Qaadka Waxaa Lagu duraa Daroogo Layiraa BCB oo ah Cocaine

 - “Qaadka Waxaa Lagu duraa Daroogo Layiraa BCB oo ah Cocaine”

Magacaygu waa C\Kariim Jiirow Sharmarke waxaan kasoo shaqeeyey waxbarashada, wakaalada horumarinta dekdaha, iyo wakaalda horumarinta beeraha oo loo yaqaan ADC intii aan joogay ADCda ayaa waxaan qaadnay qaadka Miirooga ah iyo Hareeriga markii aan uga yaabnay sida ey dadku u malabsanayaan marka uu qaadku yimaado waxaan geeynay shaybaarka ugu wayn ee roma dalka talyaaniga waxaana baaris kusameeyey takaatiirta qubaro ah waxaana laga helay daroogu layiraa bcb oo ah nooc ka mid ah muqaadraadka oo lagu duro geedka jiridiisa iyo bastasaydh oo nooc aad usareeya oo loogu talagaly ayaxa oo dadka biniaadmiga dhibaato u gaysanaya,hadaba suntaas oo umadda soomaliyeed aysan ogeyn ayaan warbixintii u keenay madaxwaynihii somaliya markaas ka talinjiray Allaha unaxariistee maxamed siyaad markuu arkay wuu iska ooyey waxa u yiri dadkayga suntaas ayaa la siiyaa waana laba dowladood oo cadow ah waa Ethiopia iyo kenya.

Waxa uu amray dekareeto heer madaxwayne ah in qaadka laga joojiyo dalka oo dhan oo kotrobaan laga dhigo cidii lagu qabtana sharciga lahorgeeyo waxa uu si toos awood buuxda usiiyey sarakiisha adc oo iyada xitaa si toos u xirijirtay ciidamada amaanka markii ey ku xadgubaan soo galinta qaadka, hadaba waxaan umadda soomaliyeed meel kasta oo joogaan u sheegayaa dhibaatada qaadka oo laga soo qoray oo ah sidan:

  1. In uudilo ciridka oo qofku ilkaha ka daataan isga oo dhalinyro ah isla markaasna ey ka lunto dhadhanka iyo urta ama carbku bararo
  2. In uu u xunyahay makaanka dumarka iyo kan raga “sex organs’oo biyaha ay iska socdaan dhibaatana u keeno ilmaha dhalanaya muuqaal ahaan.
  3. In uu qofka ka jaro cuntada oo uu musqul aadin muddo 4ilaa 5 cisho oobaabasiir ku noqdo ka dibna ay qabsinadu iyo mindhicirkuba xirmaan ookanser ku noqdo
  4. Qofka oo dhiig sanka ka yimaado nerfaha maskaxdana uu buro ku abuuro oo suurtagal noqoto in uu qofku waasho ama garashadu ka lunto.

Waxaan warbixintaas loo gudbiyey Agaasimha waaxda takhaatiirta qaranka ee wasaarada caafimaadka si dadka u wacye galiyaan.hadaba waxaan ka codsanayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ey joogto in kafogaadaan qaadka, waxaana ka codsanayaa culumaa’diinka, indheergardka , kaaba qabiilda iyo dowlada ku meel gaarka ah in ay joojiyaan qaadka oo idaacdaha ka sheegaan dhibaatooyinka iyo waliba xaga dhaqaalaha lacagta ku lumaysa maalinkasta oo ah 400 oo kun oo dollar wadanka gali lahayd.qof kasta oo somaali ah waxaa looga baahan yahay in dhankiisa is xil qaamo oo si wada jir ah dhibaatada looxaliyo,Ogaada shacabka Ethiopia iyo kenya macunaan qaadka

Aniga hadaba hadii aad I tustaan in diyaar u tihiin qaadka joojiskiisa waxaan tilaabo ka qaadayaa diyaardaha qaadka keena oo ah muqaadaraad in laga qaado sharciga ey haystaan dadka dayaarada u kiraysan ama shaqsiyaadka ka baacimushtra xitaa hadii ay haystaan sharciga yurub ama maraykanka ama carabta waayo waxay ku jiraan daroogo ah mamnuuc oo dadka ku dulaynayaan xitaa dadka hantida u haya ayaan xoolaha ka qaadaynaa oo aan ku dawaynaynaa dadka ey sumeeyeen wadanka aan joogo dhalinyaro somali ah oo qaad lagu qabtay sharcigii waa laga qaaday maxkadana way u socotaa.wax badan ayaan u qaban karnaa somaliya hadii xilkasnimo la muujio, maamaah ingriis ah ayaa oranaysaa “To be good is not enough when you dreaming being a great”waxaan uga jeedaa intaas ka badan ayaa layga filayey wali ma gaarin sida aan rabay. Waxaan salaan gaarsiinayaa 114 quraanka cadadiisa umadda soomailyeed meel kasta ey joogto.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 2, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

6 Responses to Qaadka Waxaa Lagu duraa Daroogo Layiraa BCB oo ah Cocaine

  1. jaadku waa daroogu sida uu sheegay sharmarke waana arrin soomaliya loogu talagalay in lagu qaato dhulkeeda dadkeedana lagu duleeyo waxaa daliil u ah intaas oo kun oo UNta ah ayaa joogta daroogadaan dadka baabi’naysa ka qaban maayaan oo aduunka oo dhan sharci daro ka ah jaadka oo dhan halagubo magaalo kasta.

  2. xaalka soomaliya waxaa loo waayey dadkii o dhan ayaa sunta daroogada haysaa xitaa wadaadadii qof aan cunin qaadka ayaa fiican in uu joojiyo oo bulshada ka mid ah, sarkaalkuna waa mahadsanyahay.

  3. nin aan daris ahyn ayaa dhehi jiray xalay oo dhan ma seexan oo dubaab baa igaraacayey waa maxay dubbabku markaan iri waxa uu yiri mar hadaan qaadka cinin ninkaas ayaa bud ila dhacaya markaas ayuu habaari jiray adc-da daroogadii ayaa haysa wax kale ma’ha

  4. odey adeerkey ah markaad cuntada u keento waxa uuleeyahay ilkaha ayaa i xanuunaya , hilib marabo,bariis marabo caano kaliya ah ayaan rabaa marka uu jaadka arko maalin oo dhan ayuu cunayaa kii ilkuhu xanuunayeenba ma’aha waliba wuu kuu sheekeynayaa oo faraxsan yahay walee waa daroogo sharmarkow sir baad dilaacisay.

  5. sharmarkow hada ingriiska dad soomali ah ayuu ku xir-xiray qaadka dartiis waana daroogo qofku majoogi karo hadii uusan cunin dadka qaarkiisna kaadida ayaa ku dhagta sidaad sheegaty waana mahadsantahay

  6. anigu 3 ka mid ah waan la kulay markii aan qaadka cuni jiray war arrintan ha lagaarsiiyo dadka daroogeysan ee soomaliya jooga waxaan xasuustaa markii la joojiyey hawo ayaa na soo martay