15ka May waa maalin xusuus weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed

 - Halgame Boolaay oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo,dastuurka dalka lagu dhaqaayana in laga dhigo diinta islaamka.

Munaasabada sannadguurada 69aad ee ka soo wareegatay maalintii aasaaska loo dhigay xisbigii gobannimodoonka ahaa ee S.Y.L.,ayaan fursad u helay in aan telefoon ku wareysto halgame Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay oo booqasho howleed ku jooga dalka Finland,wuxuuna wareysigii u dhacay sida soo socota:

*Su’aal: shacabka Soomaaliyeed waa la wareeriyay,kii gudaha joogay iyo kii dibedda joogayba waxay noqdeen in ay ka aamin baxaan ruux kasta oo isku soo sharraxa madaxtinimada dalka,maxaa ugu wacan arrintaasi, baad is leedahay,maxaadna ugu baaqi lahayd shacabka Soomaaliyeed,adigoo ka faa’idaysanaya munaasabada ku aadan sannadguurada 69aad oo ka soo wareegatay maalintii aasaaska loo dhigay xisbigii gobannimodoonka ahaa ee S.Y.L.?

=Jawaab: assalaamu caleykum,ummadda Soomaaliyeed oo dalka iyo dibeddiisaba ku nool, sida aad la socotaan maanta waxaa la gaaray 69 sannadood kaddib markii ay ka soo wareegatay maalintii la aasaasay xisbigii gobannimodoonka ahaa ee S.Y.L.,sida aad ogsoon tihiina S.Y.L. halgan dheer ayuu soo galay,dagaallo badan ayuu soo galay,dhiig badan ayaa ku daatay,halgameyaal badana naftooda ayay ku waayeen,waxayna halgameyaashiisa lahaayeen hal ujeeddo kuna midaysnaayeen,kaasoo ahayd in ummadda Soomaaliyeed ay hesho xornimo taam ah,maanta nasiibdarro waxaa dhacday in halgameyaashii dhiiggooda u hibeeyay dalka in la illoobo xaqooduna la duudsado,loona horseedo in Soomaaliya ay burbur ku soo noqoto.

Waxaad ogsoon tihiin in halyeeyadii S.Y.L. ay u halgameen in Soomaaliya ay mid qura ahaato, Soomaaliya in ay tahay ul iyo diirkeeda,Soomaaliya in aysan kala go’i karin, midnimadaas iyo wadajirkaasina waxay keentay in dalka Soomaaliya laga saaro gumeystayaashii,sidaas daraadeed waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaya in halgan kale la galo sidii loo midayn lahaa shantii Soomaaliya oo la kala qaybiyay,in la soo celiyo rajadii ummadda Soomaaliyeed oo ku dhisnayd midnimo,kaasi ayaana ah himilada ummadda Soomaaliyeed.

Dalku wuxuu ku jiraa halis iyo bur bur,waxaana looga bixi karaa in gacmaha lays qabsado lana xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,iyadoo tusaale laga dhiganayo halgameyaashii S.Y.L.,kaasaana guul lagu gaari kara,dadka haddii ay isku duuban yihiina,shaki kuma jiro in dalka uu ku tallaabsanayo horumar dhinac kasta ah,waddaniyiinta Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqaya in ay dalka ka badbaadiyaan kana hortagaan kuwaa burburka u geesanaya oo danaystayaasha ah oo wax ma garadka ah oo damiir laawayaasha ah.

Ruuxa Soomaaliga ah waxaa lagu ogsoon yahay waddaninimo,sidaas daraadeed waa in uu iska qabsadaa khaa’inul waddanka oo marba shaar qabiil u soo huwanayo,ummadda Somaaliyeed waxaa lagu tiriyaa libaaxyadii Afrika,nasiibdarrose waxaa dhacday in 21 sannadood muddo laga joogo,in Soomaaliya magaceeda iyo qarannimadeeda dhulka lagu tirtiro,ceelna lagu rido,waxaana sharaf dhacaas u keenay khaa’inul waddanka oo isagu iimaanka Allah ka qaaday oo qaranimadii gacanta u geliyay gumeystayaasha,waxayna kuwaasi ujeeddadoodu tahay in dalka uusan horumar gaarin,wax dan ah oo uu ka leeyahayna ma jiro aan ka ahayn dantiisa gaar ahaaneed,sidaas daraadeed,waxaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada ugu baaqaya in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan,sidii ay u badbaadin lahaayeen qarannimada ummadda Soomaaliyeed oo burburtay, waxaana rajeynaya in lagu dadaalo sidii mar kale loo soo noolayn lahaa qarannimadaasi.

*Su’aal: dad badan ayaa isku soo sharraxay jagada madaxtinimda dalka Soomaaliya,qofka ku guulaysta maxaad kula talin lahayd?

=Jawaab: marka ugu horraysa waxaan leeyahay Soomaaliyey waxaa loo baahan yahay in dalka iyo dadka loogu shaqeeyo karti,iyo daacadnimo,madaxweynaha mustaqbalkana waxaan kula dardaarmaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeyo si daacad ah,maanta ruuxii ku guulaysta hoggaanka ummadda Soomaaliyeed, waxaan dhihi lahaa in uu daacad u noqdo dalkiisa iyo dadkiisa isagoo aan ku kala soocin qabiil iyo wax la mid ah,una diyaargaroobo mas’uuliyadda ballaaran ee sugayso,una halgamo sidii ay u halgameen geesiyaashii S.Y.L. oo kale,kuna dadaalo sidii uu u soo celin lahaa qarannimadii ummadda Soomaaliyeed oo burburtay, waxaana rajeynaya qofka ku guulaysta in uu ahaado nin Allah ku xiran, islaamnimadiisuna ay daacad noqoto kuna dadaalo hirgelinta shareecada islaamka,xaquna uusan baal marin,kana hortago wixii dulmi ah ee horay loo geestay,maxaa yeelay waxyaabaha Soomaaliya burburiyay waxaa ka mid ah dulmigaas la geestay.

*Su’aal: waxaa jira in dad lagu sheegay in ay yihiin oday dhaqameedyo,kuwaasoo lagu soo ururiyay Muqdishow,si ay u akhriyaan una ansixiyaan dastuur la yiri dalka iyo dadka ayaa lagu dhaqaa,marka hore adigu sidee baad u aragtaa dastuurka imminka la hadal hayo?

=Jawaab: waxaa cajiib ah in Soomaaliya oo burbur ku jirto in loo sameeyo dastuur cusub, kaasina waxaan u arkaa in ay dhici karto burbur kale oo dalka loo horseedo,ummadda Soomaaliyeed waxay leedahay dastuur caalami ah oo 1960kii la sameeyay,qof kastoo Soomaali ahna meel kastoo uu joogo ayuu codkiisa ku oggolaaday,wax kale loo baahan yahay maanta ma jiro,innagu waxaynu nahay ummad islaam ah,waxaana loo baahan yahay in ummadda lagu hoggaaamiyo diinta islaamka,wax kalena in la iska daayo ayaan leeyahay,wax aan diinta islaamka ahayna maanta Soomaaliya laguma hoggaamin karo.

*Mahadsanid halgame Boolaay

=Adigaa mudan Maxamedeyn

FADHIGA MARKA BIDIX LAGA BILAABO

1. ALI YAHYE

2. ABDULLAHI AHMED KARANI (USA KU NOOL )

3. MAHAMED IBRAHIM LIQLIQATO (Waa dhintay)

4. MAHAMED MOALIN HUSSEIN (Waa dhintay)

5. ABDULKADIR HAJI SAID (Waa dhintay)

6. HUSSEIN KULMIYE AFRAH (Waa dhintay)

7. MUHYADIN HAJI BASHIR

8. DAUUD ABDULLE HERSI (Waa dhintay)

9. MAHAMED DAHIR HUURE

SAFKA DHEX MARKA BIDIX LAGA BILAABO

1. OSMAN OMAR SHEEGOW (Waa dhintay)

2. ABDULKADIR ALI BOLAY (UK KU NOOL )

3. MAHAMED AINANSHE (Waa dhintay)

4. MAHAMED OMAR BAFADAL

5. MAHAMED ABSHIR MUSE (USA KU NOOL)

6. YASIIN ……………..

7. AWEYS SHEEKH

8. ABDULKADIR FOOD

9. AHMED MAHAMED

10. MAHEMED ALI NUR (USA KU NOOL)

11. PILOT SANDHEER (ARAB) (Waa dhintay dayaarad ayaa la dhacday)

SAFKA KORE MARKA BIDIX LAGA BILAABO

1. AHMED SHEEKH

2. MAHAMED KHAMIS (SUDANI)

3. MAHAMED SIYAD BARE (Waa dhintay)

4. Ibrahim Mahmed

5. Ahmed Mahmed Isse Vecchio

6.DAHIR HAJI OSMAN (Waa dhintay)

7.Mahamed Hizam

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.