Faah Faahin Qarax Mombassa ka Dhacay iyo Khasaare ka Dhashay

 | Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax geystay khasaare kala duwan oo habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Mombassa ee xarunta Xeebta Kenya.

Qaraxa oo ahaa Bam-gacmeed lagu tuuray goob lagu caweeyo ayaa waxa uu sababay geerida hal ruux iyo dhaawac tiro kale oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Booliska Kenya waxay sheegeen in labo nin oo waday qaraxa ay markii isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka, hase yeeshee ay u diideen ilaalada Hotelka iyagoo markii dambena qaraxa ku tuuray.,

Kooxahii qaraxa soo tuuray ayaa isla markiiba ka baxsaday goobtii uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa qaraxa kadib waxay gaareen goobta wax ka dhaceen waxayna ka sameeyeen hawlgallo baaritaan ah.

Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Mombassas waxa uu kusoo beegmay xilli qarax geystay khasaare ballaaran uu shalay ka dhacay Xerada qaxootiga Dhagaxley kaasi oo lala eegtay Ciidamada ilaaliya hay’adaha ee Kenya.

Lama cidda sida rasmiga ah uga dambeysa qaraxyada iyo weeradada ka dhaca gudaha Kenya inkastoo Dawladda Kenya ay markasta ku eedayso Al shabaab iyo Al qaacida.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Faah Faahin Qarax Mombassa ka Dhacay iyo Khasaare ka Dhashay

  1. Waxan ugu baqaya umad wax kharxinaysa inay unaxaristan umada maskinta khaxotiga ku jira ee oga so cararay dhul koda falalkan ad hada la daba socotan waxa ku khasaraya wa umada khaxotiga okaliya o marku kharax dhaco ladhaco hantidoda lana layo ayado lo adegsanayo xabado kuna dhintan dad an waxba galabsan