Mandheere & Balad-xaawo oo lagu soo daadiyay ciidamo Kenyan ah

  -  Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lasoo buuxdhaafiyay ciidamo badan oo Kenyaan ah.

Wariyaha gobolka Gedo Jaylaani Xuseen Yuusuf ayaa sheegaya in ciidamo oo ah kuwa isugu jira boolis iyo Milatari ay baaritaano ka wadaan halkaasi, iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha labada magaalo islamarkaana waydiinaya sharciyo taasi oo saamayn ku yeelatay dadka Soomaalida ah.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer hore waxa ay xirtay xaduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login