Jaamacada Carabta oo ka hadashay dhibaatooyinka lagu hayo caruurta

 | Guddiga Arrimaha Bulshada ee baarlamaanka Carabta ayaa ka hadlay tacaddiyada ka dhanka ah carruurta dalalka Carabta iyo sidii loo qaadi lahaa olole weyn oo looga hortagayo dhibaatada loo geysato carruurta.

Guddiga ayaa isla garay in ay booqdaan waddamada carruurta lagu dhibaateeyo, waxaa sidaas warbaahintana u sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo xubin ka ah guddiga arrimaha bulshada.

Nadiif ayaa sheegay in maanta lagu wado in war-murtiyadeed laga soo saaro kulanka, kaas oo lagu caddeynayo dhibaatooyinka ka jira dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Suudaan.

Guddiga ayaa la sheegay in ay xubno u soo diri doonaan xerada qaxootiga Dhadhaab ee Kenya iyo Muqdisho si ay ugu kuur-galaan dhibka haysta carruurta Soomaaliya.

Dhibaatooyin kala duwan ayaa lagula kacaa carruurta Soomaalida.

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login