Shib-dheh, Ama Sheelada

 - OPINION / FIKRAD - by Dr. Ali A. Hiraabe - Waxaa leeys lahaa,waxaa laga gudbay xiligii  Siyaad Bare ee kaligiis talinimada aheeyd  ee Caaqil Faarax Golalleey ku qeexay murti lugu soo koobtay siyaasadii  ” ama Afgooye aad  ama  Afweeyne raac ama Afkaaga hayso ”  waa xiligii uu Siyaas Bare geeystay dulmigii ugu foosha xumaa abid waa watktigii la laayay 10 kii culumo ee uu maalin  cad dhiigooda ku daadshay xamar,waa xiliga aay bilaabatay in leeys aamusiyo afka leeys-qabto aayna adkaatay wararka xaqiiqda ah iyo wararka siyaasada ee watkhtigaa,runtii xiligaan ayaa ka xun kana dulmi badan marba haddii qaranimada somali lagu qeeybinayo dastuur eey qoreen qubaro cadaan ah oo aanan lagu dhaqeeyn dastuurka balse umadii somali ee lagu dhaqi lahaa looga hanjabaayo qaata waa qasab,waxaa xiga caburinta iyo duudsiga xaqa umada in kacdoon umadeed bilowdo taas oo lagu diidaayo dastuurka qabyo qoraalka.

Waa dhab haddii umada afka laga qabto in aay badaneeyso guux sabbaba in aay curtaan dhaqdhaqaaqyo lagu diidayo siyaasada umada lagu caburiyo, dhaqdhaqaayadas waxaa aay xiligaan isgu jiraan kuwa siyaasadeed iyo mid umadeed, arinta caburinta shacabka waa mid ku dhiiragelineeysa in ciidamada Meliteriga iyo Boliska aay burburaan kuna noqdaan reerahii aay ka yimaadeen ayaga oo ka damqaya duliga dastuurka qabyo qoraalka ah ee ku wajahan qeeybinta qaranka Somali iyo kutumashada sharfta dalka diinta iyo dadka.

Dhagabadan oo ka careysan talaabada ra´sul wasaaraha ayaa si care leh u yiri war ninkani ma raísul wasaaraa mise waa kaaba qabiil, maxaa dhex geliyey soo xulida odayaasha dhaqanka,taasi waxaa aay cadeeyneeysaa in Dhagabadan iyo saraakiisha dalka aayan u dulqaadankarin ku tumashada iyo qeeybinta qaranka Somali, sabbabta oo ah waa xooga kaliya ee loo abuuray xoriyada shacabka iyo kobcinta siyaasada wanaagsan oo lagu dhaqi karo umada aay ka yimaadeen in aay ka badbaadiyaan gardarada iyo siyaasada foosha xun ee lagu qasbaayo umada somali ,waa xooga kaliya ee laf-dhabarka u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka gudihiisa una xilsaaran ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka iyo ka hortagga iyo dabagalka dembiyada iyo xeersocodsiinta,sida taariikhda aay sheegeeyso burburka Somalia waxaa laf-dhabar u ahaa ciidamada markii aay gadoodeed kuna biireen mucaradka oo ka gadooday  caburintii iyo kaligiis talinimadii Siyaad Bare.

Dastuurka qabyo qoraalka waxaa lagu diidan yahay :

1.Maaha mid ka dhex muuqda qaranimada Somali ( xuduudkeeda bariga iyo bada )

2. Qodobka 1aad – Mabaadi’da Asaasiga1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Quraanka kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada iyo cadaaladda bulshada.Hadaba  xagee cadaalo taal marba haddii umada loo kala qeeybiyay 4,5 ,waxaa wanaagsaneeyd in aay ka dhex muuqato dastuurka qabyo qoraalka in kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku uu ka reebban yahay, isla markaa barnaamijyada lagu cirib tirayo dhaqamada xun-xun ee 100 jireenka ah uu noqdo waajib Qaran la dagaalkeeda balse dastuurka waxuu dhiiro gelinaayaa 4,5  7 sanno ayeey socon 4,5 xagee cadaalo tal.??

3. Dastuurka ma sheegayo in dowlada dhandoonto aay oogeeyso  axkaamta Shareecadda  islaamka sidoo kale ka hortega fisqiga iyo anshax- xumada.

4.Somaliland & Puntland  dastuurka aay sameeysteen lama jaanqaadikaro midka dastuurka qabyo qoraalka,sidaa  aawgeed haddii la ansixiyo dastuurka qabyo qoraala ma jiridoono awood xoog leh oo ka dhaqangelisa  Somaliland & Puntland.

Dr.Ali.A.Hirabe | Hirabe_a@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 5, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

13 Responses to Shib-dheh, Ama Sheelada

  1. waxaad tahay oday waayeel ah oo xaaraanta iyo xalaasha aan kala aqoon. maxaa d diin ka ta taqaan? maxaad dowladnimo ka taqaan?

  2. guuleeyso Hirabe runta dadka ma jecla

  3. Dr.Hirabe waxa uu sheegayay sow ma soo bixin Puntland maxeey ku diiday dastuurka lagu soo ankumay Garowe 1 & 2 sow maaha Majeerteen cad somali leedahay ayaad rabtaan.
    KU.Cali ama Cali Nur xaqa noo soo sheega not xaqdaro iyo shaqsi la caayo,caayda waxaa aay muujineeysaa in aadan aqoon laheeyn,Dr.Hirabe aqoontiisa ayuu soo banshigay waana mid somaliweeyn aay qabaan maxaad sheegaysaan.
    Aqriya Faroole maxuu qoonsaday Bintland miyaa Ethiopia loo doonayaa.
    Mahadsanid Dr Hirabe weligaa noooooooloooooooow

  4. Waxaanu doqon sanaa, Adduunka waxaa ugu xun qofka naftiisa been ku madadaaliya. Ciidaanka uu ka haddlaayo ma kuwa Ugaandeyku habeenkii la galo iskana hormariyo miyaa.
    Tan kale Africaan calooshood u shaqeystayaal ah ayaa Mareykan iyo Yahuud wadanka ku qabsadeen, markaas ayaad waxaad is moodaa in aad dad tihiin. Saaxiib ama laheyste Ugaandees gadaashiis ku jira oo edebed leh naqo, ama been naftiina ku madadaaliya.
    Nin gadaashiis ayaan ku jiraa, dastuurkiisana waa diiidaa waa aqli xumo.Eee labo mid uun baa kuu furan:
    1) In ninka ku qaba ee aad gadaashiisa ku jirto warkiisa yeesho maroorkana aad dhiibato
    2) iyo In aad ragga raggaa ee gaalo iyo gaalo kalkaal go’aanka ka qaatay aad ku mid noqoto.
    wax u dhexeeya waa sacnimo

  5. Maxed Cali beenta dhaaf Doqon Hiraabe ilaa 1990 dagaalkii USC buu weli dabada haystaa cid aan Daarood ahayn waxkama sheego anigu qoladan webka iska leh waxaan kula talin lahaa inay Hiraabe Paltalkga u diraan oo eeyan qoraalkiisa soo qorin, Doqon Hiraabow haddii lagu kala tago dawladda hadda jirta yey u daran tahay oo fawdo iyo amni xumadii kusoo noqonaysaa. yaa dagaaladii aan dhammaadka lahayn albaabka kasoo galaysaa yaa ilaa maalinta maanta ah dhimasho dhaawac madfac aan loo aabba yeelin ka dul hugmayaa. doqon yahaw orod oo dadkaaga saad ku badbaadsan lahayd falankeeda gal oo haku mashquulin hana ku waalan dad aan waxba kaa galin waxna kuu ogayn. xayawaankan waxyaabaha uu ka hadlo iyo reerka hawiye la yiraahdo dhibaatada haysata anigaa mararka qaar ka naxa oo iraahdaa waa doqon xaasid ah muu ka hadlo reerkiisa dhibka haysta iyo sidii looga saari lahaa inta uu ku mashquulayo dadkale aflagaaddadooda iyo ximintooda.

  6. Ku: Dhagdheer Dr.Hirabe haddii uu xaqiiqda umada u soo bandhigay adiga maxaad umada u soo bandhigee ,shaqsiyada Hirabe waa la yaqaan cidna ma mooga 1990 ilaa iyo maanta ayuu wax qorayay,sida wargeeyska timmes,webka Un ka qaasatan arimaha somalia,dhagdheer caadufad qabiil jooji Hirabe reer uusan xaqa u sheegin ma jirto.

  7. ASCW

    Ma anaa walan mise Cadan ayaa laga heesayaa? War dastuur maxaan ku diidnay, sow dowladd, sharci iyo kala dambeyn ma heleyno haddii dastuur la sameeyo. Soomali wey is baratay nina, nin kama Abbe ficna qofna walalow wuxuu ku dhaamo maleh, ee maanta ayuu Calamku noo soo jeedaa fursaddan maka fa’ideysanaa. Abgaal baa deris wanaag leh ha iga harto saa waxaa ka dhashay Dr. Hiraabe oo aan anigu u bixiyay Huriye.

  8. ASCW

    Ma anaa walan mise Cadan ayaa laga heesayaa? War dastuur maxaan ku diidnay, sow dowladd, sharci iyo kala dambeyn ma heleyno haddii dastuur la sameeyo. Soomali wey is baratay nina, nin kama Abbe ficna qofna walalow wuxuu ku dhaamo maleh, ee maanta ayuu Calamku noo soo jeedaa fursaddan maka fa’ideysanaa. Abgaal baa deris wanaag leh ha iga harto saa waxaa ka dhashay Dr. Hiraabe oo aan anigu u bixiyay Huriye.

  9. qaasim sheeq waxaan ku sheegaya in cadaalad darada aad qabiil ku difaacda eey adiga hadhoow ku dhibi doonto waxa laga hadlayo wa masiirka ummada soomaliyeed ee ma ahan qabiil.

  10. qasim sheikh mohamed

    waa doqonimo nin saxaafi sheegta oo maalin kasta abaagl bis caaya oo ka baqa reeraha kale waa caadi abgaal abgaal kale ayuu usha iyo eebada u sitaa

  11. Waxaan lee yahay guul shacabka mogdisho, waxay noqdeen Nabad oogayaal
    waxay muujiyeen rayigooda si nabad ah,,, maanta shacabka mogdisho maahan dagaal oogayaal ee waa nabad oogayaal. ayagoo awood u leh wax walbo hadana si nabad ah ku cabireen rabitaankooda. maanta mas,uuliyada waxay saaran tahay odey dhaqameedka in ay iibsadaan sharafkooda wadaniyadooda beelaha ay kala yimaadeen mustaqbalka somaliya gacantooda ayuu ku jiraan
    shacabka mogdisho waa shacab mar walbo laga been sheego lana dulmiyo
    dowlada xun ee fashilka ah ,meelo badan digil iyo mirifle waxaa codkooda afduubtey sh sakiin..sh axmedna midkii hawiye,,labadoodana waa daneytayaal shacabkoda ku dhameedeen gaaajo, abaar iyo dagaalo aan dhamad laheen. maanta waa in fffffursadaan si cadaalad ah oo nabad ku dhisanama beelaha somaliya oo dhan waa midgaamiin waayo hadey baqti cunaan marka midgaanisir sooc odeygii qaato lacag waa midgaan waayo wuxuu iibsadey dastuurkii saxda ahaaa mid somali oo dhan ay ku mideysan tahay Nabadna ka shaqeeyo danta shacabka

  12. Guud Haldhaale

    Wax walba sidii loo takoorayey ayaa hadda waxaa ummadda Soomaaliyeed u bilowday tobanlihii saddexaad ee ay ku guda jirto ba’ iyo hoog. Diidmada xeerka cusub – waxaa laga fiirshay wax yar oo lagu takooro, lagu dhaliilo ama lagu dhaleeceeyo – ayaa waxay la mid tahay nin qaar-qaawan oo leh waxaan doonayaa dhar hal midab keliya leh haddii kale waan iska qaar-qaawanaanayaa.

    Muhiimaddu ma aha in la helo xeer dadka oo dhan wada raali geliya sababta oo ah ma jiro xeer caynkaas ah, ujeeddaduna taas ma aha baan filayaa maadaama goor walba ay duruufaheedu u gaar yihiin. Soomaaliya-na ummad u dhaqan uma jirto, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in danta guud mudnaanteeda la hirgeliyo ayadoo laga fiirsanayo duruufaha maanta jira iyo sidii looga bixi lahaa oo dalku u cago dhigto. Hadda iyo halgan hor leh oo lagu qaado hirgelinta tabaabushle aasaasiya waxay ila tahay arrin aan habboonayn.

    Xeerkaanu wuxuu la mid yahay xeerar loogu xeeriyey dalalkii kale ee dagaallada sokeeye aafeeyeen oo ay kaga soo gudbeen hakadkaas, kaas oo maanta Soomaaliyi tebayso, weliba si weyn. Shareecada Islaamka taariikhda dhow ayaa tusaale ugu filan guuldarrooyinkii aawadeed ummadda dhiiggeedu u qulqulay welina u qulqulayo waddooyinka har iyo habeen; dhabta indhaheenna hor taal; Soomaaliyi kuma heshiin karto shareecada Islaamka iyo isku maamulkeeda, dalalka kale ee isku dayeyna waxaa u sugnaaday dib u dhac iyo cabburin nolosha dadku ku tasoowday heer ay dalka ka cararaan.

  13. Dr.Hirabe waa aay socotaa waxa aad ka hadleeysid ee ah in ciidamada u kala baxaan jufo jufo ayaga oo diidan kala qeeynbinta qaranka somalia,4,5 shareecada ma qabto sidaas awadeed xaq maaha kuwa dastuurka ansixinaayo,825 labaatan iyo shan waa kuwa xaqdarada lagu wado mana fiicneen in aay ka qeeybqaataan dastuurka,oday aanan wax aqrin,diin aqoon,aqoontiisa aay yartay ayaa 100 doolar lagu iibsanayaa soconmeeyso,dagaalka waa bilowday shacbkana waa diiday ninka waalan ee aanan xishoon ee r/wasaare lagu tilmaamayo.
    wabilaahi towfiiq