Soomaaliya: ‘Waa in aan mudnaanta koowaad siinnaa geeddi-socodka siyaasadda’

| Hadalkii Boqortooyada Midoowdey/UK (Ingiriiska) ee Danjire Philip Parham, Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ee Ergada UK u joogta Qaramada Midoobey.

Waan kuu mahadinayaa Mudane Madaxweyne.

Waxaan kaaga mahadinayaaa fursadda aan kaga munaaqashooneyno Soomaaliya waqtigaan aadka muhiimka u ah.

Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in aan Xoghayaha Guud uga mahadceliyo warbixintiisii ugu dambeysey iyo xog-warrankii gaabnaa ee Wakiilkiisa Gaarka ah, Mudane Augustine Mahiga, uu ina siiyey saaka. Waxaan si weyn uga mahadnaqeynaa hawsha Wakiilka Gaarka ah, dadaallada ay wadaan kooxdaada, iyo dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Soomaaliya. Waxaan sidoo kale jeclahay in aan Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyo la-joogitaankiisa uu halkaan maanta inala joogo, iyo waxa uu ku biirinayo dooddan.

Mudane Madaxweyne,

Waxa aan jeclahay in aan ka hadlo laba arrimood oo muhiim ah: geeddi-socodka nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Marka ugu horreysa, arrinta aan mudnaanta koowaad siineyno waa in ay ahaataa geeddi-socodka nabadda. Waxaa ka harsan saddex bilood oo keliya waqtiga uu dhammaanayo xilliga ku-meelgaarnimada. Waxaa aad muhiim u ah in aan xawaaraha kordhinno si aan u hubinno in Golaha Ta’siisiga ah ee Qaran la isugu keeno sida ugu horreysa ee suuragalka ah, iyada oo loo marayo waddo dadka oo dhan u furan oo matalaad ku dhisan.

Mas’uuliyadda ugu dambeysa ee hubinta in la soo gabagabeeyo ku-meelgaarnimada waxaa leh hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed. Laakiin annaga, haddii aan nahay bulshada caalamka, waa in aan sii wadnaa bixinta taageerada lagamamaarmaanka ah. Boqortooyada Midowdey (UK) waxaa ay £1 milyan oo Gini siineysaa Qaramada Midoobey si ay u taageerto geeddi-socodka, waxaa sidoo kale ay bixineysaa taageero shaqaale farsamo. Waxaan ugu baaqeynaa kuwa kale in ay iyaguna bixiyaan taageero la jaanqaadeysa baahiyaha jira ee ay Qaramada Midoobey soo ogaatey.

Waa in aan sidoo kale geeddi-socodka aan siinnaa taageero siyaasadeed, in aan dhiirrigelin ku bixinno horumarka la sameeyo iyo in aan u diyaar noqonno in aan tallaabo ka qaadno cid kasta oo isku dayda in a is-hortaagto ama daciifiso, geeddi-socodka. Waxaan soo dhoweynayaa waraaqdii ay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD ay soo saareen ee ka hadleysey kuwa suuragalka ay tahay in ay kharribaan geeddi-socodka. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in ay UK ka go’an tahay in ay tallaabo ka qaaddo kuwa isku daya in ay kharibaan geeddi-socodka, kharibaaddaas oo ay ka mid tahay iskuday kasta oo lagu doonayo in saameyn gurracan lagu yeesho soo xulidda xubnaha Golaha Ta’siisiga.

Waxaa jira warar isa soo taraya oo Soomaaliya dhexdeeda la isla dhexmarayo oo tilmaamaya in dadweynuhu aaney ku faraxsaneyn geeddi-socodka. Waxaan jeclahay in aan caddeeyo in qabista fikrad ka duwan geeddi-socodka laftiisa aaney ahayn tallaabo kharibaad ah. Ka biyo-diidistu ma aha wax xun – waxaa ay tusineysaa ku lug lahaansho lagu lug leeyahay geeddi-socodka. Dood dadweyne oo la yeesho waa arrin muhiim ah oo ka mid ah dimuqraaddiyadda. Laakiin waxaa aad muhiim u ah in geeddi-socodka meel looga banneeyo kuwa ka biyo-diidsan si loo maqlo codkooda loona tixgeliyo fikirkooda iyada oo aan waddada laga leexin geeddi-socodka gebi ahaantiisaba.

Ka biyo-diidsanaanta badideedu waxaa ay u eg tahay in ay ka dhalaneyso shaki la qabo iyo macluumaad la’aan. Sidaa daraaddeed waxaa muhiimad weyn leh in geeddi-socodka loo wado sida ugu daahfuran ee suuragalka ah. Qaramada Midoobey iyo Saxiixayaasha Garoowe waa in ay bannaanka u soo dhigaan liiska odeyaasha, geeddi-socodka ay ku xulayaan xubnaha Golaha Ta’siisiga ah ee Qaran, iyo geeddi-socodka ay wax uga qabanayaan arrimaha aan la isku raacsaneyn ee ku jirta dastuurka.

Mudane Madaxweyne,

Marka wasiirradu ay dhammaadka bishaan ku kulmaan Istanbul, waxaa ay daraaseyn doonaan horumarka laga gaarey soo gebogabeynta ku-meelgaarnimada. Waa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, oo uu taageerayo xafiiska UNPOS, kuwa laga doonayo in ay muujiyaan horumarka la gaarey iyada oo loo eegayo waqtiga lagu siiyey Roadmap-ka iyo Mabaa’diida Garoowe ilaa waqtiga markaa la joogo.

Midda labaad, in kasta oo ay diiradda inoo saaran tahay arrinta la xiriirta dhammaadka ku-meelgaarnimada, haddana waxaa muhiimad aan taas ka yareyn leh in la sii wado dhisidda ammaanka iyo degganaanta guud ahaan Soomaaliya. Qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsiguusu ahaa 2036 waxaa uu waddada u xaarey in joogitaanka AMISOM la sii wanaajiyo lana sii ballaariyo. Waxaan soo dhoweyneynaa tallaabada Midowga Afrika iyo dalalka gobolka ay ku qabanqaabinayaan hirgelinta hawshaas. Muhiimad weyn ayaa ay leedahay in dadaalladaas la sii wado, gaar ahaanna in ciidamada Kenya sida ugu dhaqsaha badan ee suuragalka ah ay ugu soo wareegaan oo ay u qaataan koofiyadda AMISOM.

In kasta oo Qaraarkii 2036 uu dhigayey in la wanaajiyo taageerada AMISOM, haddana waxaa weli loo baahan yahay maaliyad kale si loo helo qalabka iyo waxyaabaha kale ee ciidamada xoojiya. Boqortooyada Midowdey waxaa sanadkii hore ay £16 milyan oo Geni, oo aan shuruud la socon ay kaga qayb qaadatey Sanduuqa Maaliyadda ee UN Trust Fund for AMISOM. Waxaan ugu baaqeynaa in kuwa kale ay sii wadaan wax ku biirinta Sanduuqa Maaliyadda, waxaana sidoo kale deeq-bixiyeyaasha kale ugu baaqeynaa in ay maaliyad-siiyaan baahiyaha muddada fog, sida mushaarooyinka iyo gunnooyinka ciidamada oo uu hadda bixiyo Midowga Yurub.

Laakiin waxaan sidoo kale u baahannahay in aan sii wanaajinno dadaalladeenna aan ku kobcineyno awoodda hay’adaha ammaanka ee Soomaalida. AMISOM waxaa ay u baahan yihiin Ciidamad Ammaanka ee Qaranka Soomaaliya oo ay ka barbar dagaallami karaan ayna ugu dambeynta hawsha ku wareejin karaan. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Midowga Afrika uu ku soo ogaanayo baahiyaha degdegga ah ee Ciidamada Ammaanka Qaranka. Waxaan aaminsannahay in axkaamka/qodobbada cunaqabateynta hubka ee hadda jirta ay oggol yihiin debecsanaan dad ugu filan in lagu buuxiyo baahiyahaas iyo in ay faa’iidooyin muhiim ah oo dhinaca ammaanka ah ay ku jiraan sii socoshada cunaqabateynta. Waxaan sidoo kale u baahannahay in aan kordhinno dadaalladeenna muddada fog ee ku aaddan dhisidda kartida ee dhammaan waaxaha ammaanka iyo garsoorka, in aan ammaan iyo garsoor aan dadka ku siinno guud ahaan Soomaaliya. Ammaanka oo la wanaajiyo waxaa uu muhiim u yahay dadaallada lagu taageerayo dejinta iyo horumarinta maamul dowladeed oo wanaagsan, oo gaar ahaan laga hirgeliyo degaamada dhowaan gacanta ku soo noqdey.

Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxaa ay hadda geleysaa waqti muhiim ah. Saxiixayaasha Garoowe waa in ay kala doortaan: ma waxay doonayaan in qaybtooda ka qaataan nabad ku soo celinta Soomaaliya ka dib 21 sano oo uu dagaal socdey, in ay wanaajiyaan nolosha kumanaan qof oo Soomaali ah iyo in ay Soomaaliya ku soo ridaan waddada dib-u-soo-kabashada; mise waxa ay doonayaan in fursaddaan ay ka hoos baxdo, oo ay dalkooda geliyaan sanado kale oo dagaal iyo jahawareer uu ku jiro? Waxaan ku dhiirrigelinayaa in ay doortaan midda wanaagsan ee saxda ah. Haddii ay sidaas yeelaan, Qaramada Midoobey iyo bulshada caalamku waa ay la shaqeyn doonaan waxaana ay siin doonaan taageerada ay u baahan yihiin. Waxaan ka dhur sugeynaa in arrimahaan aan kaga sii munaaqashoonno Istanbuul.

Mahadsanidiin.

 

****Dhammaad.****

Abdilatif Maalim| Communications Officer- British Office for Somalia|British High Commission |Upper Hill Road, Nairobi |

Tel: +254 20 2844292 Fax:+254 20 2844088 | Mob: +254 723040125

125 | FTN: + 8300 3292
Email:Abdilatif.Maalim@fco.gov.uk| www.ukinsomalia.fco.gov.uk

Visit our blogs on: http://blogs.fco.gov.uk

Follow us on Twitter @UKinsomalia

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.