– Dowlada Turkiga ay horey magaalada Muqdisho uga hergilisay mashaariic iyo goobo waxbarasho ayaa maamulaha xarunta Badar Turki ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah goobaha ay Dowlada Turkiga ugu tala gashay in wax lagu baro ardayda Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah suxufiyiinta kula hadlay gudaha xarunta ayaa waxa uu ka warbixiyay qaabka ay u socoto waxbarashada xaruntaasi isagoona sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta 1200 ardayda Soomaaliyeed,
Maamulka xaruntan waxbarasho ayaa sheegay in xaruntaan ay tahay mid caalami ah kana furan tahay ilaa 160 dal oo dunida daafaaheda ah, isaga oo shaaciyey in ay baraan ardayda Soomaaliyeed ilaa 4 luuqadood sida Af Soomaali, Af Turkiga, Af Ingiriis, Af Carabi iyo maadooyinka loo yaqaano Secntifikada (scientific) oo ku baxayo afka Ingiriis-ka, waxana halkani wax lagu baraa ardayda ka qalin jabisay dugsiga sare kuwaas oo lood diyarinayo inay gaaraan dalka Turkiga iyaga oo luqada Turkiga si fiican ugu hadlaya.
Maamulak ayaa saxaafada u soo bandhigay qaar ka mid ah ardayda oo luqa Turkiga kula hadlayo malimiintooda reer Turki.
Xildhiban Prof Maxamed Cumar Dalka oo isna ku sugnaa goobta shirka jaraa’ id ayaa waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dowlada Turkiga dadaalada ay ka wado gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan sare u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed.
Ardaydaani waxy ka qeybgaleen tartamo dalka dibadiisa ah waxayna u soo hoyeen bilado iyo shahaadooyin ay ku heleen ka dib markii ay galeen kaalimaha 3aad.
Maamulka ayaa sheegay in xaruntani ay tahay mid KMG ah balse ay rajeynayaan in dhawaan ay u guuraan dhismaha dusiga farsanada gacanta ee Booli Tiknimo ee kuyaalada magaalada Muqdisho.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Sources: Somalisan.com
Share on Facebook
![]() |
Socialize