Shil gaari oo ka dhacay duleedka Qardho

 - Shil gaari oo aan khasaare nafeed geysan ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay duleedka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Gaariga shilka galay oo ah NISSAN nooca ay Soomaalidu waaraadka u taqaan ayaa ku gadoomey meel qiyaastii 10km dhinaca waqooyi magaalada Qardho kaga beegan.

Sarkaal ka tirsan laanta nabad gelyada wadooyinka ee gobolka Karkaar ayaa sheegay in sababta shilkaas keentay ay tahay kadib markii uu gaarigu wadada ka baxay wadihiisuna uu ku guul dareystey inuu dib jidka ugu soo celiyo.

3-qof oo kamid ah dadkii rikaabka ahaa ee gaarigaas la socdey ayaa dhaawacmay, waxaana dadkaas oo labo kamid ahi ay rag yihiin xiligan lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee degamda Qardho.

Madaxda Isbitaalka guud ee degmada Qardho ayaa sheegay in labo kamid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu sahlan tahay,haseyeeshee qofka 3-aad uu Koomo ku jiro.

Gaariga shilka galay oo ah nooca waaweyn ee xamuulka qaada islamarkaana sida rar u badan raashin iyo Bagaash wuxuu ka yimid magaalada Boosaaso isagoo ku wajahnaa degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Shilalka gaadiidka ayaa bilihii u danbeeyey ahaa kuwo kusoo badanaya jidka isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, wuxuuna shilkani noqonayaa kii 3-aad ee mudo todobaadyo gudahood ah duleedka Qardho ka dhaca.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.