Dagaalo xoog leh oo ka dhacay degmada Xudur & qasaaro laga soo sheegayo

 - Dagaalkan oo u dhaxeyaya ciidamada Dowlada oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya iyo xarakada Al shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay dagmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka oo ay soo qadeen Al shaaab ayana la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac balse gudomiyaha gobolka Dagmada Max.ed Macalin Axmed oo wareysi siiyay idaacada Kulmiya ayaa waxa uu sheegay in dagaal ay soo qadeen Al shabaab ayna kaga dileen 6-askari oo Al shabaab ka mid ah gawarina ay kaga gubeen.

Gudoomiyaha dagmada Xudur ee Dowlada KMG Max’ed Macalin ayaa waxa u shegay in aysan wax qarsaaro ah dhankooda kasoo garin waxaana uu sheegay in saacadaha soo socda ay soo badhigi doonan meydadka .

Dhanka kale majiro wax war ah oo ka soo baxay al shabaab oo ku aadan dagaalka ay ku soo qaadeen dagmada Xudur marar badan ayay Al shabaab isku dayeyn in ay weeraro kuso qaadaan dagmooyika ay kataliso Dowlada KMG.

Mohamed Ibrahim Ayaanle | Ayaanle19@gmail.com | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya |

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.