- Waxaan tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed, Dhamaan Eheladii iyo Reerkii ay ka geeriyooday Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed sheak Maxamad oo maanta gacan ka gardaran ay qarax argagixiso ah kula beegsatay magaalada duusamareeb.
Ugas ciise ugaas cabdulle,Ugaaska beesha sade ayaa saxaafada u sheegay in uu si wayn oga xunyahay qarax foosha xun ee argagixisadu Xagjirka ah kula beegsatay xildhibaano Aqoonyahno kasoo jeeda gobalka Galgaduud.
Ugaas ciise ayaa si toos ahna u cambaareeyay qaraxaas foosha xun kaas oo ay dhimisho iyo dhaawac ka soo gaareen masuuliyeen qaran, aqoonyahno, cuqaal iyo dad rayad ah . , waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo, inta dhaawaca ahna ha caafiyo.
Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ayaa dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Xildhiban Xuseen Warsame gafarsay. xiladhibaan general cabdiraxman isaaq biixi, Axmed C/salaam, Dad rayada aha iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu danbeyntii, Ugas Ciise Ugaas Cabdulle waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u wada duceeyaan dhamaan dadka ku geeryooday qaraxa foosha xun ee ka dhacay caasumada gobalka galgaduud
- DHAMMAAD –
Arlington, Virginia, United States
Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaska Bari ee beesha Sade Daarood Gobolka Galgaduud iyo deegaanka Puntland
703 401 8292
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login