R/wasaare C/weli Oo Kulan La Qaatay Ururada Bulshada

-  R/wasaare C/weli ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakillo ka socday ururadda bulshada rayidka ah isagoo kala hadlay marxaladda uu haatan dalku marayo.

Kulanka uu mudane C/weli Maxamed Cali “Gaas” R/wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah uula qaatay qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah Ayaa looga hadlay sidii uururada bulshadu ay door muuqda ugu qaadan lahaayeen marxaladda kala guurka ah iyo isbedellada dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu ra’isul wasaarahu kala hadlay matalayaasha ururrada Bulshada rayidka,  ansixinta dastuurka dalka, hirgalinta wadiiqada nabadda, Ee Rodmapka iyo ka bixitaanka ku meel gaarnimada.

Prof C/weli Maxamed Cali wasiirka koowaad ee xukuumadda waxa uu ka hadlay muhiimadda kulanka maanta uu la qaatay ururrada bulshada, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in qeybaha bulshadu ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan ansixinta dastuurka iyo sidii looga bixi lahaa KMG-ka.

Dr. C/weli waxa uu ku boorriyay ururrada bulshada in ay door wanaagsan ka ciyaaraan qorshaha dowladda ee ku aadan ansixinta dastuurka iyo howlaha ku saabsan marxaladda kala guurka ah.

Dowladda Soomaliya ayaa diyaar garow ugu jirta isbadallada cusub ee dalku galayo kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin ansaxinta dastuurka dalka dhameystirka Rodmapka soo xulitaanka baarlamaanka cusub ka bixitaanka ku meel gaarnimada iyo doorashada madaxtinimo ee dalka.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.