Shirweyne ka furmay Muqdisho & Odayaal kasoo qeyb galay

 - Shirweynihii Odayaasha dhaqanka ayaa maanta lagu wada in uu ka furmo gudaha magalada Muqdisho waxana sakay dadka reer Muqdisho ay la kulmeen wadooyinka oo ay dadsan yihiin Ciidamada Dowlada  KMG oo sugaaya amniga magaalada.

Saakay ayaa waxaa lagu wada in si rasmi ah uu u bilowdo howlihii ay waday Dowladda KMG ah ee ku aadanaa marxaladaha kala guurka ah waxaana furitaanka shirka lagu wado in uu maanta furmo ayaa waxaa idaacada Kulmiye uga warbixiyay wasiirka Dowladda uqaabilsan arimaha Dustuurka Xasan Max’ed Jimcaale waxana uu sheegay in ay ergada shirka u furmaayo ay dhamaan soo gaareen goobta shirka lagu qabanaayo waxaana uu sheegay in uu furmayaa saacadaha soo socda.

shalay ayay aheyd marki uu Madaxweynaha Dowlada KMG ah uu sheegay in uu shirweynihii lagu soo xulaayay Ergada ansixinaaya Dastuurka uu bilowan doono maalinta sabtida ah oo maanta ku beegan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Shirweyne ka furmay Muqdisho & Odayaal kasoo qeyb galay

  1. KOOX UU ADEEGSADEY SHARIIF XASSAN IYO TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA AYAA CAAWA QORI CAARADDIISA UGA SOO AFDUUBTEY SULDAAN FAQI SACIID FAQI KALANA SOO BAXEEN QOLKII UU KA DEGANAA MADASHA SHIRKA KA SOCDA DUGSIGA BOLIISKA EE XAMAR.

    KOOXDAAS BOLIISKA AH OO AY HORKACEYSEY XILDHIBAAN LUULEY CALI MARGUUS AYAA FALKAAS DEMBIYEED FULIYEEN IYAGOO SULDAANKA KU YIRI ‘ WAAN KU DILEYNAA HADDII AADAN NA RAACIN OO KA TAGIN GOOBTAAN”, SULDAANKA OO JIR DIL IYO IHAANO BADAN AY KU SAMEEYEEN KOOXDAAS KU LABISAN DHARKA BOLIISKA AYAA WUXUU HADDA KU SUGAN YAHAY HOTEEL SAFAAFI OO UU BERRITO KU QABADAN DOONO WAR SAXAAFADEED.

    HADDABA BEESHA WAR BAAHINTA SOMALIYED WAXAAN KA CODSANEYNAA HADDII AYNU NAHAY MUWAADINIINTA DALKA IN LAGA HORTAGO DULMIGAAS IYO MUSUQ MAASUQAAS KA SOCDA SOMALIA OO AY HOR-BOODAYAAN NIMAN JIDEYSTEY CADAALAD DARRADA IYO MUSUQ MAASUQA.