Madaxweynaha Shariif oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

  – Mogadishu, Somalia, May, 03, 2012 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof Cabdillaahi Xassan Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddiga Khubarda Prof. Muxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyagoo munaasabadaa ku gudoon siyay qalin horaadka qormada qabyo tirka dastuurka ee latashiga madaxda sare dalka si uu taladiisha ugu biiriyo waxaana kulankaa madaxweynaha goob jog ka ahaa lataliyihiisa Madaxweynaha Xagga Sharciga Prof. Abuukar Xassan Axmed.

Ka dib markii ay wada hadal dheer galeen waxaa uu labada guddi ku booriyay inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha soocda;

  1. Shareecada iyo xeer dhaqameed Soomaaliyeed iyo hidihii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.
  2. Ilaalinta arrimaha quseeya jinsiyada Soomaaliyeed.
  3. Maqaamka caasimada Qaranka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo ku saabsan cutubyada kale ee dastuurka.

Kulankaa oo sacaado badan socday wuxuu madaxwenuhu ugu danabyntii ku bogaadiyay labada guddiga sida wacan ee ay u wadaan xilkan qarameed oo dalka ahmiyad gaar ah u leh, iyagoo weliba ku shaqeynaya daruufo adag.
Madaweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyaya;

  1. Inay ku dadaalaan in geedisocodka dastuur sameynta Soomaaliya si waafaqsanaado shuruucda dalka.
  2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda.
  3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale.
  4. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxaa uu labada Gudoomiye ka codsaday inay salaan iyo bogaadin ka gaarsiiyaan dhamaan xubnaha labada guddi.
  5. Waxuu Madaxwaynaha tilmaamay inay muhiim tahay in laga qaybgalo shirka khuburada ee international community ee lagu qabanaayo jabuti

Suldan A. Farahseed
Communication Director | Office of the Somali President | Mogadishu, Somalia

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Madaxweynaha Shariif oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

  1. waxaan maqli jirey reer banaadirka oo dhehi jirey..Gurbaan hadii aad xadid waxaa lagaa rabaa meeshaad ku tumi laheed,, waxaan la yaabey aqoon la,aanta madaxda sare somaliya kooxdaan hada talada heyso ..shacabkii weyxak ku rideen jahawareer siyaasaded, maanta ayuu talo siiyey gudi la sheegey in ay dhameeyeen dartuurka sida uu sheegey R/w gaas somaliyeey kee runta sheegey,,mar hadii ay lagula talieyin ay dardargaliyaan geed socotka dartuurka ayagana ay cadeeyeen in uu weli qabyo yahay,,waxay la mid tahay ,,khatumo state waan aqoonsaney iyo ma aqoonsanin.,wasiirkii beeraha xilkiisa laga qaadey hadana lagu celiyey,..saxiibayaal kooxdaan waa koox lacag doon ah. sababtooda maalin walbo waxaa la dilaa shaqsiyaad wadanka ubaahnaa weli waxaan xusuustaa ardeydii shamoow ..midkii hargaha iyo saamaha ardey kale wasiiro iyo xildhibaano qaali ahaa.. somaliyey nabad iyo cadaalad ayaa nolo ah lugooyada cadow wey badan tahay