Xafladdii Tayo ee Dallas, ayna ka qeybgashay Guddoomiyaha Xisbigaasi Drs. Maryan Qaasim

  | Dallas - waxaa habeennimadkii Sabtida ee May 12, 2012. ka dhacay Magaalada Dallas ee Gobolka Texas Munaasabad soo dhaweyn iyo taageero loogu sameynayey Xisbiga Siyaasiga ah ee Tayo.
Waxaa Xafladdaas oo si heer sare ah u soo agaasimay ama u soo qaban qaabiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dallas oo ayna hormuud u tahay Guddoomiyaha Jaaliyadda Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade (Calansida).
Waxaa Xafladaasi ka soo qaybgalay dadweyne farabbadan oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanibba oona ka kala yimid Nawaaxiga Dallas, Fort Worth iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Texas sida Magaalooyinka Houston iyo Austin.

Waxaa sidoo kale Xafladdaasi ka soo qaybgashay Guddoomiyaha Xisbiga Tayo Drs. Maryan Qaasim oo iyadu ka timid Waddanka Ingiriiska, hase yeeshee waxaa Xafladdaasi si lama filaan ah uga baaqday Xoghayaha Guud ee Xisbiga Tayo isla markaasna’ ah R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo isagu khadka (Telephone) ka uga qaybgalay Xafladda.

Ugu horeyntii Dr. Farmaajo oo dadweynihii kasoo qaybgalay loogu sheegay baaqashadiisa isla Xafladda dhexdeeda, ayaa Raalli-gelin iyo Cudur-daarba ka bixiyey Maqnaashihiisa Kadiska ahayd, isagoo uga mahad celiyey qaban qaabiyeyaashii iyo kasoo qayb-galayaashiiba sida ay waqtigooda qaaliga ah ugu soo hureen, isagoo sheegay marba hadii ay joogto Drs. Maryan Qaasim inaan isaga ama cid kaleba latabi doonin.

Intaas kaddib Xafladdi ayaa si rasmi ah u bilaabatay, dad badan ayaa hadlay oo aan ka xusi karo Professor Warsame Xasan Cali oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oona wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Magaalada Houston, Texas. Professor ka oo ah Electrical Engineer by Profession, ayaa analogy u soo qaatay shaqada Engineerrada oo ah iney sameeyaan Design, kaddibna test-gareeyaan intaanan loo fasixin dadweynaha caadiga ah iney isticmaali karaan Design kaasi iyo inkale. sidaas darteedna Professor ka ayaa sheegay in waqtiga adag ee ay Soomaalida ku jiraan awgeed, iney habboontahay in hoggaanka Dalka lagu aamino dad hore loo tijaabiyay oona guulaystay sida hoggaamiye-yaasha Xisbiga Tayo.

Dadkii kale ee hadlay waxaa ka mid ahaa: Professor Khaalid Qabbaati oo u dhashay Dalka Aljeeriya kana mid ah Culimada waaweyn ee Dallas, Jaamacadana wax ka soo dhigay, kaasoo ku masaalay dhibta hadda ka taagan Soomaaliya dhib ay horay u soo mareen Reer Aljeeriya, isagoo ku guubaabiyay Soomaalidii ka soo qaybgashay Xafladda, in waddada ugu fiican ee looga bixi karo dhibka’ ay tahay, iyagoo Soomaalidu qabsadaan Xarigga Ilaahay s.w.t., uguna dhaqmaan si sax ah Diinta Islaamka.

Waxaa kaloo hadal qiima badan jeediyay Mukhtaar Maxamed oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dallas. Sidoo kale Sh. Maxamuud Shakiib oo ka tirsan Culimmada Soomaaliyeed ee Dallas.

Iyo Canab Maxamed Canshuur oo tirisay Buraanbur waddani ah oo aad loo jecleystay, dadwaynihiina qiira wayn wada galisay.

Sidoo kale Siyaad oo kamid ah Odayaasha Dallas oo Su’aal qiima badan oo ku saabsaneyd Maamul Goboleedyada waydiiyay Drs. Maryan. Drs. Maryanna si waafi ah ayey ugu jawaabtay taasoo Siyaad iyo ka qayb galayaashii kaleba si aad ah ugu qanceen Jawaabteedii.

Waxaa sidoo kale Hadal qiima badan ka jeedisay goobta Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dallas, Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade (Calansida), iyadoo ka hadashay waxyaabo badan oo ay ka mid aheyd wax qabadka hay’adda Daarul-Shiffa (Clinic) oo ay Marwo Asli aasaastay. Sidoo kale waxay ku guubaabisay Hooyooyinkii Soomaaliyeed ee fadhiyay goobta iney kula dadaalaan Caruurtooda oo ay baraan Afka Hooyo ee Soomaaliga iyo Dhaqankeena wanaagsan.
intaas kadib, waxaa hadalki lagu soo dhaweeyay Key-Note-Speaker ka Xafladda oo ahayd Guddoomiyaha Ururka Sinnaanta iyo Caddaaladda ee Tayo Drs. Maryan Qaasim.

Drs. Maryan ayaa run ahaantii jeedisay Qudbad Taariikhi ah, oo ka qayb galayaashii Xafladda si aad ah ay uga maqsuudeen. Drs. Maryan ayaa ka warbixisay Xaaladda Guud ee uu Wadanku maraayo Waqtigan Xaadirka’ ah, sidoo kale waxay ka hadashay Aragtida Siyaasadeed (Political Vission) ee Xisbiga Tayo iyo Barnaamijkooda wax-qabad, haddii uu Ilaahay s.w.t. Wax ugu daro Talada Waddanka Doorashooyinka la filaayo iney dhacaan Bisha August ee soo socota haddii Alle idmo.

Drs. Maryan ayaa ka codsatay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka hadlaan dhibaatooyinka’ ay arkaan, oo ayna codkooda kor u qaadaan si loo maqlo.
Waxay sheegtay in Marxalado badan oo kalana duwan uu waddanku soo maray, ayna ugu dambeysay iyadoo Diinta Shaarka laga wasaqeeyay oo dad ay si qaldan u isticmaaleen, ilaa heer la gaadhsiiyay Ummaddii Soomaaliyeed oo dad Muslimiim ah, iney markey maqlaan Sheekh ama Wadaad ay gadaal u baxaan ama u cararaan, haddana’ ay taagantahay in Odayaashii Dhaqanka oo ah meesha kaliya ee maanta Soomaali u hartay la rabo in iyagana Shaarka laga wasaqeeyo. “Waxaa jira in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku qaylinayaan in Odayaashoodii Dhaqanka laga been abuurtay, oo kuwo been-been ah laggeystay meesha si loo isticmaalo, looguna dan gaadho” ayey tidhi.

Haddab Drs. Maryan ayaa ka codsatay Soomaalida iney kor u hadlaan oo ay kala caddeeyaan Odayaasha Saxda’ ah iyo kuwa Been-Abuurka’ ah ee la sameystay.

Drs. Maryan ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in Caqliga Saliimka’ ah uu diidayo in qof uu ku jiro damac siyaasadeed oo rajo ka qabo Madaxtinnimada Dalka uu yidhaahdo: waxaan ka mid noqonayaa dadka soo xulaaya Baarlamaanka isla markaasna waxaan ka mid ahay Musharrixiinta, waxayna Carrabka ku adkeysay in loo baahan yahay in arrintaasna laga hadlo, lana diidana.

Ugu danbeyntii Drs. Maryan ayaa weerartay Nidaamka Foosha Xun ee Awood qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed isticmaalaan ee la dhaho Four-Point-Five (4.5), kaasoo ah Nidaam ku dhisan Caddaalad-darro. Iyadoo sii hadleysana waxay tidhi: “Dad badan oo aan wareystay waxaan ogaaday in dadka badankiis aysan si sax ah u fahamsaneyn nidaamkaas.

(4.5) ku ma’ aha oo kaliya in laga badsado kuraasta beelaha badhka’ ah, ee waxaa jira xataa Kuraas aysan geyin ama’ aysan u qalmin in la siiyo Beelaha Badhka’ ah sida: Kursiga Madaxweynaha, R/Wasaaraha, G/Baarlamanka, kuxigeennada R/Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare”.
Isku soo wada duub, Xafladdii Tayo ee Dallas oo ahayd Xaflad aad u qurux badneyd, dhammaan dadkii ka qayb galayna aad iyo aad ula dhaceen ayaa ku soo dhammaatay Jawi aad u wanaagsan, iyadoo ka qayb-galayaashiina u rajeeyeen Xisbiga Tayo inuu soo dhiso Dawladda soo socota.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Xafladdii Tayo ee Dallas, ayna ka qeybgashay Guddoomiyaha Xisbigaasi Drs. Maryan Qaasim

  1. Asc xisbiga tayo gulaysta waxaa tihiin kuwi dhibka ka saari laha soomali
    oo dhan aamiin MR Farmaajo iyo Drs Maryan guul baan idin rajaynaya aamiin

  2. Walaashey Mariam Qaasim guuleyso oo cadowgaa ha dhaco.