| OPINION / FIKRAD - by Cabdiraxiin H. Galayr - Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa sheekadii xiisaha lahayd ee “Soomaaliya ka warran” qaybteedii labaad. Sheekadan oo ah wada sheekaysi dhex maraya laba Oday magaalo, oo iska waraysanaya wacyiga iyo waayaha wadankooda, waxay u dhacaysaa sidan:
Gundhiye: Asalaamu Calaykum, Wallaahay waa saaxiibkay Goobjoog, saaxiib xaalka adduun iiga warran?.
Goobjoog:Wacalaykuma salaan, waan wanaag sanahay saaxiib, Gundhiyoow, xaaladdu waa wanaagsan tahay mana wanaagsana, rajadu ma xuma, yididiilo fiicana sooma muuqato, waxna nooma kordhin waxna nagama dhicin, waa sidaas xaalku.
Gundhiye: Weligaaba hadalka waad isku mari jirtayoo nimaan ku aqoon waa kugu dawakhi jiraye, Soomaaliya ka warran iyo wadankan aynu joogno xaalkiisa?.
Goobjoog: Dhinacee baan kaga warramayaa? Ma dhinaca shirarka? Mise dhinaca Bariga? Mise dhinaca waqooyiga? Ma Muqdisho iyo nawaaxigeeda? Dhankee saaxiib?.
Gundhiye: Shirarka ka Billow, kan odayaasha iyo Dastuurka ka warran?.
Goobjoog: Laguu warran jaalkayoow, shirarkani waa shirar danleey, Odayaasha waa isku dhafan yihiin, mid wax og iyo mid aan ogayn, mid daacada iyo mid aan dan ka lahayn, mid daggan iyo mid diimmoon intaba, mid dayacan oo deegaan qarmuun la dajiyey iyo mid daaro indha daraandar ah la dejiyey. Dastuurkuna waa Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, maxaad ku taqaanay?.
Gundhiye: Ma xisbigii dhacay ee aan la dagaalanay ee durbaanada sidan jirayee ka soo baxaay odhan jiray? Waxaan ku aqaanay wixii yeelana waxuu ahaa Kacaan iyo Guulwade, waxii diida ama dood ka keenaana waxuu ahaa kacaan diid iyo dib u socod.
Goobjoog: Ilaahayoow aadan caqliga waayin, Dastuurkana waa la mid, dadkii waa aqriyeen horta magac xumadaan ku nacay, Beesha Gabooye ayaa waxay ku daacayadaysaa beelaha kale “Aji fal dhiman lama tuso” oo macnaheedu yahay wax qabyo ah iyo wax kala maqan, hadde waa qabyo qoraal ayaa la leeyahay, nimanka qoranayaa niman qalimmo badan weeyaan, oo gacmona kuma yara, inkastoo ay hadda dhammeeyeen, haddana, weli fari kama qodna, balse, waxaa qabyadaas ku jira, oo meesha ka maqan waxaa ugu weyn cadaaladdii, wadanku waxuu la burburay cadaalad darro, iminkana intii yarayd ee hadhsanayd, ee ahayd wixii aan isu ogalayn ayaa meesha laga saaray, Marka xaalku waa: “Reer ba’ayoow yaa ku leh?” Ninkii diidana waa dil iyo dacas, dalkoo laga raro, duunyadoo laga xayiro, iyo danbiyo culculusoo kale ayaa la sheegayey!
Gundhiye: Waan gartay, Wallee waa yaab! Waxaan ku weydiiyey, Dastuurka haddii qodobo ka mida la saluugay, oo ka hor imanaya Diinta, dhaqanka iyo dhismaha dowladnimee saxda aha, lana leeyahay bulshadu ha ka talo bixiso iyo la tashiga dadweynaha, taladii dadweynaha noqotay inay qodobbo qabyo qoraalka ku jira saluugeen, in lagu xukumo “QASWADE!” maxay macnaheedu ka dhigantahay?.
Goobjoog: Waxay ka dhigantahay, haddii la qoro iyo haddaan la qorin soomaalida dastuur ma celiyo, madax iyo muwaadinba, nin weliba siduu doono ayuu u dhaqmaa, kaaga darane, waxaaba iminka meesha taal, in wixii shalay laysku qoonsaday maantana ka sii daran meesha imanayso, awal beeluhu waxay lahaayeen waa na nala dudsiiyey, hadda, beel welliba iyadiibaa doonaysa inay wax dudsiido, oo kelligeed noolaato, markaasaa magac loo bixiyey la yidhaahdo afka qalaad aad uma aqaane “Fandaraal” anse ii ah: “Kayga anaa iska leh kaaga kula lihi”
Gundhiye: War aduunka wax kala qoqob iyo kala qaarid waa laga gudbay, wadamada Carabta oo dhan gaadhiga aad ka xaysato ayaad ku soo wareegaysaa cid juuq kuu odhanaysaa ma jirto, iminkana waxaaba laga yaabaa inay jinsiyad qudha qaataan, Yurubna taarikada baabuurta iyo jinsiyadaha dadkaba isku mid baa laga dhigay, Maraykan iyo Kanadana waa sidaasoo kale, Afrika maanta wadamada dowladaha leh fiise isuma qaataan, waa lays wada dhex galay, ee innagu isku diin iyo isku af baan nahay, ummad isku midana waa nahay, ee maxaa Federaalka inagu qasbaya?,
Googjoob: Garan maayo, laakiin, waxaa lay sheegay waa la kala shakisan yahay oo aamindaraa jirta, hadda shirkadaha ganacsiga, xawaaladaha iyo jaamacadaha, wax kasta oo noloshu lahayd, guurkii, xididnimadii iyo xigaalnimadii waxba iskama bedelin, ee siyaasaddii ayaa lagu kala shakiyey oo noqonaysa “Federal Tribalism” Kala Gurasho Beelleed ama Wadaaga Beellaha Qabyaaladaysan, wax caynkaasa ayaa laygu sheegay.
Gundhiye: Waan gartay, halkaas aan ku dhaafno Dastuurka sandullaha ehe, ee Puntland iiga warran? Waa sidee xaalkeedu, waxaan maqlayey dastuurkeedii “Xeer Mj” iyo way is khilaafeen dastuurkii qabyo qoraalka?.
Goobjoog: Dastuurkii Puntland ayaa warqad soo diray, waxuu u diray Dastuurkii qabyo qoraalka halkaana khilaaf ba’an ayaa ka dhacay, oo u dhaxeeyaa dastuurka 8 jirka ah ee qaybo qoraalka iyo dastuurka bilaha jira ee Puntland “Xeer MJ” waxayse u egtahay inuu go’aan gooni isu taaga qaadan doono dastuurka Puntland, Puntland waxay u gogol xaadhatay inay go’do maadaama ay Dastuur, Calan, Madaxweyne, Baarlamaan, Wasiirro iyo Magaala madax samaysatay, waxa keliya oo ka maqan Dalku gal, Lacagtiina way soo socotaa, iyadoo madaxweynahoodu ku sawir yahay, ka dib waxay si fiican ugu ekaan doontaa Somaliland.
Gundhiye: Alleylehe Haddaba Puntland bustaheeda hayska qaadato, waxaan la yaabay oo aad ula yaabay dadkii degaana Jubooyinka, Baay, Bakool, labada Shabeelle iyo Hiiraan Soomaalinimo ayay wali kaga dhegtay, waana dhulkii dhaqaalaha iyo nimcada lahaa, niman qorfe deggan iyo dhul saxare ah oo aan geed lagu ogayn waxay ku leeyihiin waan go’aynaa.
Goobjooge: Weligaaba geed yaroo Canbe ah iyo Muus ku wareegaalayso, waa lagaa iibsanayaa, nimankani Shiidal, Macaadin iyo Yuraaniyam ayaa buuraha uga buuxa, waxaas looma baahna, qudradda Laatiin Ameerika ayaa looga keenayaa, Isbayn iyo dhulalka Eeshiiya, ee ay isku dayr dhashay, dhulka saxaraha aad leedahayna, wada cimaarad iyo waxaa laga dhigayaa qaruurad Oday ee adigu ama tasho ama halkaas Soomaali baan ahay la taagnaaw.
Gundhiye: Haddii aan keligay Gundhiye soo hadho anigoo Soomaali ah baan dhimanayaa lagama yaabo inaan wax kale sheegto, ballana waxaa igu ah inaan Soomaalinimada weligay waxba dhaafsan, ee waxaan ku leeyahay:
Soomaali baan ahay
Soomaalinimo jecel
Soomaalinimaduna
Sinji iyo Ab weeyaan
Sawracaanan guurayn
Ku samaysan jiidhkoo
Sawdka iyo hadalkiyo
Suurada iyo muuqaba
Sina looga bi’in karin.
Nin saluugay yeelkii
Mid sindhidhiya yeelkii
Mid siyaasad kale iyo
Soodhe wadana yeelkii
Mid sun faafinaayoo
Sinna rabina yeelkii
Soomaali ruuxii
Ka santaagayoow maqal
Soomaali baan ahay
Kama suulo abidkay.
Goobjoog: Oo miyaad maansaysayba, sheekadii bal hadda anigana i dhegayso, mindhaa waxaad igu tuhuntay inaan afarreyda aqoone, tixdan aan kuu mariyo gundhiyoow:
Soomaali waa tee?
Ma dadkii saloognaa?
Sirgaciyo xumaaniyo
Isa seegga mooyee
Sama aan ka talin jirin?
Soomaali waa tee?
Ma safkii dagaalada
Sulufkiyo colaadaha
Saxariir ku noolkii
Sabiyadana qalan jiray
Soddohaha xumayn jiray
Soomaali maba ihi
Sinjina iima soo galo!
Ninba siibaddiisiyo
Sabaduu ku nool yahay
Ha suntado ayaan idhi
Summad calala haw sudho
Safaf baarlamaaniyo
Wasiirrana ha suubsado
Yaan laysku soo siqin
In la kala sikada oo
Laysa seego mooyee
Yaan laysa saamixin
In Lays wada sadheeyoo
Lays suufo maahine
Yaan laysa saacidin
In lays wada sakala oo
Laysa sirana mooyee
Yaan laysa sooryeeyn
Soomaali maba ihi!
Sinjina iima soo galo
Sawdka waan bedelaya
Suudaanigaan baran!
Gundhiye: Goobjoogoow waan ku gartay haddaad Soomaali diidday, adigaa cirka roob ku oge, waxaad iiga warrantaa Ra’iisal wasaare Gaas iyo xaalkiisa, maan fahmine?.
Googjoog: haddaadan fahmin anigaa ku fahansiinaya, Gaas waa Ergayga dowladda Puntlnad u fadhiya Xafiiska Dowlada KMG ee Muqdisho una qaabilsan Arimaha siyaasada iyo horumarinta mashaariicda Dowladda Puntland.
Goobjoog: Cajiib, Wallaahay waxaana ogayn baad ii sheegtay, waxaad iiga warrantaa Madaxweyne Shariif Maraykanka, muxuu ka doonay?.
Googjoog: Waxaa Madaxweynaha loo sheegayaa in waqtigiisii dhamaaday, oo nin kale ay heleen, oo ay booskiisa ku bedalayaan, oo shaqada halkaas ka sii wada, isagana xuquuqdiisa iyo mushaharaadkii u hadhay iyo mac salaamayntiisa ayay ka soo wada hadlayaan, meeshuu uu degi lahaa iyo koontadii biilka loogu shubi lahaa.
Gundhiye: Weger, saw tii la lahaa baarlamaanka cusub ayaa musharixiinta madaxweynanimada u tartamaya kala dooran doona?.
Goobjoog: Oo adigu miyaad taqaanaa Baarlamaanka cusub cidda uu yahay iyo cidda uu noqon doono?.
Gundhiye: Maya ma aqaano ee sawtii la lahaa waxaa soo xulayaa odayada?.
Goobjooge: Odayada magacyo qoran baa loo keenayaa, magacyadaa ayeyna qorayaan, oo iyagu waxba xulan maayaan, oo sheekadu waa mid hore loo diyaariyey, ee maaha mid maanta la diyaarinayo, oo Odayadu isku hawayaan.
Halkaas markay maraysay ayaa Aadaankii Sallaada Casar ay maqleen.
Gundhiye ayaa yidhi: waan soo tukanaynaa ka dib ayaan sheekada dhamaysan doonaa.
Aqriste maanta halkaas ayay inoo joogaysaa, wixii Soomaaliya warkeeda ku soo kordhana waa la socon doonaa.
La soco Qaybaha danbe ……….
Waa qalinkii
Cabdiraxiin H. Galayr | Galayr1977@hotmail.com
Share on Facebook
Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya - Qaybtii 1...
Fadlan Caawi Walaalkaa Dhibaateysan!
Ugaarsiga Wariyaasha Mudug iyo Aamusnaanta Maamulk...
Somalia: Phony Constitution crafted through UN rig...
Bisha Soon waa Caafimaad ee ha laga faaidaysto!
Laba Shariif & C/weli hadal kiina intuu uur...
Ansixinta Dastuurka: Diidmo iyo Dabaal-dag (Faallo...
Aragtida sharciyeed ee hawlaha Geedi Socodka!
Shacabka Soomaaliya & xukuumada cusub
TURKEY: Obstacle to NGOs Conspiracy?
Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q2AAD
Aqoon yahan Aragti ka arradan!
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

Socialize