Shabaab oo ajaanibta ku nool Puntland digniin u diray

  – Afhayeenka Ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo warbaahinta kula hadlay duleedka Muqdisho ayaa digniin u jeediyay dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada Maamulka Puntland.

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uusan damaanad qaadi karin ammaanka dadka ajaanibta ah ee ku sugan deeganada puntland.

Wuxuu sheegay Cali Dheere Madaxweyne Faroole in uusan ka shaqeyn danta iyo rabitaanka dadka ku nool deeganada Puntland isaga oo sheegay in uu ku fashilmay.

Afhayeenka guud ee Ururka Al-shabaab ayaa hadalkiisa intaa waxa uu raaciyay in dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada uu ka arrimiyo maamulka Puntland in aysan ku qaldamin deeganada Puntland islamarkaana ammaankooda aan lagu damaanad qaadi karin.

Hadalka Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere waxa uu imaanaya iyadoo labo maalin ka hor deeganada maamulka Puntland lagu dilay sarkaal la shaqeynayay shirkadda SARACEN ee ka howlgasha deeganada maamulka Puntland.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on April 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Shabaab oo ajaanibta ku nool Puntland digniin u diray

  1. ASCW

    Tan iyo maalintii aan dhashay waxaad ku hayseen waxbaan dileynaa
    iyo waxbaan qarxineynaa, Cali Dhere, Faroole sacad ayuu leeyahay haddii in yar oo cabsi Ebbe kugu jirto sidaas uma hadasheen
    nin Illahay leh looma dardaar weriyo, intase aad Putland, iyo Kofur ku warwaregeysaan maxaad Soomaliland u aadi weydeen? waa su’al da weyn waxaa la soo cadayey dhaqaaluhu inuu Soomaliland idiin soo maro markinni horena Soomaliland la idinka soo asasay, caqli haddaad leedihiin, Cali Dheere iyo Robob, guryihinna inta laydin yirahdo guba wiilka Godane oo Soomaliland u dhashayna gurigiisa nabad laguma hurdeen waxaa idiin sugnaatay inaad xabad madaxa aad iska saartan. Marka Saraakisha lagaa dhammeyo, Aqoonyahannada, Odayaasha maxaa idin haray weli Oday Somaliland ayaa la dilay ma maqashay, xataa kuwooda xamar jooga away idinka kuwiinii? Hadalka waxaan ku soo koobay wake up hurdada ka kaca waxbadan oo iidin ogeyn ayaa jira uma jeedo in aad Soomaliland la dagaalantaan ee waxaan idinka ka rabaa Godane inaad ku tijaabisaan soo bax aan marka horeaan aadno Soomaliland iyaaga walalaheen ONF maalin walba Amaxarka u dhibta, kaddibna Faroole oo ah edebdaran Siilanyo saxiibkiis ah oo laftigiisa Jabhadda ONF Amaxarka u geeya aan ku xijino, bal inuu idin ka yeelo nagu soo war celiya, Qaranimo Online ayaa ballan inoo ah.

    Wa Bilaahi Towfiiq.