- Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda KMG in ay gacan bidixaysay soo xulida Odayaasha dhaqanka ee ansixinaya dastuurka islamarkaana soo dooranaya barlamanka cusub, isaga oo Tusaale usoo qaatay in booskiisii Suldaanimo lagu badalay nin ganacsade ah.
Suldaanka ayaa waxa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan in ay la fariistaan dad aan ahayn Odayaasha dhaqanka ee rasmiga oo ay waxyeeleeyaan sharaftooda.
Eedayntaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay eedeymo maalmihii u dambeeyay loo jeedinayay dowladda KMG Soomaaliya oo salka ku haya qaabka loo soo xulayo Odayaasha ansixinta dastuurka.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize