Taliyaha cusub ee AMISOM oo si rasmi ula wareegay howl galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika

 - Muqdisho - May 2, 2012 – QOL - Munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Xalane ayaa waxaa si rasmi ah Hogaanka AMISOM kula wareegay Taliyaha cusub Jen. Andrew Gutti oo bedelay Taliyihii hore Jen. Fred Mugisha.

Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduulaha Ciidamada Jen. Dhega-Badan, saraakiisha AMISOM iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo soo dhoweeyay Taliyaha cusub.

Jen. Fred Mugisha Taliyihii hore ayaa ku wareejiyay xilka Taliyaha cusub, Calanka Midowga Afrika, isagoo u rajeeyay in halkiisa ka sii wado hogaaminta howl galka, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday.

Wakiilka Midowga Afrika Aboubacar Diarra ayaa sheegay in howl galka AMISOM uu heysto taageero caalami ah, isla markaana howshooda tahay sidii ay u soo celin lahaayeen nabada iyo xasiloonida.

Mr Diarra ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb, kaasoo ay ku naf waayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo ragg kale, isagoo si gaar ah u xusay in Axmed Cabdisalaan ay saaxibo dhow ahaayeen.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Diini ayaa sheegay in intii uu howsha Taliyenimo hayay Fred Mugisha la gaaray guulo fara badan, isla markaana ay suura gashay in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Ugu dambeyn Taliyaha cusub ee AMISOM ayaa sheegay inuu sii wadi doono howsha loo xilsaaray, isla markaana ka qeyb qaadanayo howlaha nabad soo celinta Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.