Chelsea oo Ku Guuleysatay FA Cup-ka

 - Chelsea oo Ku Guuleysatay FA Cupka Ingiriiska 2011-2012, ka dib markii ay ugu Jilib dhigtay 2-1 Kooxda  Xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Liverbool. Chelsea oo Ku Guuleysatay FA Cupka Ingiriiska 2011-2012, ka dib markii ay ugu Jilib dhigtay 2-1 Kooxda Xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Liverbool.

Kooxda Chelsea ee isku diyaarineysa 19ka Bishaan Ciyaarta Finalka Championka 2011-2012 ayaa Xalay xaqiijisay Hanashada Koobka FA Cupka 3 sano ka dib markii Ciyaartii Finalak ay 2-1 ku legdeen Kooxda Liverbool oo ka mida Koxaha Waaweyn ee Heerka 1 ee Ingiriiska.

Ciyaartaan oo aheyd miod adag ayaa ka dhacday Garoonka Wanbelly ee Magaalada London,iyadoo jawiga garoonku ahaa mid camiran isla amrkaana Taageerayaasha 2 Naadi ay si weyn uga dhex muuqdeen.

Chelsea oo durbadiiba Jaanta isla heshay ayaa sameysay Fursado dhowr ah Waxaana daqiiqadii 11 Laad Xoogan ku xareeyay shabaqa Liverbool Ciyaaryahan Merales oo ka faaideystay Gudub loo soo gudbiyay.

Daqiiqadii 13 Ballemy oo liverbool u ciyaara ayaa lumiyay Fursad wanaagsan,daqiiqadii 28 Kluoa oo Chelsea ka tirsan ayaa isna Qasaariyay Fursad,daqiiqadii 38 Laad xoogan ayuu hormariyay Drogba afka goolka Liverbool,daqiiqadii 39 Ashle Cole Difaaca Chelsea ayaa Madaxa isaga dhalin gaaray Kubada balse Bixiyay,daqiiqadii 40 Suarez ayaa madaxa qatar ku galiyay Goolka Chelsea waxaana qeybtii hore lagu kala taaay 1-0 lagu Hogaaminayo Liuverbool.

Qeybtii danbe ee ciyaarta Kooxda Liverbool waxa ay bilowday dhaq dhaqaaq Kubadeed si ay isaga soo gudaan Goolka laga horeeyay,sidoo kale Chelsea aaya iyana bilowday dara dar kale, Kubad uu si fiican u soo dhigay lambard waxaa gool ka dhigay Drogba daqiiqadii 51aad.

daqiiqadii 62 lambard ayaa la eegtay laad xoogan Goolka Liverbool,daqiiqadii 64 Gool qurux badan waxaa Liverbool u dhaliyay Caroll oo Badel ku sooo galay Ciyaarta.

waxii goolkaaasi ka dambeeyay Liverbool waxa ay sameyusay Jaanisyo Fara badan si ay u keenaan Goolkii Barbaraha,Daqiiqadii 72 Suarez ayaa sigay Goolka Chelsea,Daqiiqadii 72 Goolhayaha Chelsea Ptr Cech ayaa badbaadiyay Kubad Muran dhalisay oo loo maleeyay gool hase ahaatee Garsoorihii Ciyaarta uu tilmamay in Goolhayuhu dib kubada u soo saray iyadoon dhaafin Diilinta Goolka waxaana kubadaasi raaciyay Weeraryahan Caroll oo markii ciyaarta uu soo galay wax ka badalay.

Chelsea waxa ay xoojisay difaaca si aan loo barbareyn halka Liverbool ay sameysay Weeraro ay ku qaadayaan Goolka Chelsea waxaana Ciyaartaasi oo muu Kursiga Keydka kud ahmeystay Weeraryahankii Hore ee Liverbool hadana u Ciyaara Chelsea Fernanado Toress ay ku dhamaatay Chelsea oo 2-1 ku Lagadey Liverbool lana hoyatay Koobkii Fa Cupka 2011-2012 3 sano ka dib iyadoo ay ughu Dambeysay hanashada Koobkaan 2009kii.

Hadaba Chelsea oo hanatay mid ka mida Koobabkii ay ku taameysay Mey 2012ka ayaa la is weydiinayaa 14 cisho ka dib ma u suurta gali doontaa inay ku darsadaan Koobka Championka 2011-2012 oo kala dhaxeeya Kooxda ay martida u yihiin ee Bayer Munich.

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 6, 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.