– Muqdisho – May 2, 2012 – QOL - Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay. Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo qaatay muddo lix cisho ah oo ay ku joogeen dalka Uganda.
Safarka guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu kutagay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa waxaa ku wehliyay qaar ka mida ku xigeenadiisa, 8-ka mida guddoomiye yaasha degmooyinka gobolka iyo agaasime yaal katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana muddadii ay joogeen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ay ka qeyb galeen shir ay soo qaban qaabisay hayadda USAID, kaasoo looga hadlaayay mashaariic ku saabsan horumarinta degmooyinka gobolka Banaadir.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay socdaal kutageen 8-ka mida guddoomiye yaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ay wehliyeen, taliye yaasha Boliiska iyo Nabad sugidda degmo kasta, magaalada Kampala , waxaana kulkaas looga hadlayay mashaariic horumarineed oo dhawaan hayadda USAID lagu wado iney ka fuliso gobolka Banaadir.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa inta uu joogay Kampala waxa uu kulamo la qaatay masuuliyiinta safaaradda Soomaalia ee Uganda, midowga ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jamacadaha dalka Uganda,duqa magaalada Kampala, iyo saraakiil kale.
Waxa uuna kala hadlay dhamaan qeybaha uu la kulmay xaaladda magaalada Muqdisho iyo horumarada dowladda ay ka gaartay dhan walba.
Waa marki ugu horeysay ee duqa Muqdisho uu socdaal shaqo ku tago dalka Uganda caasimaddiisa Kampala, tan iyo siduu xafiisa duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir u qabtay.

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login