Gift of the Givers oo Joojinta Adeegii Caafimaad ee Isbitaalka…

 - MUQDISHO: May 04, 2012 - Gift of the Givers oo Shaacisay Joojinta Adeegii Caafimaad ee Isbitaalka Forlanini. Hay`adda Gift of the Givers oo fadhigeedu yahay dalka South Africa ayaa shir-jaraa`id oo ay ku qabteen xaruntooda Muqdisho ku shaaciyay in ay joojiyeen adeegii caafimaad ee ay ka wadeen Isbitaalka Forlanini(Laansareeti) iyagoo sababna uga dhigay in ay ka heleen warqad ka soo baxay wasaaradda Caafimaad DFKMG oo lagu amrayo in Hay`adda wareejiso Isbitaalka.

Cabdi Siyaad Cusmaan oo ah maamulaha xafiiska Muqdisho ee hay`adda Gift of the Givers ayaa sheegay in muddo 8 bilood ah ay ka howlgalaysay hay`adda Isbitaalkaasi isla markaasi adeeg caafimaad loogu qabanayay maalintiiba illaa 400-600 oo bukaan isla markaan caruurta la ildaran nafaqa darada si wanaagsan loogu baxnaaniyay.

“Warqadda waxay soo baxday 28-04-2012 xafiiska GOTG waxay soo gaartay 30ka , iyadoo 1 May nalagu amray inaan ku wareejino Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta. Fursad nalooma siin inaan si degan agabkii noo yaalay Isbitaalka ku soo qaadano, inkastoo Hay`addu waqtigii loo asteeyay aan kaga soo guurnay. Waa arin nasiib-darro ah shacabka ku dhaqan G/Banaadir waxaan si naxariis leh ugu wargelinaynaa inaan joojinay howlihii Isbitaalkaas.” Sidaas waxaa yiri Cabdi Siyaad oo u waramayay warfidiyeenada isagoo raaciyay in goor dhow ay shaacinayaan goob cusub oo adeeg Cafimaad ay ugu qabanayaan dadka dhibaateysan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

“Howlaha Caafimaad ee ay qabatay hay`addu waa mid dhaxalgal ah, Gurmadkii ay ka gaysatay dhibaatooyinkii sababay Abaaraha waa mid Dowladda iyo Sahacabkuba ay ogyahiin kana Mahadceliyeen, Dhaqaatiir illaa 102 ayay dalka keentay bukaano aan dalka wax looga qaban karin ayay u dalabtay Dhaqaatiir khubaro ah dalka gudahiisana bukanadii ku daawaysay sida Isbitaalada Banaadir Forlanini iyo Martini “ ayuu ku soo gunaanaday Maamulaha Xafiiska Muqdisho ee hay`adda Gift of the Givers.

Dhinaca kale Hay`adda ayaa ku dartay inay kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka C/Casiis Sheekh Yuusuf isagoo ku wargeliyay oo keliya in Isbitaalka la dayactirayo.

Si kastaba, Hay`adda Gift of the Givers ayaa ah hay`ad Caalami ah ugu weyn Afrika ee si weyn uga qeybqaadata gargaarka dalalka musiibooyinka ay ka dhacaansay iyadoona ka shaqeysay 25 wadan. Waxaana lagu xasuustaa waxqabadkii baaxadda weynaa ay ka geysteen Gurmadkii Abaaraha iyagoo ka mid ahaa Hay`addihii ugu horeeyay ee gacan ka geystay dhibaatooyinkii dhinaca Abaaraha ee ku habsaday dalka Soomaaliya.

Guji Link-ga waxqabadka GOTG ee Soomaaliya: http://www.giftofthegivers.org/somalia/index.php

———————————————-

Said Ibrahim Hussein (BUUNA) | Email:saciid_buuna@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login