Iska Hor Imaad Dad ku Dhaawacmeen oo Gaalkacyo ka Dhacay iyo Suuqa Qudaarta oo Maanta XIran

 | Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray dad ganacsato ah waxaana ka dhashay khasaare dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa sababay dhaawaca 9-qof oo u badan dumar, waxaana dadkaasi dhaawacyo kasoo gaareen dhagxaan, baangado iyo budad ay isku adeegsadeen.

Ciidamada amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi gaaray waxayna kala dhex galeen dadkii isku dhacay.

Dhaq dhaqaaqa guud ee ganacsiga suuqa ayaa xiran, waxaana lagu soo daadiyey Ciidamo Boolis ah oo katirsan kuwa Puntland.

Iska hor imaadka dhexmaray haweenka qudaarta iibiya ayaa salka ku haya muran ku aadan keenista qudaarta iyo weliba qaabka loo iib geeyo.

Xaaladda ayaa iminka deggan waxaana socda dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo dadka dadkii dagaalay saaka.

Xafiiska Wararka Puntland

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.