Xildhibaanadu kama xanaaqaan xuduudeena oo lagusoo xadgudbo iyo…

 - OPINION / FIKRAD – by: Xagaleey – May 04, 2012  -  Xildhibaanadu kama xanaaqaan xuduudeena oo lagusoo xadgudbo iyo xasuuqa dadkooda, laakiin waxay kaxanaaqaan markii loodiido inay shiraan!

Dalka Soomaaliya ayaa ku jira xaalad reer ba’ow yaa ku leh waxaana ku hardamaya Mujaahidiin, Wadaniyiin, Dowlada KMG, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Beesha Caalamka, AMISOM, Reer Galbeed, Midowga Yurub, Kenya, Ethiopia iyo wadamo kale.

Sida xaqiiqda ah baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ushaqeynayey qolooyinkii dhistay ee beesha caalamka, afka ay kuhadlaana wuxuu ahaa afka Gudoomiyahooda, asaga ayaa xiriiriye u ahaa ayaga iyo beesha caalamka, asaga ayaa farriimaha ugasoo qaadi jiray wadamada deriska ah iyo IGAD, dabadeedna sidaas ayeey ku saxiixi jireen wax aan lagala tashan ama aan danba u ahayn shacabka ay matalaan ee Soomaaliyeed.

Haddii aan waxyar dib ujaleecno waxqabadkii baarlabaanka intii uu jiray waxaa kamid ah:

  1. Ogolaanshihii ciidamada ciidamadii Ethiopia ee waqtigii Cabdullahi Yuusuf.
  2. Ogolaanshihii ciidamada AMISOM ee hadda jooga.
  3. Waxay raali kanoqdeen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku eedeysan burcad badeednimada sax iyo qaladba, lagu xakumi karo wadamada dibada dibna aan laysu weydiin.
  4. Soogelitaanka maraakiibta shisheeye ee badda Soomaaliya (cidna lama xisaabtanto)
  5. Kordhintii baarlabaanka tirada badan ee hadda lakala diray.
  6. Hirgelintii Kampala Accord oo ayaga malagoodi ahaa, wadankana geliyey mixmadda uu hadda kujiro.
  7. Heshiiskii Roadmap-ka ee Xamar oo ahaa runtii aaskii baarlabaanka ay ayagu is aaseen kadib markay kudhinteen Kampala Accord.
  8. Inay ogolaadeen xadgudubka ay dowladaha Kenya iyo Ethiopia kusoo galeen gudaha dalkeena kuna xasuuqeen shacabkeena, ayagoo dhul iyo cirba kaduqeynaya. Baarlabaanku wuxuu hortaagan yahay in xataa dowladahaan lagu eedeeyo dambiyada xad dhaafka ah ee ay kagelayaan shacabkeena, maxaa yeelay qaar katirsan xildhibaanada ayaa afhayeen u ah duulaanka sheegana inaan waxba loodhimin dad shacab ah. Waxay har iyo habeen amaanaan fal dambiyeedyada ay geysanayaan ciidamada shisheeye ayagoo kutilmaama waxqabad ay dowladu codsatay oo lagu caawinayo shacabka.
  9. Waxay ansixiyeen dhamaan heshiisyadii ay dowladu lagashay shirkadaha ajinabiga ah intii lahorgeeyey, inta aan lahorgeyna way ka aamuseen.
  10. Diidmadii heshiiskii is afgarad ee baddeena lagu boobayey oo ay si qiimo sare leh udiideen ayagoo isku duuban, taasoo runtii ah wax lagu amaano baarlabaanka. Inkastoo mardambe oo lagusoo celiyey uu shaki kujiro inay ogolaadeen in ladhimo cabirka badda Soomaaliya. Waxaa kaloo ayaduna eed ah inaysan waxba kaqaban dadkii falkaas kukacay ee heshiiskaas saxiixay.

Maaha markii koowaad ee baarlabaanka loodiido inay shiraan ama xafiiskii laga xirto, ayadoo ay weliba usii dheer tahay hanjabaadyo lagu leeyahay hadeydaan sidaa yeelina mushaarka ayaa laydinka jarayaa.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa shisheeye laduul ee shisheeye kuduul waa sheegaada lawaay. Xildhibaanada badankoodu waa gacan kudhiiglayaal inkastoo dadyar oo wanaagsani kujiro, waxay laayeena waa shacabkaan oo ay sidii shisheeye ugu tunteen, waxa ay lasocdaana waa shisheeye, markaas soow noqon mayso sheegaada lawaay.

———————————————————

Waxaa Qoray Cabdulahi Ali Xagaleey

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 4, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.