Meydka wiil dhalinyaro lagu dilay Yaaqshiid oo lasoo bandhigay

 - Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir ayaa soo bandhigay maydka wiil dhalin yaro ah oo la sheegay inay toogasho ku dileen ciidamada amaanka degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid eeDKMG ee soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa  sheegay in degmadaasi ay ku soo bandhigeen maydka wiil dhalinyaro ah sida uu u sheegy saxaafada kaas oo ka tirsanaa Alshabaab sida uu yiri Jurus.

Jurus ayaa sheegay in wiilkan xiliga la dilayay uu ku howlanaa aaska walxaha islamarkaana ay toogasho ku dileen ciidamada amaanka degmada Yaaqshiid.

Muxudiin Xasan Jurus ayaa sheegay in wiilkan dhallinyarada uu ahaa arday dhiganayay mid ka mid ah iskuulada ku yaal degmadaasi isagoo intaa raaciyay hadalkiisa inay si gaar ah u la socon doonaan ardayda wax ka barata iskuullada ku yaal degmadaasi.

Gudoomiyuhu Waxa uu sheegay in wiilkan dhallinyarada hadda ka hor Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay sii daysay kaddib markii lagu waayay wax dambi ah sida uu sheegay.

Arinkan ayaan ahayn mid ku cusub dadka ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku hayso DFKMG ah ee soomaaliya,  iyadoo falalka amaan daro eek u soo kordhaya degmooyinka gobalka Banaadirna ay maamulada degmooyinka gobalka sheegeen inay wax ka qabanayaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.