Miino lagu aasay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea oo ku qaraxday qofkii aasayay!

 - Qarax xoog leh ayaa xalay laga maqlayay Xaafadaha ku teedsan Suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxan uu ahaa miino ninkii aasayay ay ku qaraxday, markii uu god weyn u qoday oo uu is lahaa inuu ku aaso.

Inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Black Sea ayaa aheyd halka musiibada ay kula habsatay ninka doonayay inuu miinada geliyo wadada, waxaana markii ay ku qaraxday uu ninkan noqday mid cad cad u kala go’ go;ay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay mar qudha ay ka war heleen dhawaqa qaraxa, waxaana markii saaka ay soo tooseena ay arkeen god ka qodan nawaaxiga Xaruntii Daallo iyo nin cad cad u go’ go’ay oo yaala.

“Ninka lama aqoonsan karo, qof taqaano ma lahan, wajiga waa ka gubtay, asigana cad cad ayuu u kala go’ go’ay, god ayuu meesha ka qodayay, cid kale waxba kuma noqon”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa gaaray halka qaraxa ka dhacay xalay, iyadoo aanay wax war ah ka soo saarin saraakiisha ciidamada.

Ma ahan markii u horeysay ay ku qaraxdo miino qofkii aasayay, waxaana ay dhowr jeer oo hore uga dhacday qeybo badan oo ka tisan xaafadaha Muqdisho.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.