Holland waxaa ku soo badanaya hooyooyinka caruurta laga…

 - Warreysi - by Cabdishakur Cilmi Xasan - Ceydiid “Holland waxaa ku soo badanaya hooyooyinka caruurta laga qaadanayo” (Wareysi dheer). Max’ed Mahdi Ceydiid wuxuu 3 sano guddoomiye ka ahaa ururka Midnimo oo ah urur ka dhisan magaalada Delft, oo ka tirsan Gobolka Haagland ee dalka Nederland, waxaana magaaladaasi & hareeraheeda degan Soomaali ka badan 800 qoys, waxeyna ka mid tahay Delft 6-da magaalo ee ay degan yihiin Soomaalida ugu badan ee Holland ku dhaqan.

Ceydiid hadda waa madaxa mashruuca Toosiye, waxaa ina dhexmrartay xogwareysi u dhacay sidatan:-

Goormaa la aasaasay ururkiina, maxeyse tahay hadafka loo aasaasay.?

Ururka Midnimo wuxuu hadda ku shaqeynayaa ujeedooyin & hadaf ka ballaaran kii markii hore ay baahidiisu sababtay in la dhiso, markii hore baahidii loo aasaasay waxey aheyd sidii uu Jaaliyadda Soomaalida ee tirada badan ee halkan degan uu kaga caawin lahaa arrimaha adeega bulshadda; sida isboortiga, waxbarashadda, is-dhexgalka, & sidii ay ula qabsan lahaayeen waddankan, hadafkaas baan ku shaqeyneynay intii muddo aheyd, balse sanadihii u dambeeyey wuxuu ka tallaabsaday horumar ballaaran oo dhaxalsiisay in waxqabadka ururka ay ku soo hirtaan Soomaali ku dhaqan gobolo fofog. guulaha kale ee ururku ku faani karo waxaa weeye wuxu ka mid yahay 2-da urur ee dalkan ugu waaweyn, ayna aqoonsan tahay dowladda Holland, waa ururka SOMVOA ee ka dhisan Amsterdam & Midnimo oo ka dhisan Delft.

Maxaad kaga duwantihiin ururada kale.?

Hogaanka ururku wuxuu ku yimaadaa doorasho, doorashada ururku waxey ku timaadaa hab dimuqoraadi ah, 2 sano kasta waxaa la qabtaa doorasho oo maamulka waxaa qabta dad cusub, waxaa maamulka soo doroanayo gole baarlamaan, waxeyna taasi ina dhaxalsiisay in ururkani uu yeesho itijaah lagu faani karo,

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee aad qabatay.?

Waxaan xooga saaray sidii loo yareyn lahaa cabashooyinka Soomaalida ka imaanaya, ama iyaga Soomaalida ah laga cabanayo, waxaan xalinay inta badan isfahmi waagii u dhexeeyey Soomaalida & Gemeenthuis (Dowladda hoose ee Xaafadda) dhibaatadaasi waxey aheyd sidii Soomaalidu u fahmi laheyd waxa ay xaqa u leedahay & waxa xaqa loogu leeyahay, waayo marka qofka dhalinyarada ah uu magaaladan soo dego wuxuu xaq u yeelanayaa waxbarasho gaaban oo luqada ah ugu yaraan hal ilaa labbo sano in la baro habkii uu bulshadda ku dhexgeli lahaa, ulana qabsan lahaa {inburgering} kadibna loo diyaariyo habkii & aqoontii uu ku shaqeysan lahaa si uu kaga kaaftoomo inuu qaato lacagta ceyrta ah, waxaa inta badan dhacda in process-kaas aysan Soomaalidu sidii loogu talogalay uga soo bixin, tusaale luqadii loogu talogalay in ay 2 sano ku dhammeeyaan ayaa ku dheeraneysa ama haddii uu tii luqada ka gudbo waxaa ku adkaaneysa wajigii 2-aad oo ah (oplaiding), marka waxaan u fududeyneynaa in habkaasi isku taxan ee ka soo billaabanaya waxbarasho, kadibna u gudbaya in laguu tababaro wixii aad ku shaqeysan laheyd ay guul ku dhammaadaan, waxaan siinaa tallooyin wax ku ool ah.

Tan kale ee lagu faani karo ee ururkeenu uu ka qabtay Delft waxey tahay waxaan noqonay wadanka Nederland magaaladda keliya ee (Gemeenthuis) Dowoladda hoose ay xubin Soomaali ah ku jirto, waxaana markii dowladda hoose ee magaalada aragtay sida ay magaaladu ugu badan tahay Soomaalida na loo ogolaaday xubin Soomaali ah.

Dadka aad wax u qabataan magaaladan & hareeraheeda kuwa degan un miyaa.?

Delft keliya ma ahan, gobolo badan ayaa la igala soo xiriiraa, weliba gobolo ay ururo badan ka jiraa ayaa la iga soo wacaa, wixii Soomaalinimo ah & hor ILLAAHEY ah ee aan ku caawin karo dadkaasina waan ku caawiyaa.?

Maxey tahay dhibaatada ugu badan ee Soomaalida haysata.?

Soomaalida 2 arrimood ayaa dhibaato ku haya, tan hore waxey tahay waxey Soomaalidu u badan yihiin alleen stand moeder (Hooyo & caruurteeda oo wada nool), marka hooyadaas waxey dhibaato ay kala kulantaa markii ay caruurtu qaan gaaraan waxey xaq u yeelanayaan wax la yiraa {subsidie} qidmo loogu talogalay adeegyada daruuriga ah ee ay caruurtu u baahdaan, khidmadaasi caruurtu waxey heli karaa marka la helo saxiixa aabaha & hooyada, si ay dowladda hoose u hubiso in aabaha caruurtaasi uu shaqeeyo, haddii uu shaqeeyo lacagtaas isaga ayey ka go’eysaa, waana xanuunka ugu badan oo Soomaalida haya, wixii noo yimaada waan xalinaa.

Mushkilada kale waxey tahay caruurta la qaato aad ayey u badan tahay, waana soo korortay muddooyinkii u dambeeyey, aniga waxaa mar walba la igala soo xiriiraa magaalooyin fogfog sida Tilburug & Eindhoven

Maxaa saldhig u ah qaadashada caruurta.?

Hal arrin baa u sabab ah qaadashada caruurta inta aan waayo araga u ahay taasina waxey tahay waalidka oo ka warwareega ama si toos ah u diida in asbuucii mar ama 2 ay u yimaadaan qoladda (maatschappelijk werk), waxaan ku iri ha diidina,waxaa Soomaalida ka dhaadhacsan haddii ay guriga yimaadaan wax bey kaa qorayaan, sida aad caruurta ula dhaqmeyso ayey eegayaan, waxaan sameynay dhexdhexaadin, waxaan niri soo dhoweeya, koffee ama shaah siiya, la sheekeysta, ma jirto cid inta kuu timaada ilmaha kaa qaadan karta waa in dambiyo lagugu helaa oo aan hal mar & labbo mar aheyn, marka qaladaadkaagu bataan kadib ayaa ilgaar ah lagugu eegayaa.

Warbixin sanadeedkii ugu dambeeyey Soomaalida waxaa la geliyey dalka ajnabiga ah ee ugu liita dhinaca waxbarashada & shaqada, maxaa u sabab ah.?

Waxaa haysata Soomaalida aqoondarro ku saabsan habka waddanku u shaqeeyo, shuruucda & nidaamka dalka u degsan aad ayey inoogu adag tahay inaan la qabsano, annigoo rag kale kaashanaya sanad & sideed bilood ayaab xal u raadineynay mushiladda Soomaalida, mashruuc ayaan sameeyey si ay ummadda uga baxdo isbarbar yaaca & sawirka qaldan ee ay ka qaadanayaan dadka wadanka degan, waxaan sameynay annaga oo taa ka duuleyna waxaan sameynay website aad ku akhrisan kartid labadda luqadood ee ah Soomaali & Nederland, kalana socon kartid wixii aad xaq u leedahay www.toosiye.org wax kasta halkaas ayaad ka heleysaa, bal in ay ummadu ay ka baxdo aqoondarrada dalka ka haysata.

Sideey Soomaalidu kaga kaaftoomi kartaa in ay ururo wax ka sugaan, oo isku filnaansho u gaari karaan.?

Dhibaatadda dalkeenii Soomaaliya ka jirtay ayaa halkaana ka jirtaa iyadoo si kale loo dhigay, mushkilada ama xunddunta dhibaatada Soomaaliya waa ku qotontaa beel, balse halkan dhibaatada ka jirta waxey tahay daneysi, waxaa ku yar cid ka damqaneysa dhibaatada dadka haysata, dalka oo dhan ayaa la iga soo wacaa aniga, waxaa i soo wacaya magaalo urur uu ku jiro oo hooyo ay i leedahay caruur baa la iga qaadanayaa, markaan iraa urur baa magaaladiina ka jira Soomaalida caawiya oo dhaqaale kaga qaata dowladda hoose ee magaalada, waxey dadku ku leeyihiin waxba inooma qabto, qolada kale ee lagu ammaani karo waxa ay ummadda u qabtaan marka si sax ah loo eego ururada dalkan ka dhisan waa SOMVOA.

Cali waare oo ah maamulka sare ee SOMVOA waa uddub dhexaadka ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Amsterdam.

 Habkaas ku daneysiga ah ee aad sheegtay sidee looga bixi karaa.?

Aniga waxaan soo noqday xiriiriyaha guud ee FSAN, xoogga waxaan saaray in FSAN & ururada Soomaalida ay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda haysata Soomaalida, gaar ahaan hooyada & caruurta, dhibaatadu waxey naga qabsatay waxaa jira dad aan waxba qabaneyn, haddana dadkii wax qaban lahaa horboodaya waxadna dareemeysaa xaalad la mid ah tan Soomaaliya ka jirta, arrintaas wacyigelin in laga galo ayey u baahan tahay oo doodo laga sameeyo.

Ma doonayo inaan dad gaar ah farta ku fiiqo, waxaase aad ugu baddan Nederland dad sheeganaya ururo & in ay metelaan Jaaliyadaha magaaladooda ka dhisan haddana aan ka war hayn dhibaatada haysata reerka Soomaaliyeed ee deriska la ah ee caruurta laga qaatay, dhibaatadaasina waa mid u baahan in laga hadlo oo aan lala gamban, ciddii magaca ummadda wadata ee ku adeeganeysa in si furan looga hadlo, qofka marka uu urur sheeganayo waa inuu ogyahay dhibaatada agagaarkiisa taala.

Tusaale:

2 magaalooyin oo waaweyn ayaan dhex-deganahay waxaa 2010-kii dhacday wiil Soomaali ah oo wadankan ku cusub, ayaa markii uu waddanka soo galay isagoo aanan weli tegin halka la iska dhiibo (Ter Apel), wuxuu ku dhintay magaalada Vlaarding oo waxaa maray tareen ALLAHA u naxariisto, waxaa laga sheegay taleefishinka nin aan la aqoon jinsiyadiisa in ay arrintaasi ku dhacday, maadaama uusan wadanka file ku laheyn waxaa laga dhigay qof aan jinsiyadiisa la aqoon, arrintaas markii ay dhacday 1-dii habeenimo ayaa la i soo wacay, waxaa la waayey ururo Soomaaliyeed oo meydkii wiilkaasi soo qaada oo booliska u taga, annagaa tagnay boolisku waxey yiraahdeen ma hayno caddeyn muujineysa in wiilkani uu Soomaali yahay, hooyadii iyo walaalihii ayaa Gaalkacyo sawirro inooga soo diray, haddana waxey su’aal ka timid yaa aasaya, haddana yaa saxiixaya, cid kasta waa ka carartay in ay saxiixdo, waa kaas sawirka ka tarjumaya tafaraaruqa & isu-damqasho la’aanta Soomaalida, xittaa meydkii waa lagu kala cararay, aniga ayaa markii dambe magaca ururka Midnimo ku saxiixay. waana tusaale dalka oo dhan ayey ka dhacdaa, dhibaatada waxey tahay ma jirto mas’uuliyad & ALLA ka cabsi ay xil isaga saarayaan kuwa sheeganaya mas’uuliyadda.

Qofkii aan la aqoon meydkiisa Jaamacad ayaa la geynayaa hilibkiisaa lagu barbaranayaa, marka dadka aan ururada ku jirin oo shacabka dhibban ah, ayaa laga doonayaa in ay arrintaasi ka hadlaan si loo helo ururo wax qaban kara, dad wax qaban karo ayaa loo baahan yahay dad baa magacii sita oo isaga daneysanaya. teeda kale, shir ay qabanqaabiyaan dadka magacyadda ururada sita waxaan u maleynayaa in aanu wax xal ah soo kordhineyn.

Sideed u aragtaa xisbiyadda siyaasadda ee dalkan Holland lagaga dhawaaqay, sida Tayo oo aad xubin ka tahay & Hiilqaran ?

Dadka galaya xisbiga ama doonaya in ay ku biiraan xisbiyadda siyaasadeed waa in marka hore ay taariikh waxqabad ku leeyihiin dalkan ay ku nool yihiin, qofku marka uu local-ka wax ka qabto ayuu Soomaaliya u gudbi karaa. gurigeygii oo ololaya ayaan guri kale daminayaa taasna ma ahan wax suurtagal ah, qof dantiisa ka dhexarkay un baa loo qaadan karaa dadka hadda horboodaya xisbiyada siyaasadda ee horay ugu fashilmay ururadii Holland ka dhisnaa ee uu madaxda ka ahaa. haddii aad ka duuleyso inaad Soomaali wax u qabato ka bilow halka aad joogto, markaas waxaa imaan kara wixii aad dalka ku biirin karto, Soomaalidu waxey tiraa (oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaa).

TAYO oo aad xubin ka tahay wax ma ka bedeli karaan xaaladda wadanka.?

Magaca Xisbiga TAYO wuxuu ku yimid dowladdii tayadda aheyd ee 6-dii bilood shaqeyneysay ee uu R/wasaaraha ka ahaa Farmaajo, oo ay shacabku u arkayeen xilligaasi in ay tahay xukuumad tayo leh, halkaas ayey tayadu ku timid, hadda markii heerkan la soo gaaray in halkii laga soo wado oo dowlad mustaqbalka tayo ku shaqeeysa loo gudbo ayaa muhiim ah.

Dad ayaa isweydiinaya Farmaajo waxa uu qaban waayey dhowr billood ka hor ee uu hadda qaban karo.?

Aniga dadkii su’aalahaas weydiin jiray baan ku jiray, balse waxaan ku qancay jawaabihii uu bixiyey ee ahaa intii uu is qabsi imaan lahaa, wuxuu qaatay go’aankii tanaasulka, wixii uu qabtay ma ahan wax qarsoomi karo, marka ay timaado inuu ummadda ugu faa’ideeyo. waad la socotaa hadda dowladda federaalka guulo badan ayey ku talaabsaday oo gobolo badan ayaa Shabaab laga saaray oo waxaa la tiigsanayaa in mustaqbalka dowlad tayo leh la sameeyo.

Maxaa loo waayey ururo ama Jaaliyado in ay dalkii ka dhisaan goobo waxbarasho ama isbitaalo.?

Waa jiraan ayaa dhihi karaa haba yaraadaane haba u bataan gobolada dhexe, Puntland ama Somaliland, laakiin heerkii loo badnaa ma gaarin, waxaa ka badan damaca shaqsiga ah ee ku dhisan xildoonimada, weli waxaa ka maqan wax damac la’aan ah oo danta guud ka shaqeynaya, oo la isweydiiyo maxaa loo qaban karaa dalka.? annagoo hal magaalo ah ayaan ku jirnaa in baarlamaanka yurub aan hal kursi ku yeelano waana qorshe hadda meel fiican inoo maraya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 12, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.