- Muqdisho – April 26, 2012 – QOL - Shirkada SKA ee gacanta ku heysa howlaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigtay labo gaadiid oo u sahlaya dadka rakaabka ee diyaarada ka soo degaya iyo kuwa raaca inay ka soo qaado diyaarada horteeda, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay howlaha lagu hormarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde Air Port.
![]() |
Maareeyaha Shirkada SKA ee Antony Anderson oo ka hor inta aan la soo bandhigin gaadiidkaas la hadlay saxaafada ayaa sheegay in adeegyada ay ka hayaan Garoonka diyaaradaha ay laba laabeen, isagoo xusay inay tababareen shaqaale soomaali ah.
“Markii aan halkan imaanay waxaan bilownay inaan qorano shaqaale Soomaali ah, waxaan ogaanay dad wanaagsan inay joogaan, waa tababaranay, dad badana wan qaadanay”ayuu yir Antony Anderson.
Waxaa uu sheegay inay go’aansadeen inay tababaraan shaqaalaha Soomaalida, si ay u helaan waayo aragnimo dhinaca Garoonka ah, waxaana uu sheegay inay ogaadeen inay jiraan dad qiimo badan.
![]() |
Antony Anderson ayaa sidoo kale sheegay in adeegyada ay qabanayaan uu qeyb ka yahay sidii ay u hormarin lahaayeen garoonka, waxaana labo ka mid ah Shaqaalaha Soomaalida uu u dalacsiiyay inay noqdaan kormeerayaal.
Intaas kadib labo gaadiid oo ah kuwa rakaab ah ayaa dadka diyaarada ka soo degaya ka soo qaadaya, isla markaana keenaya qeybta kale ee Garoonka ee Imigration, si ay ugu fududaato inay marka ay ka soo degaan diyaarada inta aanay u sii socon halkii ay ka bixi lahaayeen ay gaadiid u raacaan.
Sidoo kale dadka ka dhoofayay Garoonka diyaaradaha ayaa iyana si la mid ah u helayay adeega gaadiidka ka qaadayay qeybta sugitaanka ee geynaya ilaa diyaarada, waxaana diyaaradii u horeysay ee lagu bilaabay gaariga ay noqotay diyaarada African Express Airways oo rakaab badan ka keentay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
![]() |
Shirkada SKA ayaa maamusha howlaha garoonka diyaaradaha, gaar ahaan xaqiijinta Ammaanka, horumarinta garoonka, iyadoo wada howlo ay ku horumarinayo garoonka, waxaana horay ugu soo kordhisay adeegyo ka mid ah Run Way ay diyaarada caga dhigtaan, sidoo kalena suura gelisay in xilliyada habeenkii ay diyaaradaha soo caga dhigan karaan, markii nalal waa weyn ku shidan garoonka iyo dhabaha diyaarada soo caga dhigan laheyd.
![]() |
Mohamed Ibraahim Ayaanle | Qaranimo Online | Nairobi | ayaanle19@gmail.com
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize