Sheekh Bashiir ” waan soo dhaweyneynaa gudiga loo saaray in ay saxaan Dastuurka

 - Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweysay hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku aadanaa in la magacaabayo guddi darsa qabyo qoraalka Dastuurka gudigaasi oo u badanaan doona Culimo Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in la magacaabayo guddi u badanaan doona Culimo ee darsa oo aqriya qabyo qoraalka Dastuurka. Sheekh Bashiir wuxuu sheegay in hadalka Madaxweynaha ee ah tan iyo inta aan la gaarin shirweynaha lagu ansixinayo qabyo qoraalka Dastuurka la horgeynayo qubaro Culimo u badan oo aqriya ay soo dhaweynayaan sida uu sheegay Sheekh Bashiir.
Sheekha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo handadaadaha iyo caga jugleynta loo jeedinayo dadka dastuurka ka soo horjeeda, isagoo hadalkiisa intaa raaciyey in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wanaagsan oo haddii si hagaagsan wax loo tuso wax badan ka badali kara xaaladda wadanka Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ka hor inta aan la gaarin ansixinta Dastuurka Cusub la magacaabayo guddi u badnaan doona Culimo ee darsa oo aqriya qabyo qoraalka Dastuurka la doonayo in la ansixiyo 15 bishan aynu ku jirno.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.