Mid ka mida Layaabka Soomaalida maanta (QORMO CAJIIB AH).

Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online

 - KU SAABSAN QORAAGA:

Waxaan ahay Mohamed Abdullahi Dhaaley, Muwaadin Soomaali ah oo ka mida dhalaankii 1989-kii. Waxaanna muddo 5-Sano ku dhaw ku shaqeeynayay Saxaafadda Soomaalida ee noocyada kala duwan leh.

Waxaan qoraa qormooyinka, maqaalada iyo warbixinada kale ee Saxaafadeed oo dhamaantood ka hadlaya arimaha bulshada. Anigoo waqti kasta u socdo oo dhaqaaqo inaan soo ogaado xaaladda ay ku suganyihiin dadka ku sugan gudaha dalka oo ah  halka aan iminka joogo anigoo ka damqada dhibaato kasta oo dadka Soomaalida heysata.

Waxbarashada Aas-aasiga ah illaa dugsiga sare waxaan ku dhameeyay Soomaaliya illahayna wuxuu i gaarsiiyay illaa heer Jaaamacadeed.

Wali ma dhicin inaan qof Soomaaliyeed ku xumeeyo qoraaladeyda mudadda kusoo baxayay  Shabakadaha wararka ee Soomaalida qof kale oo Soomaaliyeedna wali wax aanu ahayn oo wanaag ah uguma aanan sheegin qoraalkeyga.

Hadaba waxaan intaas oo warbixin ah isaga qorayaa inaan sii caddeeyo ka hor inta aanan gudaha u galin qormadeydan inay tahay mid aan ku salaysaneyn shaqsi weerar. Hadii xitaa qof shaqsi ah magaciisa aan kusoo qaato halkan waxaan cadeynayaa inaan xumaan gaar ahaaneed la damacsanayn qofkaasi ee aan doonaayo un inaan kusoo bandhigo hadba wixii aan u arkay inay dhibaato ku yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ah halka ay qormooyinkeyga ka duullaan kuna slaaysanyihiin ka hadalka danaha guud ee dadka ama dalku ay leeyihiin.

QORMADII:

Hadaba Soomaaliya oo burbur dowladeed iyo amni daro baahsan kusoo jirtay muddo 20-Sano ka badan ah ayaa waxaa waqtigaas intii lagu jiray ay dadkeedu barteen dhaqamo iyo waxyaabo aanay umadaha dunida kale ku dhiiran inay si fudud u sameeyaan. Waxaana dalka oo dhami uu noqday saldhigii Layaabka iyo xaruntii –amkaagga.

Wax kasta oo yaab iyo fajac xambaarsan waa lagu soo arkay Soomaaliya oo ma jiro layaab u dhiman umadda dagaaladda Sokeeye iyo dhiigga daadanaya ku dhex mushaaxaysay oo nolol maaleedka ka dhex raadinaysay dhismooyinka burbursan iyo madaafiicda isku dhaaf-dhaafaysa hawadda magaalooyinka Soomaaliya ee dagaaladu ay ka dhacayeen.

Rasaas lagu furay goob ay dad rayid ah ku suganyihiin!!! Boqolaal dad ah oo ku xoomay xafiisyo iyo dhismooyin dowladeed dabadeedna barqo cad xambaarsaday qalabyadii dadka loogu adeegayay ee halkaasi yiilay iyadoo wadooyinka magalaadduna ay dadku isku dhaaf-dhaafayaan oo cid la hadlaysa bililiqa doonkaasi aanay jirin!!! Hooyo caruur xambaarsan iyo mid Xaamilo ah oo kooxo hubeysan ay kufsadeen deetana si xun u dileen iyadoo dadkuna ay si toos ah falkaasi u arkayaan!!! Haweeney Jaariyad ah oo kasoo jeedda dadka aan hubeysnayn ee Soomaaliya oo qoyskii ay u adeegeysay inta dambi aan la hubin ku eedeeyeen dabadeedna si silac dil ah ku dileen oo waliba dab qabadsiiyeen ama birro iyo masaamiir yar yar jirkeeda ku garaaceen illaa ay ka dhimato!!! Intaas oo dhan iyo kasii badan waxay ahaayeen layaabkii naxdinta iyo amakaaga lahaa ee bulshada Soomaalidu ay usoo joogtay wixii ka dambeeyay markii dowladdii dhexe ay dhacday.

Waxaa soo xigay : Masaajid ay dad muslimiin ah ku dukanayeen oo ruux inta uu galay isku qarxiyay boqolaal dad ahna salfaday!!! Gaadiid ay rayid saarnaayeen oo Miino lagu qarxiyay  dad badanna la laayay!!!  Arday fara badan oo Soomaali ah oo xaflad qalin-jabin ah iyagoo dhiganaya lagu qarxiyay Hotel ka dibna  dhiig fara badan oo rayid ah halkaa lagu daadiyay!!! QOf rayid ah oo lagu eedeeyay inuu Diinta ka baxay oo lagu gowracay meel Somalia ka mida meydkiisana lasoo dhigay waddooyinka qofkaasi oo aan laga hayn war aan ahayn inuu isagu Muslim yahay waxyaabaha lagu eedeynayana ay yihiin kuwo ku salaysan Siyaasadaha is diidan ee maanta ka jira Somalia!!! Nin Soomaaliyeed oo lagu tuhmay inuu jaasuus u yahay dowladda Soomaalida oo dhinacyada dowladda ka horjeeda oo Soomaali kale iyaguna ah ay Carabkii uu ku hadlayay kaga gooyeen gudaha Xamar!! Iyo kuwo kale oo badan oo iyaguna layaab iyo fajac ku noqday dadka Soomaaliyeed.

Intaas aan soo sheegay iyo kasii badan oo layaab ahba waa ay dhaceen. Waxa aan hadda soo waddo ee aan sheegayana intaaskamalayaab badnaanayaan. Balse dhagaha bani’aadamka ayaa u samaysan inay wax maqlaan oo maalin kasta waxay u dhag-taagayaan inay wax cusub oo ay ama layaabaan ama ku farxaan amaba ay ka naxaan ay maqlaan.

Waxaan layaabay maanta anigoo dhagaysanaya Raadiyaha inaan maqlay nin mas’uuliyad sheeganaya oo hadana aflagaaddo iyo waxyaabo khatar badan abuuraya u jeedinaya mas’uulkii isaga ka sareeyay oo madaxda uga ahaa hey’adda uu isagu ka tirsanyahay.

Wali aduunyada laguma sheegin sharciga caalamiga ah iyo dhaqanka toosan ee Siyaasaddu ay qabtana laguma arag in qof mas’uuliyad sheeganaya uu si cad oo dadka shacabka ahina maqlayaan uu u aflagaadeeyo mas’uul kale. Taasina waxaa kasii daran inaan abid la sheegin shaqaale madaxdiisa aflagaadeynaya ama hadallo halis badan xambaarsan u jeedinaya.

Afhayeenka maamulka gobalka Benadir waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullahi Cariig. Wuxuuna horay u ahaa Wariye ka tirsan Saxaafadda Soomaaliya intii aanu afhayeenka noqon ka hor.

Shalay ayuu ka hadlayay Raadiyaha Shabelle la yidhaa ee Muqdisho ku yaala isagoo ah qofka aan qormadan ka diyaariyay ee layaabka ay hadaladiisu igu beereen. Waxaanse kasii afeefanayaa inaanu shaqsigaasi ahayn qof aan aqoon gaar ah u leeyahay oo dagaal ama dhibaato inaga dhaxaysa aniga iyo asiga darteed aan qalinka u qaatay qormadan si aan wax ugu gaarsiiyo isaga iyo shaqsiyadiisa (XAASHAAYE  WAYGA MAMNUUC INAAN XUMAAN KU BAAQAAYE).

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Mr Cariig oo hadlaya wuxuu sheegay in gudoomiyaha gobalka Benadir oo ah Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu maalin dhawayd telfoon kasoo wacay isaga isla markaana uu kula hadlay hadallo hanjabaad ah isagoo gudoomiyaha gobalku uu ka duulayo sida uu Cariig sheegay hamballiyo uu midka dambe waa afhayeenka gobalka Mr. Cariige uu u jeediyay Raadiyaha Shabelle markii maalin dhawayd uu u dabaal-dagayay sanad-guuradiisii 11-aad.

Sababta uu Tarsan u diidayo hambaliyada Shabelle inkasta oo aanay cadeeyn oo aananba la hubin inuu diiday iyo in kale Cariigna aanu xaqiiqada warkaasi cadayn hadana waxaa horay u jiray weerar xoog badan oo xitaa dad badan oo xeel-dheeerayaal ahi ay ku sheegeen mid khilaafaya sharciga Saxaafadda oo ay Shabelle maalmo dhawayd ku haysay gudoomiye Tarsan. Iyadoo xitaa gaartay inay wararkeeda maalin kasta ku dhawaad 5 ama 6-qodob oo Tarsan ku saabsan ay ku jiraan kuwaas oo mid kasta oo ka mid ahina uu shaqsiyad weerar ku salaysanyahay oo Tarsan ka dhan ah.

Anigu iminka dooni mayo inaan ka hadlo Shabelle iyo warbixinadeedii Tarsan ku saabsanaa iyo dagaalka iyada iyo gudoomiyaha gobalka ka dhexeeyay balse waxaa iigaga filan dagaalkaas iyo sida ay bal dadka wax og u arki karayaan marka loo sheego qaabka uu u socday iyadoo Shabelle wararkeeda ku sheegeysay qodobbo ay ka mid yihiin ( TARSAN WUXUU AHAA NIN MASKAX AHAAN AAN CAAFIMAAD QABIN…. TARSAN WUXUU CALANKA SOOMAALIYA KU GUBAY DEEGAANKA KUDHAA EE KOOFURTA SOMALIA ISAGOO LA SOCDAY MAXAKIIMTII ISLAAMIGA….. TARSAN WUXUU TAAGEERI JIRAY MAXKAMADIHII WUXUUNA DIIDANAA ITOOBIYA). Intaas oo qodobbo ahi iyo kasii badanina waxay ku jireen wararka caadiga ah ee ay Idaacaddu maalin kasta daynaysay oo dad boqolaal gaarayana ay dhagaysanayeen.

Caqliga wanaagsan ayaa diidaya in qof  uu aflagaado u isticmaalo qof kale. Sidaasi darteed bal ka waran qof ka hadlaya Raadiyo ay dad badan dhagaysanayaan oo aflagaadeynaya mas’uul kale isagoo waliba si muuqata u weerarayay shaqsiyadiisa.

Waxaa taas kasii daran eedeymaha Shabelle ee Tarsan loo jeediyay inay ku noq-noqonayeen inuu taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka. Waa su’aale kuma ayaanan taageeri jirin Maxkamadihii Islaamka oo maanta xil sare ka haya dalka Soomaaliya??  Madaxweynaha dalka oo ah mas’uulka xilalka ka jira Soomaaliya ugu sareeya ayaana tusaale taas inoogu filan.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamad Cabdulaahi Cariik

Aan kusoo laabto Afhayeen Cariig iyo hadaladiisii maanta ee layaabka igu abuuray. Wuxuu yidhi afhayeenka isagoo sii hadlaya “Gudoomiye Tarsan wuxuu iga diiday anigoo qaab mas’uulnimo ah u hadlaya inaan u hambliyeeyo Shabelle. Wuxuuna Telfoon uu iisoo diray iigu sheegay inuu tallaabo Milatari iga qaadayo”.

Hadalkan hadii aan dib u eego waxaan is waydiinayaa in qof Shaqaale ah uu qaadi karo tallaabo aanu mas’uulkiisa ama qofka isaga madaxda u ahi ka war qabin. Nidaamka dowladeedse ma yahay mid qaba is-dhex yaac iyo in qof kasta uu wuxuu doono sameeyo hadalkuu doonana Saxaafadda iska siiyo?. Hadii taasi ay dhacdana sow ma imaanayso in la waayo kala dambeyntii iyo awoodihii qaybsanaa ee awood kasta oo awoodaha dowladeed ka mida loogu sameeyay ilaalin iyo daba-gal lagu ogaanayo waxa ka khaldan iyo waxa ka saxan si loo hagaajiyo jaan-qaadka wanaagsan ee hanaanka dowladeed.

Afhayeenku wuxuu ku hadli karaa xilka uu hayo isagoo ogolaansho ka heysta madaxdiisa. Hadiise uu doonaoy inuu hadlo waa inuu si shaqsi ah u hadlaa sida sharciga ah caqliguna uu qabo.

Waxaa xusid mudan in markii uu hadlay Mr. Cariig saacado yar ka dib warbaahintu ay faafisay wareegto xilka looga qaadayo afhayeenkan oo xafiiska maamulka gobalka Benadir kasoo baxay. Waxayna tani inoo macnayn karaysaa in hadalka Cariig uu ahaa mid ka hormaraya tallaabada cazilaadiisa ah oo laga yaabo inuu kasii war hayay isaguna uu is lahaa bal wax un ku dhaqaaq taasi oo runtii ah mid aan u wanaagsanayn hanaanka dowladeed iyo hab-sami u socodkeeda.

Soomaaliya oo ah meel nidaamkii dowladeed uu dadkii ka lumay ayaa waxaa adag in dib loo hanto dowladnimadii iyo kala-dambeyntii. Si taas loo helana waxaaba habboon in waqtigan la joogo qof kasta oo mas’uul ah oo ka taxadaraa hadaladiisa iyo waxa ay abuuri karayaan. Marka Cariig si uu ilaaliyo mas’uuliyadda saran oo wax u qabashada dadka ah sida uu sheeganayay waxaa haboonaan lahayd inaanuba hadal jeedin hadiiba madaxa isaga kaga sareeyo xafiiska uusan hadalkaasi raali ka ahayn si wada shaqaynta hey’adaha dowladdu u toosto.

Hambaliyo aad u jeediso Idaacad u dabaal-dagaysa sanad-guuradeeda iyo inuu yimaado kala-qaybsanaan iyo dood xafiiskii dowladeed ee aad ka shaqaynaysay ka dhex dhacday  tee baad dooran lahayd adigoo ah mas’uul u naxaya dalkiisa burbursan ee iminka un soo hana-qaadaya doonayana inuu dowladnimadii dib u hanto??? Taasi waa su’aal furan oo cid kasta ay ka jawaabeyso.

Hadalka kale ee aan ka hayo afhayeenka gobalka waxaa weeye isaga oo yidhi “ Hadii dhibaato ay I gaarto waxaa loo heystaa Tarsan oo ii hanjbay iina sheegay inuu wax I yeelayo. Qarax hadda ka hor la ii geeystay oo aan ka badbaadayna isagaa ka dambeeyay!!!”.

Bal ila eeg aqristoow hadalka uu Mr. Cariig sheegay khatarta uu xambaarsanyahay. Sow ma aha in dadka Caamada ah ama aan wax badan garanayn ee Soomaaliyeed oo misana u hanqal-taagayay baaqyada iyo astaamaha nabadda ku dhawaaqaya ee dowladda haatan jirta kasoo yeerayay ay dareemaan niyad-jab hadiiba madaxdeedii iyo hey’adaheedii dadka ugu sareeyay ay isugu hanjabayaan oo ay eedeymo dilal qorsheysan ku saabsan isku jeedinayaan.

Sidee u haminaysaa inaad sii ahaato afhayeenka gobalka adiga oo eedeyn abaabul fal dil ah u jeediyay gudoomiyihii gobalka?? Sideese gudoomiyuhu uu gudoomiye kusii ahaanayaa isagoo eedeyntaas loo jeediyay.

Sida aan ku bartay Sharciga oo inkasta oo aanan wax badan ka aqoon hadana Duruusta Jaamacadda aan kusoo qaatay ridista Xukunnada Maxkamadeed ee dambiyada uu dilku ugu sareeyo ku salaysan waxay soo martaa marxalado kala duwan oo mid kasta ay qiimeynteeda gaarka ah leedahay. Qofka lagu eedeeyo dilka ama dambiga kale ee hoos imaanaya Criminal Law-ga waxa loo yaqaan ama sharciga adag ee dambiga culus oo dilalku ku jiro la tacaamula  wuxuu sharcigu siinayaa inaan lagu tilmaami Karin  dambiile ama (Guilty) illaa laga cadeeyo dambigiisa oo lagu xaqiijiyo inuu dilka lagu eedeynayo galay. Saxaafaddana waxaa loogu yeeraa marka Sharciga la joogo inaanay ku dhiiran ku dhawaaqista ereyga dambiila inta maxkamaddu ay ka xaqiijinayso.

Sidaas darteed marka uu Mr.Cariig si toos ah ugu eedeeyay gudoomiye Tarsan inuu isagu mas’uul ka ahaa qaraxa isaga lala maaganaa oo uu ka badbaaday wuxuu sidaas Tarsan ku noqday Guilty ama dambiile waxaana ay ahaan lahayd hadii Maxkamadaha dalku ay shaqadooda sidii la rabay u qabsanayaan in toos loola kaco  Xabsiga. Dhinaca kale marka laga eegana hadii dambigaas uu been noqdo waxaa khatar ku sugan qofkii ku dhawaaqay ereyga dambiile ee sida inuu isagu hubaal u heysto u sheegay ereygaas oo qofka kale u adeegsaday.

Isku soo wada duube waxaa muuqanaysa in wax badan oo dib u dhac ah uu ka dhex jiro hanaanka dowladeed ee dalka. Waxaase qof kasta marka halkan la marayo la gudboon inay iskeed mas’uul u noqoto oo ay u dhowrto wanaagga ugana fogaatto xumaha. Waayo tani waxay dan u tahay dadka musiibadda dowlad la’aanta ah oo dhibaatooyinka kala duwan la timid ay ku dul-habsatay kuna hoos noolaa mudaddii lasoo dhaafay.

Soomaaliya iyo Soomaalida oo waxa heysta aan ka wada war qabno hadii aan u damqan wayno oo dano gaar ah ay ina duufsadaan waxaa hubaal ah in taasi mar  un xumaanteeda aan ogaan doonno.

Sidaas darteed inta anagoo shalaay joogna aan arki lahayn waxaa inala gudboon inaan waqtiga aan awoodda leenahay oo dadku ay ina dhagaysanayaan hadii aan Saxafiyiin nahay ama hadaladeenna loo dhag-taagayo hadii aan xubno dowladeed naahay inaan ka joogsano xumo-sheegga oo aan ku dadaalo sidii dadka quluubtooda wax wanaagsan loogu shubi lahaa taasi oo aan ahayn mid cid gaar ah loogu adeegayo ee ah dan guud oo inagoo dhami wanaag inoo horseedeysa.

Ugu dambeyntiina waxaan mar kale ka cudur-daaranayaa hadii qof Soomaaliyeed uu xumaan ka fahmo qoraalkeygan.

————————————————————————————————————–

Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online | Mogadishu-Somalia | Mohammed_dhaley@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 14, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Mid ka mida Layaabka Soomaalida maanta (QORMO CAJIIB AH).

  1. Asc wad arkeysan madaxdii wanka aniga wan dhihilahaa alaha tusiyo dariqa wanaagsan dhaley waa kabaxsatay?

  2. Abdirizak dayib

    Mahad sanid qoraa Dhaley, hadi an fikirkayga ka dhibto arintan mas’uliyinta dhexmartay waxan odhan lah why uu u diidayo mudane “TARSAN” in loo hanbaliyo shabelle asago masulka gobolka ah waxi shaqsiyad kadhexeya duqa iyo shabelle wa gooni balse afhayeenka waxu ku hadlaya magaca mas’uliyinta xaqna wu u leeyahay in u shaqadisa guto.

  3. Aad baan uga mahadcelinayaa weriye Dhaaleey sida aad noogu soo bandhigtay Degmooyinkii Gobolka Banaadir – waana sugeynaa kuwii kale ee dhinaa.

    Arinta qoraalkan, waa wax cajiib ah oo dad masuliyiin ah ay kudhaqmayaa, laakiin waxaan rajeynayaa inay dhamaato qalin kahadalka iyo afka hadalka ee wax waliba lagu dhameeyo sida dowlad ama umad shaci leh ku dhaqanto.

    Mahadsanid