadkii 2011, waxaa la daweeyey dad ka badan 158,000. Ilaa inta sanadkan ka baxdey, dad ka badan 85,000 qof ayaa la daweeyey.

In kasta oo sababaha keeney kororka aaney weli caddeyn, haddana dhibaatooyinkan ayaa ka dhacaya meel heerarka kala duwan ee nidaamka caafimaadku aaney dhammaantood haysan kheyraad. Dalku ma haysto daawooyin ku filan, sahay caafimaad oo ku filan, iyo shaqaale caafimaad oo tababaran oo ku filan. Nidaamyada ka-hortagga iyo maareynta duumaduna waa ay yar yihiin.

Si loo fahmo sababaha suuragalka ah ee keeney kororkan, MSF waxaa ay hadda diyaarineysaa daraasado cilmi-baariseed.

Gobollada Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu, iyo dhowaantan degaanka waqooyi ee gobolka Katanga, nabadgelyo-xumo ka jirta iyo dagaallo soo cusboonaadey ayaa dadka ka hor istaagaya in ay helaan daryeel caafimaad. Gobollada Maniema, Orientale, Equateur, iyo Katanga, joogitaanka yar ee adeeg-bixiyeyaal caafimaad oo waxtar leh iyo nidaamyada caafimaadka ee culeysku ka tan badiyey ayaa sii adkeynaya in dadka ku nool degaamada uu cudurku ku badan yahay ay helaan ka hortagga iyo daaweynta duumada.

In kasta oo waxqabadka degdegga ah ee MSF uu nafo badbaadinayo muddada dhow, haddana ururku waxaa uu ugu baaqayaa ururrada kale ee caafimaadka ee caalamiga ah, oo ay ku jirto Wasaaradda Caafimaadku, in ay kordhiyaan dadaalladooda ay ku bixinayaan tallaabooyin ka-hortag iyo daaweyn oo degdeg ah oo waarana.

Cudurka duumadu waa sababta ugu badan ee dadku ugu dhintaan dalka DRC, isaga oo sanad kasta dila qiyaastii 300,000 carruur shan sano jir ka yar ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.