AMISOM oo howlgallo dadka looga saarayay xarumaha dowlada kafulisay KM4

 - Ciidamada Nabadsugida dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta sameeyay howl galkii ugu dambeeyay dadka degan xarumihii dowladda, iyadoo howl galkan uu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Saaka barqadii ayaa Ciidamadan ay xireen Isgoyska KM4 ilaa Isgoyska Banaadir, waxaana Ciidamadan ay si gaar ah howl galkooda ugu wajahnaa Wasaaradaha Qorsheynta, Wasaarada Tacliinta iyo Wakaaladii Biyaha oo ku yaala inta u dhaxeysa KM4 ilaa Banaadir, halkaasoo dad badan ay degenaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay si xoog ah u adeegsadeen in dadka guryaha uga saareen, kadib markii ay ka dhega adeegeen, waxaana kadib howl galo laga sameeyay Wasaaradii Qorsheynta lagu helay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Taliyaha Ciidamada nabadugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay u suura gashay dowladda in dadkii degenaa xarumihii dowladda ka saaraan, isagoo xusay in Wasaarada Qorsheynta ay ka mid aheyd goobaha laga soo abaabuli jiray qaraxyada iyo amni darada.

Howl galkan maanta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dib uga saareen dadkii degenaa xarumihii dowladda ayaa qeyb ka noqonaya howl galo horay dowladda dadka ugu saartay xarumaha, caafimaadka, waxbarashada iyo xarumihii dowladda.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudiga Amniga qaranka uu soo saaray awaamiir dadka degan guryihii dowladda ee mudadii bur burka dowladii hore kadib degenaansho ka dhigtay, iyadoo dadka qaar oo ahaa kuwo dan yar ay ka cabanayeen hoy la’aan markii laga saaray meelihii ay degenaayeen, oo horay barakac ugu ahaayeen.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.