| Raysal wasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Dr C/weli maxamed Cali gaas ayaa si faah faahsan uga hadlay arrimaha dastuurka meesha ay maraayaan iyo sababta ay Ergada Puntland uga baxday shirka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socda.
Dr Gaas oo waraysi siiyey TV-ga Universal ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay ka shakisan yihiin qodobo kamid ah Dastuurka taasina ay tahay mid hadda lagu mashquulsan yahay sidii loo xallin lahaa.
Akhriso hadalkii Raysal wasaaraha
“Dabcan Puntland waa qayb xoog leh oo baaxad leh kana tirsan Dowlada Kumeel gaarka ah, Muhiimada ugu wayn ayayna noo leedahay,waana in la tix galiyo walwalka ay ka qabaan Dastuurka, Dasduurku waa Dastuur Soomaaliyeed cid kastoo Soomaaliyana waxbay ka qabi kartaa Puntland baa ka qabi karta, Galmudug baa ka qabi karta, Soomaali oo dhan baa ka qabi karta Ra’yi, Marka Ra’yiga inta la aruuriyo ,la darso latix galiyo markaas Dastuur aynu dhamaanteen isku waafaqsanahay oo na anfacaya oo aan qolona gees ula cararyn uu noqdo, Waxaa loo baahan yahay inaan keeno dastuur Soomaali meel kastoo ay joogto dhaqi kara”.
“Dabcan way noo sheegeen (Puntland) qodobda ay waxka qabaan, sida iyo sababta ay wax uga qabaan marka taasina waxa weeye in la tix galiyo , waa lagama maarmaan, waajibna weeye”.
Hadalka Raysal wasaare Gaas waxa uu kusoo aaday xilli intii badnayd Ergadii Puntland uga qayb gashay shirkii Muqdisho ay ka baxeen kadib markii ay sheegeen in wax laga bedelay balankii ay Muqdisho ku imaadeen.
Xafiiska Wararka Puntland
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
DR gaas waa halyey taariikhda ay xusi doonto waa aqoontahan ay daacad ka tahay soomaali inay ka gudubto marxalada daashatay ee soo jirtay 22 sano,puntland waxay rabtaa in somaaliya ay kala yeelato xeerar iyo dastuuro awoodii dawladnimo meesha ka baxdo oo ay somaaliya magacii la oran jirey halkaas ka baxo sidaas maxay ka dhigan tahay#?
waxa laysku haystaa waa intaas somaali la kala jarjarimaayo iyo waa la kala jarjarayaa!! dastuurkan hada la diyaariyey waa mid somaalinimo salka ku haya iyo in leh doonimayno dawlad xoog leh ina maamusha waxay doonayaan xaaladaas cajiran in lagu jiro uu dalku sii burburo tirtirmo.hadaba dr gaas iyo wasiiradiisa waxay go;aan ku qaateen inay somaliya marxaladaas ka saaraan oo gurmad u fidiyaan intii karaankooda ah. waxaan ilaahay ka baryayaa inuu guusha siiyo iyaga somaliyana dhibaatada la geliyey ka baxdo aamikin