| Maamulka Puntland oo dagaallo muddo sanado ah socday la galay kooxaha Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen ka ciribtirka burcadda ee xeebaha Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad bad ee Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa ka qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Burcad badeeda oo ka dhacay magaalada London.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Britain ayaa looga hadlayay sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Burcad badeeda iyo heerka laga gaaray,waxaana Soomaaliya uga qaybgalay xubno uu kamid ahaa Wasiirka Dekaddaha Puntland.
Eng. Siciid Maxamed Raage oo wareysi siinayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen afduubyada iyo weerarada ay geysan jireen kooxahaas,wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay ka dambeysay markii dadaalo badan ay sameyeen Ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Puntland oo xakamaysay Burcad badeedi ka weerar tegi jirey berriga.
Wuxuu intaas ku daray in ay ka sifeeyeen Burcad badeedi fariisimo ku lahaa qaar kamid ah xeebaha Puntland isla markaana socdo qorshe lagu dejinaayo Ciidamada Badda Puntland dhamaan degmooyinka ku teetsan xeebaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dadka ku dhaqan meelaha ay joogi jireen xeebaha sida Garacad iyo EYL loo sameeyay wacyigelin oo xaga diinta isla markaana la baray dhaqanka wanaagsan.
Ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda Midowga Yurub ayaa wada qorshe ay Burcad badeeda kula dagaalamayaan berriga.
Xafiiska Wararka Puntland
![]() |
You must be logged in to post a comment Login