Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Haji Mohamed Yasin Ismail oo casho sharaf loogu dhigay dalka Malaysia kuna dhawaaqay XulQaran.

 - Kuala Lumpur, Malaysia - Farhan Yasin Mire (isqootax) - Musharax Haji Mohamed Yasin ayaa casho sharaf aad u heer sareesa loogu dhigay hotelka shirarka ee al-rawsha ee dalka malaysia ayaa waxaa ka soo qayb galay Aqoon yahano, Wax-garad, Culuma’udiin, Siyaasiin, Indheergarad. Gudoomiyaha Jaaliyadda, Gudoomiyaha Ardayda Puntland (PSSM) iyo Dhamaan Jaaliyada umada somaliyeed ee ku nool dalka malaysia.

Casho sharaftaan ayaa sidoo kale waxaa loogu dhawaaqay XulQaran oo markaas soo bandhigay Musharaxa Madaxweynaha Somalia Haji Mohamed Yasin Ismail oo meeshasi ka soo jeediyey ajandaha musharaxnimo iyo heerka olalaha musharaxnimo uu gaarsiisan yahay iyo cida la shaqeenaysa kuwaas oo uu u bixiyey Xul-Qaran kana shaqeen doona Cadaalada, Nabad iyo Hormar

Markii ugu horeesay ee la furay Xaflada casho sharaftaa ayaa waxaa isla markiiba aayada quraanka kariimkaa ku furay Haji Ahmed Abdirahmaan Biixi waxaana sidoo kale khudbo diinaya iyo wacidaya soo jeediyey Shiikh Maxamuud Shariif oo isla markaasna tilmaamay in uu soo dhaweenayo musharaxa loona baahan yahay shaqsi cadaalada iyo nabad iyo hormar gaarsiiya dalka somalia loona baahan yahay wakhti haatan taagan ee somalida ku jirto burbur baaxadweyn isla mar ahaantaasna loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii somali ay u heli lahayd dowladnimo xor ah.

Waxaa khubadii furay oo hadalkii qaatay Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka malaysia Dr. Muuse Maxamed Axmed oo khudbad dheer halkaska soo jeediyey kana hadlay mar xalado kala duwan oo ay maanta somalia ku jirto iyo in loo bahan yahay in maanta somalidu isku timaado oo ay wada tashato si ay u hesho heer dowladeed

sidoo kale waxaa ku xigsaday oo khubado la tabaan karo ka sheegay halkaaas Engineer Abdulaahi xoogsade engineerka ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muragaa ah taas oo ah mid lala yaabo in maanta qofkasta oo somaliya oo jooga miyi iyo magaalo uu maanta xafido kalmada englishka ah ee 4.5ka taas oo ah qaabka qabiilnimo ee dowladu u dhisan tahay hadii la dhaho somali ku dhehna uu kari waayo waa murugo aad u weyn waana virus na soo maray oo dhibaato aad u weyn ku haya dalka somalia run ahaantii markii ugu horeesay ee aan arkay boorka musharaxa madaxtinimada somalia Haji Mohamed Yasin Ismacil oo halku dhigiisu ku qoran yahay Cadaalad, Nabad iyo hormar aad baan ugu farxay waana farxad aanla soo koobi karin.

Xasan Shiikh Cali (Imaamka)

Iimaanka oo isna halkaas ka hadlay ayaa khubadiisii waxaa ka mida ahaa kalmado aad ugu qosol siiyey ka soo qayb galayaashii casho sharaftii musharax Haji Mohamed Yasin Ismaciil wuxuuna yiri: waxaa ila so xariiray musharaxiin badan oo qaarna aan ka qayb galay hadaba waxaad ogaataan mid kamida in uu madaxweyne noqonayo sidaa daraaded waxaad ogaataan anigu inaan hada shaqo haysto ee sidaas shaqo ku helay waxaa kale oo uu muujiyey in manata muqaalka dowladeed oo khaldan ay nagu jirto maskaxdeena marka waxaan u baahanahay in loo badalo maskaxdeena ama la galiyo muqaall dowladeed oo saxa.

Sheikh Maxamed Rashiid Xanafi

Somaliya waxay burburtay markii ciqilaabka somalia dhacay October maalintii wadada la laayey ee loo sacabinayey anigu taas baan qabay lakin usc iyo snm iyaguna waa ay ka qayb qaateen burburkii somalia sidaa daraadeed somalia waa hore ayey burburtay hadii loo baahan yahay in la helo daawada somalia waxay ku jirtaa in la helo cadalaad iyo heshiis somali dhexdeedaa.

Dr. Abdisalaan Shiikh Axmed

Dhibaato waan soo marnay iyo burbur somalia waxaa bur buriyey qabiil xalkeena wuxuu ku jiraa in ilaahay loo soo noqdo oo la toobad keeno marxaladeenuna siyadaas bay ku jirtaa dowladnimana loo heli karaa ilaahay iyo rasuulkiisa in dib loogu laabto waa in la helaaa manhajka asalkiisa ee umadeena lagu hagi waxaana u bahaanahay shaqsi Cadaalad iyo sinaan waayo waa arin lala yaabo in maanta dalkeena ay umado shisheeyaa u taliyaaan marka somalidu waxay tiraahdaa hadaad tashan waydo waa laguu talin marka waa inaan tashanaa hadii kale waa naloo talinayaa.

Kadib khubadihii kala duwanaa ee ay soo jeediyeen aqoon yahanadii, Waxgaradkii iyo culuma’udiinkii ka soo qayb galay casho sharaftii loo dhigay musharax Haji Mohamed Yasin ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey makarafoonka Musharax,

Haji Mohamed Yasin Ismail. (khudbadii Musharaxa)

Musharaxa ayaa salaan iyo mahad celin u soo jeediyey dadkii halkaas ka soo qayb galay wuxuuna markaas kadib tilmaamay in uu yahay Xul-Qaran oo maanta u taagan xilka madaxtinimada somalia wuxuna khubadihiisii ku tilmaamay in somalia ay tahay dowlada horey loo burburiyey taas oo ay ka bilaabatay 1884-1885 Shirkii Baarliin markii 51dal oo somalia ku jirto in somali kaliya loo qaybiyo shan qaybood ilaa iyo maanta oo ay marayso 2012 ay tahay shan qaybood oo burbursan waxay noqotay somalia dadalka afrikaanka iyo asiayaanka ragii u istagaay in dalkooda kala wareegaan isticmaalka gumeesiga wuxuu ahaa ragyar iyo dumar dadkoodana waxay ka dhaadhiciyee xoriyada

Musharaa ayaa sidoo kale yiri waxaan idin sheegayaa aniga hadii la i doorto oo ilaahay igu guuleysiiyo waxaan idin sheegayaa in maalinta la i dhaariyo in uu noo bilaabanayo asbuucii toobad keenka oo ilaahay loo noqonayey inaan ku dhawaaqayo hadii aan rabi lala heshina wax noo hagaagaya maleh albaabkii rabi ayaa naga xiran marka waxaan rabnaa inaan dariishashada ka soo galin ee albaabka hore ka soo galno naxariista rabi waana waxa kaliya ee aan uga duwanahay dadkii hore iyo kuwa hada sharaxan run ahaantii waxaan u bahanahay in aan anagu heshiino dhexdeena waayo waxaan nahay dad tol iyo ehelo ah walaala aniga hadii aan somali noqday ilaah baa iga dhigay hadii aan somali wada nahayna ilaah baa naga dhigay marka waxaan nahay dad isku diina isku afa iyo sinjiya isku kalar ah marka waa inaan aqbalnaa inaan dad walaalo ah nahay oo aan wada noolaano.

Waa dhibaato aad u weyn in xoolihii duurjoogta ahaa la waayo dadkii badaha ku le’maan in maanta somali meel kasta ka dhacdo oo burbur iyo dhibaato ay ku jirto mudo 20sanaa hadii aan daris wada nahay Itoobiyaan, Kenyaati, Yeman ilaah baa daris nooga dhigay mana naga guurayaan marka waa inaan is xushmeenaa is qadarinaa si aan u wada helno nabad.

Soomaaliya kursi jeceel uma dooanan dad baa kaa horeya ismalihi waxaan u istaagayaa waxaa weeye inaan Somalia usharaxanahay oo aan u taaganahay in aan badbaadiyo somali fikirkayga iyo maalkaygana inaan u hibeeyo aniga iyo Xul-Qaran oo dhan umadda somalilyeed ee maanta badbaadada u baahan hadaba waxaa jirta in la ogaaday mushkilada jirtaa in ay tahay hogaan xumo hogaan xumo ayaa keenta Cadaalad daro Cadaalad daro waxay dhashaa Nabad la’aan Nabad la’aana Waxay dhashaa Hormar la’aan marka aniga waxaan ka shaqeenayaa inaan u badalo cadaalad saxa Nabad toosa iyo Hormar joogtaa ilaahayna nala garab galo sidaas waxaan sameenaynaa in aan isku taxalijino afar hogaan toosan oo ah Cadaalad Cadalaaduna ay keento Nabad Nabaduna ay keento Hormar Waxaa caawa halkaan fadhiya ee iga soo horjeeda prof: maantana ragii wax qaban lahaa waa idinka hadii aad idinka aamustaana bahalo ayaad nagu sii deynaysaan marka waa inaad u istaagtaaan badbaadada umada somaliyeed waa inaad ka mid noqotaan XulQaran waa inaad keenta hormarka umada somaliyeed maantana waa inaad ka bilowdaan XulQaran Dalka Malaysia.

Hadaba dad badan ayaa yiri puntland imaw iyadaa leh shidaal puntlandna madaxweyne ka noqo aniguna waxaan iri somalia ayaan rabaa inaan badbaadiyo oo burbursan meel kastana dhibaato ka jirto iskuna keeno heshisiiyo cadalaada iyo nabad iyo hormar keeno aniga iyo dhamana umada somaliyeed iyo Xul-Qaran marka aniga waxaan idin sheegayaa in mowqifkii aan qaatay ee aan isku sharaxay xilka madaxtimiada somalia uu ahaa sidaas haatana u taaganahay waxaan rabaa umadii somaliyeed ee aaday qurbaha inaan dib dalka ugu soo celiyo dhamaan in maalinta la i doorto inaan dego guri oo aanan degin villa somalia umadaydana ka midnoqdo in mushaarka la isiiyo aan kala bar siiyo umadayda waxbarasho ugu furo caafimaad ugu furo war shado ugu furo,

Waa nasiib xumo waxaan badbaadin kari waynay dumarkiinii waxaana daraasad lagu sameeyey in somalia ah tahay wadanka ugu badan ee dumarkoodu umul raacaan in maanta la waayo meel gabar dhalaysa lagu badbaadiyo waan murugo iyo naxdin anigu waxaan rabaa hadii alle idmo ee alle igu guuleysiiyo in mushaarkasta oo baxaya ama wasarad kasta lacagkastaa online laga dhigo oo shilin kasta oo baxaya onlineka lagala socdo iyo shilin kasta oo soo gala markii aan wax iibsanayo ee aan lacagta bixiyo waxaan fiirayaa in lacagtaas maqalka la galiyey ee ay u xarootay dukaankii haatana waxaan doonayaa shilin kasta oo baxaya in online laga dhigo ee lala socdo hadaba waxaad ogaataan inaan nahay wadan hodan ah oo barwaaqo haysta hadii tusaale aan idin siiyo wadanka baxreyn waa wadan qurux badan oo qaaliya hadii loo fiiriyo somalia oo laga shaqeeyo dowlad cadaalada waxaan noqonaynaa 9 boqol oo baxreyn oo hodan ah markii loo fiiriyo kheyraadka nagu jira dalkeena iyo barwaaqadiisa Waxaa sidoo kale la waydiiyey su’aalo badan kuwaas oo jawaab celin lahaa taas oo aad loogu dheeraaday, isku soo wada duuboo Musharax Haaji Mohamed Yasin Ismail ayaa khudbad aad u dheer ka soo jeediyey casho sharaftii ka dhacday dalka malaysia ee lagu soo dhaweenayey Musharaxa.

Suxufi: Farhan Yasin Mire (isqootax) isqootax@hotmail.com  Kuala Lumpur, Malaysia 0060192455164

—————–

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.