Arimaha Dastuurka, Khilaafyada Jira iyo Dib u Dhaca ku Yimid!

 | Maxaa kala Socotaa Arrimaha Dastuurka, Khilaafyada Jira iyo Dib u Dhaca ku Yimid Soo Xulista Ergada Ansixinaysa Dastuurka Cusub?

Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan ka furmay shir ay yeesheen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo xulaaya ergada ansixinaysa Dastuurka cusub, shirkaasi uma furmin umana dhicin sidii loogu talagalay.

Waxaa jira qaar badan oo kamid ah Odayaasha shirka oo aan weli soo wada gaarin magaalada Muqdisho, waxaa jira qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo gebi ahaanba kasoo horjeeda qaabka uu u furmay shirka oo la wada qiray in ay qaladaad ku jiraan.

Maalintii shalay Muqdisho ka dhoofay oo Garoowe dib ugu laabtay Ergadii shirka uga qayb gashay Puntland waxayna dib ugu laabteen Garoowe, waxay sheegeen in ay dib ugu soo laaban doonaan shirka marka la saxo qaladaadka jira.

Xukuumadda Soomaaliya waxay shaacisay in uu dib dhac ku yimi shirkii Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socday iyo soo xulista xubnaha ansixinaaya Dastuurka cusub.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow oo galabta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay jiraan arrimo farsamo oo dib u dhigay shirka lagu soo xulaayo guddiga ansixinaysa Dastuurka cusub.

Yariisow si dhab ah uguma dhawaaqin hawlaha farsamo ee shirka iyo soo xulista xubnaha dib u dhigay, hase yeeshee waxa uu sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa beeniyey in uu jiro khilaaf u dhexeeya saxiixayaasha Raod-mapka ee ka kooban 6-saxiixe uuna kamid yahay Madaxweynaha Puntland oo dhowaan sheegay in uu dhaliilsan yahay qodobo kamid ah Dastuurka cusub.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaaya in uu jiro khilaafaad hoose oo u dhexeeya saxiixayaasha Raod-Mapka kaasi oo sababay in uu dib u dhaco soo xulista guddiga Dastuurka.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa iminka ku hawlan qabashada shir ay isugu imaanaayaan saxiixayaasha Raod-Mapka kaasi oo looga hadlaayo sida uu u socon karo ansixinta Dastuurka cusub.

Wararka hoose oo aan helayno waxay sheegaayaan in Madaxweynaha Galmudug uu horay u dhaliilsanaa shirkiin ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaasi oo uu ka maqnaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhowaan ku baaqay in wax laga bedelo qodobo kamid ah Dastuurka cusub.

Dhanka Dawladda KMG ah Madaxweyna Shariif ayaa isagana ka biyo diidsan qodobo kamid ah Dastuurka kuwaasi oo dhowaan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey xafladdii loo dhigay aas-aaska Ciidamada xoogga dalka.

Dhamaan arrimahaan oo is biirsaday ayaa keenay in uu dib u dhaco shirka Dastuurka, waxaana la sheegay in maal mahan soo aadan la qaban doono shir guud oo arrinta lagu xalliyo.

Beesha caalamka oo bixinaysa kharashaadka ku baxaaya shirarka dhacaaya iyo ansixinta Dastuurka ayaa ka walaacsan sida ay wax noqon karaan marka la fiiriyo wakhtiga oo yar iyo khilaafaadka jira iminka.

W/Q Jaamac Joofane

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 16, 2012. Filed under Faalooyinka, Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.