Maamulka Suuqa Bakaaraha ayaa udigay Ganacsatada degan hareeraha wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha

 - Muqdisho – April 26, 2012 – QOL - Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Mudane Axmed Nuure Owdiini ayaa isagoo lahadlaya warbaahinta Muqdisho sheegay in la burburinayo goobaha ganacsi ee ku yaalla wadooyinka Suuqa Bakaaraha ee dadka sida sharci darada ah u deganaa.

Hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili uu sheegay gudoomiyaha in horay ugu digeen ganacsatada ku xeeran wadooyinka soogala ama kabaxa suuqa weyn ee Baraaro, amarna lagu siiyay in ay baneeyaan goobaha ay ka furteen ganacsiga ee ay sharaci darada ku degan yihiin islamarkaana uu dhamaaday waqtigii loo qabtay, isaga oo ganacsatada uga digay in ay isku sii dhejiyaan gooabaha ay degan yihiin ee wadooyinka Suuqa, hadiise ay ka madax adeegaan in talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Axmed Nuure Owdiini ayaa sheegay in dadka ay ku amrayaan in ay ka guuraan goobaha sharci darada ee gudaha Suuqa Bakaaraha ayna jiraan inay furmeen suuqyadii magaalada Muqdisho intooda badan cidii doonaysana goob ay ku ganacsato ay ka siinayaan suuqyada kale ee magaalada.

Mohamed Ibraahim Ayaanle | Qaranimo Online | Nairobi | ayaanle19@gmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.