| Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo iminka safar shaqo ku jooga dalka Hindiya ayaa waxa uu si faah faahsan uga hadlay khilaafaadka ka jira dhanka Dastuurka iyo sababta ay Ergada Puntland uga baxday shirkii Muqdisho.
“Arrimaha Soomaaliya waxa ka qaadanay door muhiim , waxa aan isku tax luujinay in ay wax hirgalaan oo wadankan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dastuurkana la hirgalinaayo, dhinaca Puntland, waxa ay qabatay labo shir oo ka dhacay Garoowe, iyo kii Muqdisho waxyaabo badan ayaana ka soo baxay, annaga Puntland wixii noo gaarka ahaa waan hirgalinay, laakin qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay, waxa aan annaga aan dooneynay in dastuur loo sameeyo Soomaaliya oo nalgu daro annaga guddiyada ansixinaya, laakin TFG-da ayaa diidan arrintaass”
“Waxa ay Dawladda KMG ah 31- April noo soo direyn warqad ay ku qoran tahay qaabka la doonayo in loo ansixiyo dastuurka Soomaaliya, laakin markii warqada aan aragnay, wax ku yaala haba yaraatee ma lahan, wax shaqo ah oo ay qabtay dowladda ma jirto, annaga markii waxaas oo dhan aan aragnay, ayaan ka biya diidnay howlaha hadda sida ay wax u socdaan”
” Annaga marka aan ka biyo diidnay waxa sida ay u socdaan, waxa aan durba warqad udirnay beesha caalamka iyo saxiixayaashii Roud-Mapka waxana u sheegnay in la iskugu yimaado magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo aan u aragnay meel kuwanaagsan in looga hadlo arrimahan”
“Odayaal in Xamar lagu shiriyo, oo wax aysan ka warheyn looga sheekeeyo, waxa aan noo cuntameynin, waayo shirkii Garoowe 1 iyo Garowe 2 iyo kii Roud-Mapka lagu ansixiyay, waxa inoo muuqda hadda in la doonayo in dadka la jiirsiiyo wax aysan qaadan karin, oo meesha wax aan Transpalance wax la yiraahdo aysan ka jirin,annagu waxa aan dooneynaa shirka in uu noqdo kii lagu ansixiyay dastuurka Puntland ee ka dhacay Garoowe, marka hadda waxa socda dadka oo dhan ayaa ka biyo diidsan, annaga kuma qanacsanin, TFG-da hadda waxa ay ku mashquulsan tahay doorashada, cid kale oo ku mashquul san dalkan in uu yeesho dastuur rasmi ah oo loo dhan yahay ma aragno”
” Heshiiskii Kampala waxa uu u dhexeeyay DKMG ah, annaga waxba nagama galin, laakin annaga waxa aan meel dhexe ka soo galnay kii lagu saxiixay Roud-Map-ka isagiina wax nalaga socod siiyay malahan, xittaa saxiixayaashii Roud-Map-ka lalama socodsiin waxa sida ay u socdaan, annaga waxa aan fileynay in ay soo baxaan wax qurux badan xittaa haddii aan nala socodsiin, laakin hadda waxaas meesha kama jiraaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland mar uu waraysi dheer siiyey BBC-da.
Hadda waxa sugaayo waa shirka Adis Ababa iyo waxa kasoo bixi kara maadaama ay jiraan khilaafyo kala duwan oo u dhexeeya saxiixayaasha Raod-Mapka.
Xafiiska Wararka Puntland
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize