Ciidamo lagu soo tababar Ethiopia oo soo gaaray Gedo

 - Sida ay sheegayaan warar dheeri ah oo aan ka heleyno Gobolka Gedo ku dhawaad  kun askari oo lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ay ka soo gudbeen degmada Doolow ayadoo halkaasi dhawaan Baladxaawo ay ciidamo sidaa oo kale ay soo gaareen kuwaa in muda ah lagu tababaray gobolka.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan qeyb ka yihiin howl galada ka socda Gobolka Gedo ee ka dhanka ah Shabaab, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in dhowaan ay ciidamada ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Shabaab. Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen Beledxaawo lagu soo dhoweeyay, waxaana dadweyne fara badan oo isugu soo baxay ay ahaayeen kuwo caleemo u lulayay.

Dhanka kale, Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in qorshahooda yahay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Baardheere.

Dhowr jeer oo hore ayay sidaan oo kale ciidamo lagu soo tababaray wadanka Ethiopia lagu soo daadiyay goboladaasi balse inta badan wax guulo ah kama aysan keenin lana arki doonee kuwaan cusub waxa ay kusoo kordhiyaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.