Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimadooda.

 - Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimadooda.

Shir jaraa’id oo uu maanta saxaafadda hoteelka saxafi ugu qabtay xoghayaha Warfaafinta ASWJ Sh. C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Alqaacidda ayu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay oo ay ka gaareen xasilinta gobollada dhexe Ee dalka, waxa uuna tibaaxay in shacbiga ay door muhiim ah ka qaateen soo Celinta amniga deegaannada ay maamusho ASWJ ee gobollada dhexe.

Abuu qaaddi ayaa ugu baaqay shacbiga in ay ka shaqeeyaan midnamadooda islamrkaasba ay si wadajir ah uga soo horjeestaan qabyaaladda maadaam ay ka qeybqaadatay burburkii dalka ka dhacay.

Sh.  C/llaahi  ayaa ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday ASWJ ay ka qeyb qaadatay dagaallada lagu dabar jarayay jiritaankooda isalamrkaasna looga saaray gobollo badan oo ka tirsan Somalia.

Waxa uuna intasi raaciyay in ay ka go’antahay inay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo qeybaha kala duwan ee bulshada laguna ciribtirayo Maleeshiyaadka shabaab iyo xulafadooda.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimadooda.

  1. Al-Shabaab oo soo dhaweeyay Dilkii Madaxii Shirkada SARACEN ee Gobolka Bariأƒana hadahsay isbedelka Askarta AMISOM ( DHAGEYSO cODKA OO DHAN )