Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo isku raacey baadilnimada qabyo-qoraalka dastuurka!

 - Dhamaan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed  oo isku raacey baadilnimada qabyo-qoraalka dastuurka la rabo in laga hirgaliyo  dalka Soomaaliya 37 sano kadib dilkii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed!!!!

Muqdisho, Soomaaliya

Culumaa’udiinka soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya isku raacay baadilnimada dastuurka qabyo-qoraalka la rabo in lagu qasbo ummadda Soomaaliyeed.

Ma dhicin hadda ka hor taariikhda casriga ee Soomaaliya in culumaa’udiinka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ay ku midoobaan hal mowqif taasoo mowqifkooda hadda ay ka istaageen dastuurka qabyo-qoraalka ka dhigaaya mid taariikh ah oo ka geli doona baal dahab ah taariikhda casriga dadka Soomaalida ah qarnigan aan ku jirno ee 21aad  iyo waliba qarniyadda soo socda kana dhigi doona mowqif ay culumaa’udiinka soomaaliyeed ku midoobeen ay u wada qarkeen dastuurka qabyo-qoraalka uu yahay mid ka hor imaanaya shareecadda islaamka ee muqadaska ah.

Qeybaha culumaa’udiinka ee ku gacan seyrey qaanuunkaan wadciga ah ee bani aadanku uu dajiyey  ee la rabo in lagu qasbo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah 100% oo waliba dhiig farabadan u daadisey mar inay indhahooda ku arkaan kitaabka Ilaahay ee munasalka ah oo ummadda Soomaaliyeed ay u xukuntamayaan ayaa waxaa ka mid ah:

Golaha Majmaca Culumaa’diinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo dhaxalqaatayaashii aabahihii halganka raadinta xukunka shareecada islaamka Sheekh Maxamed Macalin Xasan(AUN) ayaa iyagu noqdey culumaddii ugu horeysey ee ku gacan seyrtey in ku dhawaad 40 sano kadib markii culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay dhiigooda qaaliga u hureen inay kaga hortaagaan nidaamkii shuuciyadda ee Jeneraal Maxamed Siyaad Bare uu kasoo minguuuriyey midowgii Soofiyeeti ee burburay oo uu rabay in ummadda Soomaaliyeed uu ku qasbo in maantey nidaam faasid ah oo ka liita dhan kasta kii Siyaad Bare uu isku dayo inuu ku dirqiyo ummadda Soomaaliyeed waliba iyagoo maantay haysata awood shacbiyadeed iyo awood dhalinyaro u heelan inay naftooda ilaahay ka iibsadaan inta la gaaraayo hadafkii aabayaashii iyo awoowayaashii Soomaaliyeed ee ahaa in ummadd Soomaaliyeed ay isku xukumaan kitaabka Allah uu u soo dejiyey. Culumaa’udiinka u hadlay golaha Majmaca Culumaa’udiinka ee naftooda ilaahay ka gatay diideyna in diinta Allaah ay maal aduunyo ku iibsadaan waxaa ugu magac dheer Sheekh Axmed Dhicisoow iyo Sheekh Nuur Baaruud oo aad looga tixgaliyo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa iyagana noqdey qeybtii labaad Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee kasoo horjeestey dastuurka qabyo qoraalka ee la rabo in laga hirgaliyo Soomaaliya sanadkaan 2012 waa 37 sano markii Maxamed Siyaad Bare oo qoorta u dheereeyey culumaddii Soomaaliyeed ayaa waxa ay noqdeen Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ah hay’ad ay ku mideysan yihiin culumaa’udiinka Salafayiinta ee dalka Soomaaliya kuwaasoo aqoontooda diimeed ay aad u sareyso kana soo qaatey shahaadooyin jaamacadood oo diini ah jaamacadaha kala duwan ee caalamka islaamka. Hay’addana oo  uu gudoomiye u yahay Sheekh Bashiir Salaad ayaa iyagana sheegay in dastuurkaan uu ka hor imaanaayo shareecadda islaamka sidaas darteedna aysan suurta gal aheen in ummadda lagu qasbo maantey wax  Maxamed Siyaad Bare oo boqol kun oo ciidan iyo taangiyo iyo diyaarado heystey u awoodi waayey inuu ku qasbo.

Sidoo kale iyagana waxaa qeylo dhaan ba’an ka keenay dastuurkaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunnah Waljamaaca oo iyagu ah culumaa’udiinka Taqliidiyiinta ee faafinta diinta islaamka kasoo qaatey kaalinta lama ilaawaanka ah kuna abtirsada Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Sheekh Bashiirkii reer Burco, Sheekh Xasan Barsane, Sheekh Maxamed Biyamaaloow iyo kuwa kale oo farabadan. Culumaa’udiinka Ahlu Sunnah oo iyagu isugu jira culumadda cilmiga axkaamta shareecadda iyo qeybta saahidiinta ama suufiyadda ayaa iyaguna diiday in qaanuun wadci ah la dul keeno ummada Soomaaliyeed 22 sano kadib markii ay iska tuureen nidaamkii shuuciyadda ee Maxamed Siyaad Bare.

Sidoo kale qeybta jihaadiyiinta ee culuma’udiinka Soomaaliyeed oo ay hor kacayaan xarakada Alshabaab Almujaahidiin fi Soomaal ayaa waxa ay wacad ku mareen inay naftooda iyo maalkooda ay u huri doonaan diintooda, dalkooda iyo dadkooda isla markaana aysan ogolaan doonin qaanuun wadci ah oo gaalo soo dejisey in lagu qasbo ummadda Soomaaliyeed maantay oo la joogo 2012 oo ummadda Soomaaliyeed ay aragtey oo soo tijaabisey awoodooda haddii ay midoobaan inay wax walba ka hor tagi karaan waxaana u noqdey halheyska Alshabaab: Nolol iyo Sharaf Adduunka korkiisa ama Geeri sharaf leh iyo Jano Allah agtiisa ah.

Isku soo wada duub waxaan shaki ku jirin in dhamaan culuma’udiinka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ay ka istaageen isku mowqif dastuurka qabyo qoraalka ayna isku raaceen inuu yahay baadil ka hor imaanaayo shareecadda islaamka sidaa darteed waxa la oran karaa waa Ijmaac baadilnimada Dastuurka Cusub oo macnaheedu yahay dhamaan culumaa’udiinka waa ku ijmaaceen taasoo aad u xoojineyso in haddii la ansixiyo ay waajibeyso in lala diriro cid walba oo hirgalin rabta dastuurkaas waxa ayna keeni kartaa in halgan ka adag midkii Cabdullaahi  Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi looga hor yimid in lagaga hor imaado cidii meesha timaada iyadoo dastuurkaan wadata bisha agoosto ee 2012.

Haddaba waxaa dad badan is weydiinayaan maxaa hortaagan in dhamaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay u midoobaan gumestayaasha soo duuley ee raba inay dalka iyo dadka soomaaliyeed ku qasbaan sharci gaalo soo dhoodhoobtey oo ay si mideysan uga hortagaan sidii ay sameeyeen sanadkii 2006 markii la aasaasey midowgii maxkamaddaha islaamiga kuwaasoo cagta mariyey qabqablayaashii dagaalka ee guuldareystey? Haddaba su’aashaas waxaa laga sugayaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay Ilaahay ka cabsadaan oo ay Allaah dartiis u midoobaan oo ay doortaan hogaan nadiif ah oo lagu yaqaan Allah ka cabsi iyo dar ilaahaynimo oo ay ummadda u hor kacaan halgan xaq ah oo gumestayaasha dalka looga saaraayo shareecadda Allaahna loogu ogolanaayo ummadda Soomaaliyeed inay u xukuntamaan maadaama ay ummadda Soomaaliyee u hamuun qabaan xukun islaami ah oo shareecadda Allah kor u qaadaayo.

Waxaa maqaalkaan Soo aruuriyey Maxamed Soomaali

Email: mohamedsomali@hotmail.co.uk

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.