Wadfi uu hogaaminayo duqa Muqdisho oo u amba baxay dalka Turkiga!

 - Muqdisho – May 04, 2012 – QOL - Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ka duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Socdaalka wafdiga duqa Muqdisho ee dalka Turkiga uu ku tagayo ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda hoose ee XAMAR ay ka heshay dhigeeda magaalada ISTANBUUL.

Xubnaha socdaalka shaqo ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku wehliyo ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa dhanka maamulka iyo maaliyadda mudane  Iimaan Nuur Iikar, urban planner ka Muqdisho mudane Eng. Maxamed C/qaaadir Axmed Shaan, lataliayah duqa magaalada mudane Cali Gaabow iyo xunbno kale.

Socdaalka duqa magaalada iyo wafdigiisa ay ugu amba baxeen dalka Turkiga ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada maamulka gobolka Banaadir uu ugu jiro horumarinta magaalada iyo soo celinta bilicdii Muqdisho.

Ajandayaasha kulanka magaalada ISTANBUL  ku dhexmari doona wafiga duqa  magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta dowladda hoose ee ISTABUL ayaa waxaa ugu waa weyn, sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Turkiga iyo sidii Muqdisho ay Turkida ug a fulin lahayeen mashaariic horumarineed.

Wafdiga uu horkacayo duqa magaalada Muqisho ayaa la filayaa in booqashadooda ay qaadato muddo usbuuc ah.

———————————————————————————————–

Mohamed Yusuf | Press Officer office of the Mogadishu Mayor | Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797 | Mogadishu-Somalia.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Wadfi uu hogaaminayo duqa Muqdisho oo u amba baxay dalka Turkiga!

  1. tuug tarzan oo raba inuu gado bacadilihii siyaad bare dhisay.dhulkane ay dad horey u lahayeen.doofaar ma daahiro.