- Sanad kadin dhimashadii hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida ayaa haatan kuliyada ciidamada Mareykanka ee WestPoint waxa ay soo saareen warqado ay ku sheegeen inay ka soo saareen gurigii uu Pakistan ka deganaa Usama Bin Laden.
Waraaqahan ayaa waxa ku qornaa warar badan oo isweydiin dhaliyey, kuwaas oo muujinaya in sida Usama Ben Laden uu uga soo horjeedo in la dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah, isaga oo taas beddelkeeda kooxaha la jaalka ugu yeeraya in culayska la saaro bartilmaameedsiga Maraykanka.
Benladen ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin doonayay in dadka muslimiinta ah ay bari ka ahaadaan weerarada uu mareykanku la bartilmaameedsanayo ururada islaamiyiinta ee ka soo horjeeda quwadaha reer galbeedka.
Sidoo kale warqadahan ayaa la sheegay in laga helay macluumaad dheeri ah oo ka mid ah in hogaamiyihii xijaabtay ee ururka Al Qaacdi Usama Bin Laden iyo ninka haatan ururkaasi hogaamiyo ee Ayman Al Zawahiri ay ku kala aragti duwanaayeen dagaalka lagula jiro reer galbeedka.
AL Zawahiri ayaa lagu tilmaamay inuu yahay nin gaalaysiiya dadka muslimiinta ah ururkiisuna uu yahay mid lagu soo jiido dadka isla markaana looga badelo diinta islaamka.
Hadaba warqadahan ayaa lagu soo daabacay macluumaad badan oo ku saabsan Usama iyo ururada islaamka ee ka dhisan wadamada Bariga dhexe.
Sidoo kale warqadahan ayaa la sheegayaa in ay ku qornaayeen cabasho uu Usama ka cabayay warbaahinta wadamada qaar oo ay ka mid tahay warbaahinta dalka ciraaq.
Si walbaba arintan ayaa ku soo beegmaysa xili mudo sabad ah ay ka soo wareegatay geerida Usama ka dib markii mareykanku ay ku dileen hoygiisa.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login