Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in arrimo farsamo uu dib ugu dhacay soo xulidii Ergooyinka ansixinaya Dastuurka

 | Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in arrimo farsamo uu dib ugu dhacay soo xulidii ergooyinka ka qeyb geli lahaa shirweynaha ansixinta Baarlamaanka, kadib markii mudada ay aheyd maalinimadii shalay.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ahna La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa qiray inuu jiro daahitaan iyo arrimo xag farsamo oo dib ugu dhacay, isagoo xusay inay socdaan dadaalo.

“Daahitaan waa jiraa, iyo in xag farsamo ay dib ugu dhacday howlihii soo xulida ergooyinka shirweynaha dastuurka ansixinaya, shirka odayaasha dhaqanka waxaa uu ahaa mid ay isku baranayeen, dadaalada waa socdaa, cilado waa jiraan dastuurka qabyo qoraalka, in mar hore dadka loo bandhigo ayay aheyd, balse ay daahday”ayuu yiri Eng. C/raxmaan Yariisow.

Sidoo kale Eng. Yariisow ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka uu wali u socdo kulamo wacyi gelin, aqoon is weydaarsi iyo sharaxaad laga siinayo Dastuurka, iyo sidii ay u soo xuli lahaayeen ergooyinka.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in marka uu dhamaado shirka odayaasha loo gudbi doono in la soo xulo 825-xubnood ee ansixinaya Dastuurka, kadibna ay soo xuli doonaan Baarlamaanka cusub sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Saxiixayaashii Road Map-ka ay ka shiri doonaan arrimaha soo kordhay, si ay xal ugu helaan, waxaana uu intaa ku daray marka ay isugu yimaadaan saxiixayaasha loo gudbi doono xulista 825-ta xubnood ee soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha hor-taagan dhameystirka xilliga KMG iyo geedi socodka, isagoo xusay inay jirto waqti yar iyo dhaqaalaha oo aan wali u saamixin in lagu socodsiiyo howlaha horyaala.

Si kastaba ha ahaatee 15-ka bisha May oo shalay ku beegneyd oo qorshaha ahaa in lagu soo diyaariyo ergooyinka ansixinaya Dastuurka ayay dib uga dhacday, hase ahaatee waxaa muuqda in wali khilaafyo ay ka taagan yihiin Dastuurka qabyo qoraalka, kadib markii Odayaashii ka socday Puntland ay shalay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, dibna ugu laabtay Garowe.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.