- Yaa Badiyay Xalay Meertadii 36 ee Horyaalka Ingiriiska 2011-2012 Koxaha isku Magaalada ka wada dhisan ee Man City vs Man Utd..
Kooxda Man City ayaa Xalay ku sagootisay 1-0 Kooxda Man Utd Kulan ka tirsanaa Meertada 36 ee Horyaalka Primershipka Ingiriiska 2011-2012,waxaana Kulankaan oo 2 qeybood ay Gacan sareeyeen Kooxda Man City u dhaliyay Goolka ay ku sagootiyeen Dhigooda Man utd Difaaca Reer Biljam Lambarka 4 u qaata Kooxda City Ciyaaryahan Kombony oo Madaxa raaciyay Kubad uu soo karoosay D.Silva Daqiiqadihii dheeraadka ee lagu daray Qeybtii Hore.
Intii lagu guda jiray Qeybta Hore Labada Kooxood Fursadoa aya ka qaasaray gaar ahaan Kooxda Man City oo ay ka lumiyeen Aguerro iyo Nasri,halka Manutd uu kor mariyay Goolka City daqiiqadii 9 Ciyaaryahan Nani oo lambarka 17 u sitay
qeybtii danbe waxaa mar kale jaanta isla helay Kooxda Man city oo Xalay garoonkeeda lagu ciyaarayay,Fursado uu soo xamaalay Yaya Toure waxaa lumiyay aguero iyo nasri,walow Kooxda Unaited aysan sameyn wax jaanis ah qeybtii danbe aadna looga gacan sareeyay.
daqiiqadii 75 waxaa la kala qabtay iskuna fakaday Labada tababare ee labada Kooxood,ka dibmarkii calamada Hurdiga loo taagay De Jong
Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay ee Ciyaarta Kooxda City waxa ay heshay Fursado ay ku dhalin karaan goolal kale waxaan Fursadahaasi ay noqdeen kuwa miro dhali waayay ka dib markii Aguerro,Nasri iyo Yaya ay qasaariyeen daqiqiadihii 77,81,iyo 89
Kooxaha Man City iyo Man Utd waxa ay ciyaareen min 36 Kulan waxaana ay wada leeyihiin min 83 dhibcood iyadoo kooxda Man City ay ku heso Hogaanka Xaga Gooldhalinta.
Labada naadi waxaa Koox kasta u harsan 2 Kulan Iyadoo Kooxda City ay ka jaanis Wanaagsanaaneyso xitaa hadii ay wada badiyaan labada kulan kuna qaadeyso Horyaalka Goolal Tirsi.
Kooxda Man Utd waxaa u haray Swansea City iyo Kulanka ugu Dambeeya oo ay la ciyaari doonaan Kooxda Sunderland
Kooxda Man City waxaa u haray Newcastle iyo QPr oo ay la ciyaari doonaan Kulankooda ugu dambeeya.
Machester United Macalinkooda Alex Ferguson Xaajadu Hada aad bay ugu adag tahay maadam xitaa hadii ay wada badiyaan Goolal uu ku waayi doono Horyaalka,waxaana uu indhaha ku eegayaa Kulanka Newcastle oo Qudheeda doondooneysa inay xajisato kaalinta 4 sida ay u caabiso Man City oo uu kala dhaxeeyo hanashada Koobka Horyaalak Ingiriiska 2011-2012.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com | Qaranimo Online
Share on Facebook
![]() |
Socialize