Waa Sidee Xaalada Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho Tan Iyo Markii Ay Dhowaan Shaqaaqo Ka Dhacday.. (Warbixin iyo Sawiro)

 - Koox weriyeyaal ah ayaa maanta booqday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay ka dib markii qaar ka mid ah maxaabiista ku jirtay ay isku dayeen iney baxsadaan.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Xuseen Axmed oo saxaafada kula hadlay xabsiga ayaa sheegay in xaalada maxaabiista ku jirta xabsiga ay tahay mid aad u wanaagsan aysana jirin wax dhibaato ah oo ay ka qabaan.

“Caafimaadkooda waa fiican yahay noloshooda wax badan baa laga qabtay, subixii waxaan siinaa rooti iyo shaah, qadada bariis iyo baasto, habeenkiina digir ayaa loo sameeyaa wax ka maqan ma jiraan nadaafadana rag qaabilsan ayaa jira oo ka shaqeeya duruus diini ah oo wacyi gelin ah waa helaan mar mar” ayuu yiri Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Xuseen Axmed.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in shaqaaqadii dhowaan ka dhacday xabsiga ay timid ka dib markii maxaabiista qaar ay sameeyeen gadood ay ku doonayeen iney ku baxsadaan wuxuuna xusay in taasi ay fashilantay ka dib markii ciidamada ilaalada xabsiga ay ka hor tageen wuxuuna xusay ineysan jirin maxaabiis baxsatay.

“Nasiib daro maxaabiista qaar baa dhaawacmay markii iyagoo derbiyada ka boodaya rasaas cabsi gelin ah lagu furay, waxaana ku dhintay hal nin 13 na waa dhaawacmeen inta badan lugaha ayaa laga toogtay dhamaantood waa la soo qabqabtay ilaa hadana waa la daweynayaa” ayuu intaa ku daray taliyaha oo sii hadlayey.

“Waxaa xabsiga la keenaa maalintii celicelis ahaan 10 ilaa 20 ruux, waxaa hadda Xabsiga ku jira 850-maxbuus, tiradaas marna waa kordheysaa marna waa yaraaneysa anagu maxaabiista naloo keeno ayaan heynaa soo qabashada iyo baaritaanka iyo xukunkooda waxaa iska leh Booliska iyo maxkamadaha dalka” ayuu yiri Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Xuseen Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey shaqaaqadii dhowaan ka dhacday xabsiga la joojiyay booqashadii Xabsiga dhexe ay maalin walba ku tagi jiraan ehelada maxaabiista halkaas ku xiran oo u keeni jiray raashiin wuxuuna xusay in ay soo saareen go’aan sheegaya in Todobaadkiiba hal jeer la soo booqdo Maxaabiista taasoo ah maalinta arbacada inta buu yiri laga kala saarayo maxaabiista isku dayday iney baxsato iyo kuwa aan ku jirin arintaas.

Mohamed Ibrahim Ayaanle | Ayaanle19@gmail.com | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya |

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.