Agoustine Mahiga oo sheegay in afar kooxdood ay caqabad ku yihiin dhameystirka Road Map-ka

 - Muqdisho – May 2, 2012 – QOL - Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa digniin u diray kooxo uu ku tilmaamay inay qaswadayaal yihiin, kuwaas oo caqabad ku ah fulinta Road Map-ka (Khariirada Nabada).

Danjire Agoustine Mahiga oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in afar kooxood oo isugu jira kuwa dalka ku sugan iyo kuwa dibada ay hor-taagan yihiin dhameystirka Road Map-ka iyo sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah.

“Shaqsiyaadka la sheegayo ma doonayo in aan hada magacaabo laakin waan ognahay dadkaasi waxaana u sheegeynaa in ay ka waantoobaan, hadii ay ka waantoobi waayaan danaha ay leeyihiin waxay tageysaa in aan magacyadooda sheegno, falalka kooxahaasi way kala duwan yihiin, waxaa ka mid ah Khilaafka baarlamaanka oo kala jaban oo aan aniga isku dayey marar badan in aan dhex dhexaadiyo balse ku guuldareystay, waxaa kale oo jira shaqsiyaad gaar ahaan dagaal oogayaal aanan ku jirin baarlamaanka oo sameystay isbaheysi waxay isku dayayaan in ay is hortaagaan dooda dastuurka iyo keenista hogaamiye dhaqameedka iyo qaar kale oo warbaahinta ka hadlaya oo qasaya barnaamijka road map-ka iyo in si caafimaad qaba loo doodo” ayuu yiri Mahiga.

Mahiga ayaa sheegay in kooxda afaraad ay yihiin kuwo ugu qatarsan oo aan dooneyn buu yiri in Soomaaliya ka baxdo dhibaatada, una gudubto Dowladnimada, iyagoo le dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale sida uu hadalka u dhigay.

“Kooxo kale ayaa jira oo dantooda aysan ku jirin in laga gudbo xaaladan adag oo leh dano dhaqaale ama kuwo siyaasadeed, waxay doonayaan in aanan loo gudbin dowladnimo iyagana waan u digeeynaa oo waxay doonayaan in ay dood sii wadaan August kadib ayeyna u furnaan doontaa wixi dood ah, laakin kama yeeleyno in ay fowdeeyaan geedi socodka iyadoo saddex bil oo qura ka dhimantahay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mahiga.

Agoustine Mahiga ayaa tilmaamay inay wajihi doono cunaqabateyn dhanka safarada, dhaq dhaqaaqooda, iyo in la xayiro hantidooda dhaqaale hadii ay sii wadaan carqalada ay ku yihiin dhameystirka Tubta Nabada Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii War saxaafadeed si wada jir ah uga soo baxay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD ay digniin ugu direen shaqsiyaad doonaya inay caqabad ku noqdaan barnaamijka Road Map-ka iyo Dastuurka Qabyo qoraalka, iyadoo kooxahaas loogu hanjabay in cunaqabateyn la saari doono.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.