Juventus oo qaaday Horyaalka Talyaaniga 2011-2012

 - Juventus oo Guuldaro la aan ku qaaday Horyaalka Talyaaniga 2011-2012,Ka dib Markii Mataanihii Milaano ay is qabteen ( Inter 4 vs Milan 2 )

Kooxda Juventus ayaa Xalay u Dabaaldegtay Markeedii 30 Hanashada Horyaalka Talyaaniga 2011-2012 oo ay mudo Moogeyd ka dib markii Kooxda Ka dhisan jasiirada Gagliari ay 2-0 ku dharbaaxeen,waxaana 23 Gool ee Guusha u dhaliyay Juventus Ciyaaryahanka Reer Montanegro Vucinicoo Bilowgii qeybtii hore Gool u dhaliyay iyadoo kaan 2 uu u raaciyay qeybtii Danbe Ciyaaryahan Cinini waxaana lagu kala tagay 2-0 Lagu sagootioyay Gagliari.

Kooxda Juventus ayaa Horyaalka Talyaaniga 2011-2012 waxa ay ku qaaday Guuldaro la aan iyadoo mar qura aan laga badin 37kii ciyaarood ee ay soo yeesheen ,waxaana u harsan Kulanka ugu Dambeeya oo ay la ciyaari doonaan Kooxda Atalanta waxaana ay leedahay 81 dhibcood

Juventus oo Xalay Dabaaldeg aad u balaaran sameysay isla markaana Taageerayaasheedu aad ugu farxeen hanashada Horyaalka Talyaaniga oo ay u noqotay Markoodii 30 ayaa waxa ay isagu soo baxeen Wadooyinka Waaweynee Magaalada Toriino ee dalak talyaaniga halkaasoo ay Kooxdu ka dhisan tahaywaxaana ay ku dhawaaqayeen Halku dhegyo ay ku Taageerayaan Guusha Koobka Horyaalka Talyaaniga ee Kooxdooda iyo ereyo ay ku taageerayeen Macalinka Kooxda Juventus Horana uga tirsanaan jiray Kooxdaasi A.Conte iuyo dhamaan Ciyaartoyda Juventus ee Muujiyay Dadaalkaasi Balaaran ee ay u soo galeen Guushaan Taariikhiga ah.

Dhinaca Kale Kooxdii kula loolameysay Hanshada Horyaalka talyaaniga 2011-2012 Kooxda Juventus waa naadiga Ac Milan isla markaana heystay Horyaalka ayaa Xalay afka ciida loo daray waxaana 4-2 ku Manjaxaabiyay dhigeeda ay isku Magaalada ka wada dhisan yihiin ee Inter Milan kulanka loogu Magacdaray Darbiga Milaano.

labada koox ayaa markii ay ciyaartu bilaabatay isku qaday weerar iyo weerar celis daqiiqadii 11 waxaa milan ka qasaariyay Fursad 11 Ibrahimovic,daqiqiadii 13 Milito ayaa Goolkii Ugu Horeeyay dhex dhigay shabaqa Ac Milan,Ciyaaryahanka Kolombiya u dhashay lambarka 14 u sitay Kooxda Inter Milan Gvavinayaa Xalay aad u muujiyay Kubad adag isagoo dhowr jeer laadad xoogan la beegsaday Goolka Ac Milan waxaana Ciyaaryahankani ka mid ahaa Xidigihii Xulka Kolombiya uu la soo shiurtagay Koobkii qaramada Laatiim Ameerica ee ka dhacay 2011ki Wadanka Arjantiin.

Ibrahimovic ayaa rigoore ku barbareeyay Inter Milan ka dib markii Goolhaye Ceser uu Gacta ku Riixay Boteng oo u safta Milan Rigooradaasi oo intii aanu laadin uu ugu dhoolo cadeeyay Goolahayaha Inter iyo Xulka Baraasiil Ceser inuu ka qaban doono hase ahaatee ay dhinac ka qabsatay Kubadii Goolka.

Inter kuma nioyad jabin Barbaraha lala gaaray hase ahaatee Milito oo Xalay ahaa Mucjiosada garoonka Sansiro ayaa lagu legday afka hore ee Goolka Milan waxaana Inter Loo dhigay Rigopore uu qalinka ku duugay Isla milito 22ka Inter Milan waxaana qeybtii hore lagu akal tagay Inter 00 2-1 Kun Hogaamineysa Ciyaarta.

Qeybtii Danbe Markii la siagu soo laabtay bilowgeedii Ibrahimonic ayaa goolkii 2 u dhaliyay Kooxda Ac Milan,wax yar ka dib Gool 3 oo ay dhalin lahayeen MNilan waxaa ka duway Goolka inter Ciyaaryahan Muntari oo ka tirsan Kooxda Milan.
Milito ayaa u sadaxeyay Milan Goolkaasoo ka nixiyay tababaraha Ac Milan una qadan waayay,waxaana Dhamadkii ciyaarta Kii 4 qatin uga dhigay Milan Difaacyahanka Naadiga inter iyo Xulka Baraasiil Maicon waxa ayna Ciyaartii loogu Magac daray Deriga Milaano ku dhamaatay Inter Milan oo dhigeeda Ac Milna uga badisay 4-2 isla maraana ka quus goysay hankii ay u qabeen inay ku difaacdaan horyaalka Talyaaniga waxaana Ac Milan oo Xalay laga qaaday Horyuaalak Talyaaniga 2011-2012 ay leedahay 77 dhibcood,halak Juventus ay ka leedahay 81 iyadoo 1 kulan oo kaliya ka harsan ayahy Xili ciyaareedka Horyaalka talyaaniga 2011-2012.

Kooxaha Kale ee Talyaaniga ee shalay Fooda isku daray Lugta 37 ee Horyaalakasi aaya natiijooyinkoodii ay u dhaceen sidatan.

Bologna vs Napoli 2 -0

Udinesa vs Genoa 2-0
Novara vs Cesena 3-0

Atalanta vs Lazio 0-2

Palermo vs Chievo 4-4

Siena vs Parma 0-2

Waxaaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 7, 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.