Tarsan oo magacaabay afahayeen cusub oo Gobolka Banaadir yeesho

 | Tarsan ayaa wuxuu maanta uu soo magacaabay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, kadib markii todobaadkii hore uu xil ka qaadis uu ku sameeyay Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed C/Laahi Cariig.

Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, ayaa waxaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir loogu soo magacaabay Maxamed Yuusuf Axmed.

Wareegtadaan ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/Kaafi Hilowle Cusmaan, isagoona ugu akhriyay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ku taalla Degmada Xamar Weyne.

Maxamed Yuusuf Axmed oo loo-soo magacaabay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ahaa xoghayihii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo iminkana loo-soo magacaabay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa wuxuu xil ka qaadis uu ku sameeyay Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/Laahi Cariig, wuxuuna ku eedeeyay in uu gudan waayay Waajibaadkii shaqo ee loo-soo magacaabay.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.