Hey’adda Nabadsugida oo soo bandhigtay saddex dhalinyaro mid ka mid ay ku sheegtay inuu is qarxin rabay

 - Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa Xarunta ay Muqdisho ku leedahay maanta ku soo bandhigtay saddex dhalinyaro ah oo mid ka mid ah uu doonayay inuu fuliyo weerar ismiidaamin ah oo uu ku qaado Talisyada Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha Hey’adda ayaa saddexdan dhalinyaro labo ka mid ah ay ku sheegeen inay ahaayeen labo howlo sahan ah waday oo isu ekeysiinayay Ciidamada nabadsugida, balse gudbinayay macluumaad iyo warbixin.

Ruuxa la sheegay inuu doonayay inuu ismiidaamiyay oo magaciisa ahaa Ismaaciil Shiikh ayaa sheegay in isaga Jaakad waxyaabaha qarxa ku rakiban tahay loo soo dhiibay, nin baabuur watana uu u dhiibay, waxaana uu xusay inuu doonayay inuu isku qarxiyo Jaamacadii Umada oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM qeybta Brundi.

Khaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ka hortageen fal is qarxin ah, isagoo xusay in maalmahan Nabadsugida ay wadeen howl galo ammaanka lagu sugayay.

“Hey’adda Nabadasugida maalmahan dambe waxay waday howl gal ballaaran oo ammaanka lagu sugayay ama shirarka la qabanayo, kooxaha Alqaacida waxay ugu tala galeen inay shirarka ama dadka nabada jecel inay dhibaateeyaan, laakiin waxaa ku guuleysanay inaan ka hortagno”ayuu yiri Khaliif Ereg oo intaa ku daray in Jaakada qaraxa ay ku qarxiyeen goob kale.

Waxaa uu sheegay in labada dhalinyaro kale ay ahaayeen kuwo u diyaar garoobayay inay xog ka helaan xeryaha Ciidamada ayna gudbiyaan, isagoo tibaaxay in Ciidamada u suura gashay inay gacanta ku dhigaan.

Ciidamada Nabadsugida qaranka ayaa howl galo beryahan ka waday qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho, iyadoo howl galada qaarkood ay yihiin kuwo gaar ah oo Ciidamo si gaar ah u tababaran ay fuliyeen, inkastoo degmooyinka qaar ay ka dhacayaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.